
Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun".Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeryooday Ciyaaryahankii Caanka ahaa ee Kubadda Cagta islamarkaana lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen Shiiqaalow kadib markii la sheegay in uu Wadnaha istaagay.
Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeryooday Ciyaaryahankii Caanka ahaa kana tirsanaa Xulka Qaranka Soomaaliya iyo waliba kooxdii hore ee Minashiibiyo kaasi oo lagu magacaabi jiray Xuseen Maxamed Shiiqaalow.
Maxamed Xuseen Shiiqaalow ayaa geeridiisu waxa ay timid kadib markii uu maanta istaagay Wadnaha xilli uu marayay meel ku dhow degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in xiligaasi uu ku wajahnaa degmada Waaberi.
Allaha u naxariistee Ciyaaryahan Shiiqaalow ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa uu Macalin u ahaa islamarkaana uu tababar siin jiray Kooxda Caanka ah ee Seri-Ada Soomaaliya ee la yiraahdo Dekadaha.
Geerida Ciyaaryahankii Caanka ahaa ee Shiiqaalow ayaa waxaa si weyn uga naxay inta badan dadka daneeya Sportiga Soomaaliya.
Shiiqaalow waxaa uu dhashay sanadii 1955-tii isagoo ku dhashay magaalada Muqdisho, waxaana uu Ciyaarta Kubadda cagta ka bilaabay degmada Shibis ee gobolka Banaadir halkaasi oo uu uga sii gudbay kooxdii caanka aheyd ee Minashiibiyo.
Ugu dambeyntii Allaha u naxariistee Ciyaaryahan Maxamed Xuseen Shiiqaalow waxaa lagu xasuustaa islamarkaana dadka kubada cagta Soomaaliya sida weyn ula socda ay ku xasuustaan Laadadka xorta ahaa iyo Bulusyoonadii uu caanka ku noqday kuwaasi oo uu ka dhalin jiray kooxihii waaweynaa ee Soomaaliya ka dhisnaa.
Mamulka webka Geesguud. waxeey Tacsi u dirayaan dhamaaan qoyskii uu ka geeriyooday asagana janadii fardowsa allaha ka waraabiyo Aaaamiiin
Tacsi
Saturday, 29 May 2010 18:47
Abdihakim Maxamud Midnimo
Alle ha u naxariisto marxuumka eheladiisa, qaraabadiisa, iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan haka siiyo. AAMIIN
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it