GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Maqaallo
Maqaal

Dhacdo argagax leh oo ka dhacday magaaladda Minisoto ee dalka Maraykanka “

E-mail Print PDF

Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay oday lagu magacaabo Yuusuf iyo wiil lagu magacaabo Xamsa, Xamsa ayaa xiriir lasoo sameysay xafiiska Shabakadda Dhacdo.com ee magaaladda Montreal ee dalka Canada, isagoo inooga waramay dhacdadii argagaxa laheyd ee uu kala kulmay oday Yuusuf.

Waxaan ku dhashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, gaar ahaan degmada Wardhigley sanadka markuu ahaa 1982-kii, nasiib daro magaaladda Muqdisho ayaa waxaa iskaga soo barakacnay dagaaladdii curtay 1991-kii, deetana waxaa u soo barakacnay xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya, sidoo kale oday Yuusuf waxaanu wada degneyn degmadda Wardhigley, waxayna saxibo ahaayeen aabahey oo xilli hore dhintay Allaha u naxariistee.

Aniga iyo qoyskeyga oo lix ruux ka koobnaa ayaa waxaa iskaga jirnay xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya, sidoo kale oday Yuusuf iyo dhamaan qoyskiisa ayaa iyana waxay nagula jireyn xeryihii qaxootiga, hase ahaatee qoyskeyga ayaa waxay nasiib u yeesheyn in loo-qaado dalka Canada, halka oday Yuusuf iyo dhamaan qoyskiisana loo-qaaday magaaladda Minisoto ee dalka Maraykanka.

Wadanka Canada oo aan nasiib u yeelanay sanadkii 1994-kii, ayaa waxaa ka bilaabay waxbarasho, ugu dambeen waxaa ku guuleystay inaan gacanta ku dhigo shaahadada Degree-ga ah, sanadkii 2003-dii ayaa anigoo jaamacadda dhiganaayo, ayaa waxaa magaaladda Toronto isku aragnay Fartuun oo uu dhalay oday Yuusuf, nasiib wanaag waxaa halkaasi ka bilowday xiriir aniga iyo Fartuun inoo dhaxeeyo.

Fartuun ayaa waxaa ina dhex maray jaceyl, ilaa heer mustaqbal aanu ka wada shekeysano, markii uu ii dhamaaday jaamacadda, ayaa waxaa bilaabay shaqo culus, anigoo gacanta ku dhigay lacag wanaagsan, oo aan is-dhihi karo adiga iyo gacalisadaada Fartuun, waxbey idin qaban kartaa.

Fartuun ayaa dhankeeda ka dhameysay jaamacad, waxayna bishii luulyo ee sanadkaan oo 2010 ah, iga codsatay inaan kasoo doonto odayga dhalay ee Yuusuf, anigana waa ka ogolaaday bacdamaa aanu ku heshiinay inaan is-guursano.

Waxaan imid gobolka Minisoto oo ay ku nool yihiin qoyska gacalisadeyda Fartuun, oday Yuusuf ayaa markii uu i arkay si’aad ah igu farxay, isagoo iga wareystay dhamaan qoyskeyga, waxaana u sheegay inay wanaagsan yihiin.

Xilli goor maqrib ay tahay ayaa oday Yuusuf u sheegay sababaha aan Minisoto u imid, inay tahay inaan doonaayo inaan guursado gabadhiisa Fartuun, bacdamaa uu inaga dhaxeeyo jaceyl kal iyo laab leh.

Oday Yuusuf ayaa intuu igu qoslay igu yiri “ma-adiga ayaa guursanaaya gabadheyda”?, saa waxaan ku iri haa, aniga ayaa guursanaayo, waayo waanu ku heshiinay oo tan iyo 2003-dii ayaa wada soconay, hase yaashee oday Yuusuf oo ay saxibo ahaayeen aabahey ayaa igu yiri “Ma’ogtahay cidda aad tahay” saa waxaan ku iri haa, waxaan ahay nin Madhibaan ah, waxaana doonaayaa inaan guursado gabadhaada oo naag Habar Gidir oo weliba Cayr ah” intuu qoslay ayuu igu yiri “Taariikhda laguma sheegin in gabadheeda uu guursan doono nin Madhibaan ah” intaan carooday baan ku iri sabab?

Saa wuxuu igu yiri “Anaga hadaan nahay beesha Cayr ma-guursano beelaha laga tirada badan yahay, gaar ahaan Madhibaan” Yaab iyo amakaab bay igu noqotay, ninka sidaan ila hadlaaya waa oday 55 jir ah, intaan carooday ayaan ku iri, maxaad na-dheer tahay, ma xiniyo mise karti kale, intuu carooday ayuu igu yiri “wiil yahow guuxaaga ayaad ka dheereyneysaa, ee waxaad ogaataa inay Soomaali oo dhan idin faquuqday”.

Walaahi aad iyo aad baan u carooday waxaan sameeyo ayaa garan waayay, waxa uu ka hadlaayo iyo qabyaaladda, nin shaqo iyo shuqul toona ku leh maahi, waayo waxaan kusoo koray waa dibad, waxaan wax kusoo bartay waa dibad, waxaan ku shaqeystay waa dibad, intaan carooday baa si qeylo leh ku iri bal xisaabtan oo isweydii, sababta keentay inaanan guursan karin gabadhaada?

Wuxuu si degan igu yiri “Adeer waxaa yeeshaa sifiican ii dhageyso, Soomaali oo dhan baa si- gooni u soocday qabiilka aad ka dhalatay, hadee ma-doonaayo wax ay Soomaali farta ku fiiqday inaan soo dhaweystay”, markaan arkay ad adeegiisa baan ku iri way inoo taallaa, waana kasoo dhaqaajiyay.

Habeenkii waxaan seexday Hotel ku yaalla magaaladda Sean Paul ee gobolka Minisoto, Fartuun oo igu ogeyd guriga, ayaa si’aad ah iga wal-walashay, intaan ka wacay teleefankeeda gacanta ayaa waxaa u sheegay wixii ina dhex maray aabaheyd.

Waxayna igu tiri “Odaygaan cudur buu qabaa, warkiisana waxba nagama gelin adiga ayaa diyaar ku yahay, ee hada isku-kaaya keen” sidii ayaa Fartuun isku soo raacnay, hada waxaan wada joognaa magaaladda Montreal ee dalkaan Canada.

Oday Yuusuf oo sixun ii faquuqay ayaa afka kala furtay, isagoo bilaabay inuu ku dhawaaqo, “war Madhibaan baa i dhacay, war Madhibaan baa i dhacay” hase yeeshee Soomaalida ku dhaqan gobolka Minisoto oo dhan ayaa sheekada ka war heshay, intii taqaanay oday Yuusuf ayaa waxay bilaabeyn inay siyaabo gooni gooni ah farta ugu fiiqaan oday Yuusuf.

Fartuun ayaa waxaa wada aqal-galnay 10-kii bishii August ee sanadkaan 2010-ka ah, waxaana mahad gaar ah u jeedinaayaa  Dhacdo.com oo
x-dhacdo   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Last Updated on Sunday, 05 September 2010 19:51
 

Daraasad lagu ogaaday waxyaabaha Haweenka ka Caraysiiya!!

E-mail Print PDF

Daraasadan ayaa la sameeyay dhawaan waxana lagu ogaaday waxyaaba badan oo cara aanay fududeen ka soo laabashadeeda dumarka galiya waxaana ka mida :-

1.luminta dareenka jaceyl:- arintani ayaa timaada xiliga ninka uu ku soo daaho meelaha lagu Caweeyo,Jardiinada lagu sheekaysto iyo daawashada Ciyaaraha waxaana ay sababtaa taasi in aanu xaaskiisa ama Jacvaylkiisa aanu la casheyn taasi oo dhalisa Feker iyo xanaaq hoose.

2. ka meer meerida fulinta amarada Haweenaysa iyo bixinta waxa ay jeceshahay : tani ayaa waxa ay tahay mid badanaa soo noq noqota waxaana ay dhalisaa dhabana hays badan iyo Feker soo wajaha Hawewenka iyagoo jecel xilli waliba in la fuliyo amaradooda ama balamada ay raggooda ka qaadaan.

3. Maseyr:- Maseerka waxa uu yimaadaa markii tuhun aan loo ogayn uu galo Haweenayda waxaana inta badan uu yimaadaa tuhunkaasi markii Haweenayda ay aragto ninkeeda ama saaxiibkeed oo Haweenay kale la hadlaya,La qoslaya,lagu arku sawirada dumar kale,Mobailkiisa ay soo wacdo Haweenay,fariimo qoraaleed ay soo dirto haweenay oo laga arko Emailkiisa gaarka ah iyo waxyaaba badan oo halis galinaya haweenayda Jecel ninkeeda.

4.Xiliga uu jiifo Ninka oo laga maqlo dhawaq aan la jeclayn sida Quurada oo kale oo ay dumarka aad u neceb yihiin dhawaqyada ka nixinaya.

4. Diidmo la socoshada iyo la marida wadooyinka xiliyada Muhiimka ah sida waqtiga ay Haweenaydo doonayso in ay indhaha ku nuursato ninkeeda ama Jacaylkeeda isagoo xiliga uu ka biya diido ay bilaabato carada iyo xanaaqa xadka ka baxsan waxaana ay Haweenayda niyada gashataa in uu Xaqirayo ninkeeda ama Jacayleeda xiliga uu diidayo wada la marida.

5.furiin lama filaan ah ama muujinta Caro aan meelna u xisaabsanayn:-
Haweenku waxay si aad ah uga caroodaan  oo ay uga naxaan furiinka dhaqsada ah ama xanaaqa la filaanka ah. 

Barqadle häselby  This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Taariikhdii Asxaabigii Weynaa ee Jafcar Bin Abii Daalib "Qiso Cajiib ah"

E-mail Print PDF

Reer Banii Cabdi Manaaf waxaa ka mid ahaa shan nin oo si aad ah ugu ekaa muuqaalka Rasuulka (scw), waxayna shantaas nin ee sida aadka ah ugu ekaa Rasuulka (scw) kala ahaayeen:-

Abuu Sufyaan Bin Al-Xaarith Bin Cabdil-Mudhalib oo ay Nebiga (scw) ilmo adeero ahaayeen.

Qutham Bin Cabbaas oo isna ay Nebiga (scw) ay ilmo adeero ahaayeen,
Assaa’ib Bin Cubeyd Bin Cabd Yaziid oo ahaa Imaamu Shaafici awoowgiis
Xasan Bin Cali oo ay dhashay gabadhii Rasuulka (scw) ee Faadumo
Iyo ugu danbeyntii saxaabiga aan sheekadiisa qaadanayno ee Jacfar Bin Abii Dhaalib oo ay walaalo ahaayeen Cali Bin Abii Dhaalib.
Rasuulka (scw) iyo Cabbaas oo kala qaatay..

Ma ahayn ekaanshahaasi keliya mid muuqaal ah, hase ahaatee wuxuu Jacfar Allaha ka raalli noqdee uu sidoo kale ku sifaysnaa akhlaaqdii wanaagsanayd ee uu lahaa Rasuulka (scw). Abuu Dhaalib oo ahaa Jacfar aabihiis inkastoo maqaam iyo sharaf weyn ka joogay Qureysh, haddana wuxuu ahaa xaal-mastuur oo aan lahayn hanti badan iyo iyadoo ay u dheerayd isagoo lahaa caruur badan. Abuu Dhaalib, waxay xaalad adag la soo gudboonaatay sannadkii abaarta darnayd ay ku dhufatay guud ahaan degmooyinkii ay degganaayeen qabaa’ilka qureysh. Reer Banii Haashim waxaa maalintaas ugu dhaqnaa oo xoogaa fiican hanti haystay Muxammad Bin Cabdillaahi (Rasuulka (scw) oo aan xilligaas la soo saarin) iyo sidoo kale adeerkiis Cabbaas Bin Cabdul-Mudhalib.

Rasuulka (scw) wuxuu Cabbaas ku yiri hadalladan "adeer, walaalkaa Abaa Dhaalib waa caruur badan yahay, dadkiina waxaa isugu darsamay waxaad aragtid oo abaar daran ah iyo xanuunka gaajada, ee ina-kaxeey oo aynu aadno Abuu Dhaalib si aynu uga qaadno qaar ka mid ah caruurtiisa, annigu waxaan qaadanayaa mid ka mid ah wiil ka mid wiilashiisa, adiguna waxaad qaadanaysaa wiil kale sidaas ayaan uga kaafinaynaa."

Cabbaas wuxuu ku yiri Rasuulka (scw) "kheyr iyo samafal ayaad iigu yeertay", kadibna waxay labadoodii aadeen Abaa Dhaalib, waxayna ku yiraahdeen "waxaan doonaynaa inaan xoogaa kaa khafiifino culeyska kaaga yimid caruurtaada si aan kaaga qaadno dhibataada abaarta ee dadkoo dhan saamaysay". Abuu Dhaalib wuxuu ku yiri "haddaad ii dhaaftaan Caqiil, sameeya wixii kale ee aad rabtaan", dabadeedna Rasuulka (scw) wuxuu qaatay Cali, Cabbaas-na wuxuu qaatay Jacfar.

Cali iyo Jacfar waxay maalintaas wixii ka danbeeyay ku kala wareegeen guryaha Muxammad Bin Cabdillaahi (oo aan weli waxyiga ku soo degin) iyo Cabbaas Bin Cabdul-Mudhalib. Cali Bin Abii Dhaalib wuxuu ku soo barbaaray gurigaas jeer Rasuulka (scw) lagu soo saaro diintii hanuunka iyo xaqa wadatay. Nasiib wanaag wuxuu Cali Bin Abii Dhaalib lambarka koowaad ka galay dhalintii ugu horeysay ee gasha diinta islaamka.

Jacfar oo isku-filnaaday

Dhinaca kale, Jacfar isna wuxuu iskala noolaa adeerkiis Cabbaas. Markuu xoogaa weynaaday wuu soo islaamay, isagoo ka guuray gurigii Cabbaas kadib markuu isku filnaaday.

Abuubakar ayaa soo islaamiyay

Jacfar Bin Abii Dhaalib iyo xaaskiisii qiimaha badnayd ee Asmaa Bintu Cumeys inay soo islaamaan waxaa sababteeda lahaa Abuubakar Assiddiiq Allaha ka raalli noqdee, waxayna ku beegnayd kahor intuusan Rasuulka (scw) gelin daartii Arqam Bin Arqam ee uu dadka diinta ku bari jiray.

Wiilkii reer haashimiga ahaa ee dhalinyarada ahaa waa Jacfare iyo gabadhii iyadana dhalinyarada ahayd ee Asmaa Bintu Cumeys waxaa islaamiddooda awgeed kala soo gudboonaatay cidhiidhi iyo dhibaato weyn oo kaga yimid gaalladii Qureysh taasoo ay la wadaageen muslimiintii kale ee horey u soo islaamay. Jacfar iyo Asmaa dhibaatooyinkaas dusha ayay u dhigteen oo way u sabreen una dulqaateen. Maxaa yeelay, waxay si dhab ah u yaqiinsanaayeen in waddada Jannada loo maro lagu goglay laguna hareereeyay waxyaabaha ay nafta dhibsato.

Qoyskii Jacfar iyo Geeska Afrika

Sidaa darteed, Jacfar Bin Abii Dhaalib wuxuu Rasuulka (scw) ka fasax qaatay isaga iyo xaaskiisa iyo qaar ka mid ah asxaabta inay u qaxaan dhulka Xabasha oo maanta loo yaqaano Geeska Afrika. Rasuulka (scw) wuxuu asxaabta u fasaxay hijradaas isagoo ka murugaysan. Waxaa culeys weyn ku ahayd oo dhibaysay in asxaabtaas qiimaha badan ee mu’miniinta ah lagu qasbo inay diintooda darteed loogu qaxiyo dhul aad u fog, iyagoo aanan gelin wax denbi ah, keliya waxa loogu dhibaateenayo ay tahay inay yiraahdeen "Allaah ayaa Rabbigeena ah". Ma aynan haysan muslimiinta maalintaas awood ay isaga caabbiyaan hagardaamada iyo dhibaatooyinka kaga imaanayay gaalladii qureysh.

Caddaaladdii Najaashi ayay ku nimcaysteen

Muhaajiriintii saxaabada ayaa u anbabaxay dhulkii Xabasha, waxaana muhaajiriintaas qiimaha badan hoggaaminayay saxaabiga jaliilka ah ee Jacfar Bin Abii Dhaalib. Markii ay soo gaareen Xabasha ama Geeska Afrika, waxay durbadiiba magangalyo weydiisteen boqorkii Xabasha ee caddaaladda iyo wanaagga badnaa laguna magacaabayay Najaashi. Waxay markii ugu horeysay saxaabadii muhaajiriintii ahaa dareemeen ammaan iyo nabadgelyo buuxda, laga soo billaabo markay soo islaameen. Waxay billaabeen inay si xor ah u muujiyaan cibaadooyinkoodii diinniga ahaa, iyadoo aynan arrintaas kala kulmin wax dhibaato ah.

Hase ahaatee, gaalladii qureysh markii ay maqleen in koox ka mid ah muslimiinta ay u qaxeen Xabasha, sidoo kalena ay magangalyo ka heleen boqorkii Xabasha ayaa waxay isku dayeen sidii ay muslimiintaas ugu soo celin lahaayeen magaalooyinkooda, dabadeedna ay u dili lahaayeen ama ay xabsiga ugu taxaabi lahaayeen.

Ummu Salama ha nooga sheekayso..

Ummu Salama Allaha ka raalli noqdee oo markaas la socotay muhaajiriintii muslimiinta ayaan sheekadaan inteeda badan ku soo qaadanaynaa waxyaabihii ay la kulmeen muhaajiriintii Xabasha u hijrooday, iyadoo ka sheekeenaysana waxay tiri "markaan nimid dhulka Xabasha waxaan la kulannay dad lala jaaro kuwii ugu kheyrka badnaa, diinteennii ayay nagu nabad geliyeen, iyadoo wax dhibaato ah aanan la kulmin ayaan Rabbigeen si wacan u caabudnay. Qureysh markay maqleen wararka la xiriira sidii na loo soo dhoweeyay waxay billaabeen inay nagu amar-taagleeyaan, waxay boqorkii Najaashiga u soo direen labo nin oo xoog badan, waxayna kala ahaayeen Camar Bin Al-Caas iyo Cabdullaahi Binu Abii Rabiica, waxayna labadaas nin wadeen haddiyado fara badan oo loogu talagalay boqorka Najaashi iyo wadaaddada kale ee isaga ka ag dhow. Waxay qureysh labadaas nin u soo dardaarantay inay haddiyooyinkaas ay siiyaan wadaaddada kaniisadda kahor intaynan ka hadlin boqorka Najaashi".

Kulankii Najaashi ee Camar iyo saaxiibkiis

Ummu Salama oo hadalkeedii sii wadata waxay markale tiri "markii labadii nin ay yimaadeen Xabasha waxay la kulmeen wadaaddadii kirirstaanka ee u shaqeenayay boqorka, waxayna siiyeen dhammaantood haddiyadihii ay u wadeen, dabadeedna waxay ku yiraahdeen, waxaa dhulkii boqorka Najaashi soo gaaray qaar ka mid ah dadkeenii madaxa looga jiray, kuwaasoo diintii aabayaashoodii ay haysteen ka gaalloobay, waxay tafaraaruq geliyeen midnimadii tolkoodii, ee haddaan boqorka kala hadalno kuwaas arrinkooda, fadlan waxaad u sheegtaan inuu innaga faraha inoo soo geliyo isagoo aanan weydiin wax ku saabsan diintooda, ugaasyada iyo madaxda qabiilka ayaa si fiican dadkooda u yaqaana, ugana warqaba diimaha ay rumeysan yihiin.". Wadaaddadii way oggolaadeen codsigoodii oo waxay yiraahdeen "waa yahay".

Ummu Salama ayaa markale tiri, waxay Camar iyo saaxiibkiisii aad u dhibsanayeen inuu boqorka Najaashi uu u yeero mid innaga naga mid ah oo uu hadalkiisa u dhagaysto. Intaa dabadeed waxay Camar iyo ninkii la socday ay u yimaadeen Najaashi, iyagoo ku wareejiyay haddiyadihii ay ugu talagaleen, waxayna ku yiraahdeen hadalladan "boqorow waxaa boqortooyadaada soo magangalay qaar ka mid ah dhalinyaradeena kuwadooda shar-wadayaasha ah, waxay la yimaadeen diin aanan innaga iyo aabayaasheenaba aqoonin, way ka baxeen diinteennii oo mana aynan qaadeen diintiinii, innaga waxaa na soo diray tolka ay iyaga ka dhasheen ugaasyadooda oo ay ka mid yihiin aabayaashoodii, adeeradooda iyo kuwa ay qaraabada yihiin si aan iyaga gacanta ugu gelino, fitnada iyo dhibaatada ay abuureena iyaga (ugaasyadaas) ayaa naga badiya".

Boqorkii wuxuu jaleecay wadaaddadiisii, waxayna iyagoo hadalkii u riyaaqsan yiraahdeen "run bay sheegeen -boqorow-, tolkooda ayaa naga badiya, ee iyaga dib ugu celi iyagay jirtaa waxay ka yeelayaan". Boqorkii Najaashi oo aad uga carooday hadalkii wadaaddadii ka soo yeeray ayaa ku yiri "Maya wallaahi, marnaba lagama yaabo inaan dadkaas dalkooda dib ugu musaafuriyo jeer aan u yeero oo aan waxa uga weydiiyo waxa laga sheegayo, haddii labadaas nin waxay ka sheegeen ay sax noqoto iyagaan gacanta u gelinayaa, hase ahaatee waxa laga sheegayo waxaan ahayn hadday soo baxaan waan magangalinayaa oo waan wanaajin doonaa inta ay ila joogaan".

Markale Ummu Salama waxay tiri "intaa kadib wuxuu boqorkii Najaashi naga codsaday inaan la kulanno. Kahor la kulanka boqorka ayaa innaga dhexdeennii is aragnay, qaarkeen ayaa qaarka kale ku yiri "boqorka ayaa su'aal idinka weydiin doona diinteena ee aynu si cad ugu sheegno diinta aan rumeysanahay, waana inuu noo hadlaa Jacfar Bin Abii Dhaalib, yuusan hadlin qof kale oo aan isaga ahayn". Ummu Salama oo sii wadata hadalka misna waxay tiri "waxaan durbadiiba u dareernay boqorkii Najaashi, markaan soo gaarnay goobtii kulanka waxaan aragnay boqorkii oo ay weheliyaan wadaaddadiisii oo ay ka fadhiyaan dhinacyada midigta iyo bidixda, waxay soo gashadeen dhar khaas ah, kutubadoodii ayay is hor-dhigeen, waxaa sidoo kale goobtii kulanka fadhiyay Ergadii qureysh ee Camar Bin Caas iyo Cabdillaahi Binu Abii Rabiica.

Boqorkii ayaa xaggeenii soo eegay, wuxuuna nagu yiri: waa maxay diinta aad nagu soo kordhiseen oo aad awgeed uga baxdeen diintii ay tolkiinii haysteen, isla mar ahaantaana aynan u qaadanin diinteena iyo mid kale-toona?.

Jacfar oo su'aashaas ka jawaabaya ayaa yiri: boqorow, waxaynu ahayn kuwo jaahili ah, waxaynu caabudi jirnay asnaamta, bakhtigana waynu quudan jirnay, xumaha ayaynu samayn jirnay oo qaraabo-goys ayaynu ahayn, jaarka iyo deriska ayaan dhibaatayn jirnay, keena awoodda leh wuxuu ku tuman jiray kan tabarta daran sidaas ayuu xaalkeena ahaa jeer uu ALLAH (sw) naga soo dhex soo saaro Rasuul aynu naqaano abtirkiisa, runtiisa, amaanadiisa iyo dhowrsanaantiisaba. Wuxuu noogu yeeray rumeynta Allaah, iyo inaan isaga keliya aan caabudno, isla markaasna aan faraha kala baxno wixii aynu innaga iyo aabayaasheenaba ay ku sugnaayeen oo ah cibaadada asnaamta. Wuxuu Rasuulkaas na faray run-sheega, gudashada amaanada, xiriirinta qaraabada, deriska oo la wanaajiyo.., wuxuu naga reebay xumaha oo idil iyo been-abuurashada, in la cuno hantida ay leeyihiin agoonta iyo gabdhaha dhowrsoon oo lagu tuuro xumaan. Wuxuu kaloo na faray inaan Allah "sw" keliya aan caabudno oo aanan u shariik-yeelin, inaan oogno salaadda, bixinno sakada iyo inaan soonno bisha ramadaan. Waan rumeynay, oo waxaynu si dhab u qaadanay wixii uu xagga Allaah kala yimid, xalaashii ayaynu xalaalsanay, oo wuxuu naga reebayna xaaraan ayaan ka dhiganay, intaa dabadeed boqorow waxay tolkeenii billaabeen inay nala collaytamaan, xanuun daran ayay na mariyeen si ay nooga celiyaan diinteena oo ay noo celiyaan cibaadadii asnaamta. Markii si daran ay noo dulmeen oo ay noo dhibaateeyeen ayaan u soo qaxnay dhulkiina, adiga ayaan dadkii kale kaa dooranay, waxaynu doorbidnay la deriskaaga, waxaan maciin-badnay inaan agtaada nalagu dhibaataynin.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    Bye Ali Barqadle

 

Qiso Jaceyl oo dhab ah oo dhex martay lamaane Soomaaliyeed “Gabdhaha Somaliyeed qaarkood xumaan B

E-mail Print PDF

Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed, oo lagu kala magacaabo Mahad iyo Naciimo, mahad ayaa xiriir lasoo sameeyay wariya-yaasha barnaamijka xiisaha badan ee Isha Dhacdooyinka Caalamka, kuwaa oo ka hawl-gall shabakadda Dhacdo.com, waxayna sheekadu ku bilaabaneysaa sidatan.

Waxaan ku dhashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, sanadka markii ahaa 1985-kii, waxbarashadeyda waxaan kusoo qaatay Iskuulka Al Fajri oo ku yaalla degmada Yaaqshiid, sidoo Naciimo waxay dhigan jirtay iskuulka Mujamac Umul Quraa, oo ku yaalla degmada Boodheere.

Aniga iyo Naciimo waxaa ku wada nooleyn degmada Yaaqshiid, sidoo kale naciimo waxaa isla soo dhiganay Dugsi Qur’aan, waxaana aalaaba qalbiga ku heyn Naciimo, anigoo aad ula dhacsanaa quruxda uu Rabi ugu deeqay.

Muddo markaan wada joognay ayaa waxaa u qaaday jaceyl baaxad weyn leh, isla-markaana waxaa ka cabsin jiray inaan Naciimo u sheegto jaceylka aan u qabo, hase ahaatee waxaa dhacday maalin maal-maha kamid ah Naciimo oo iskuulka ka timid, misana aad u faraxsan ayaa waxaan u sheegtay jaceylkii, iyadoo si diiran igu soo dhaweysay.

Waxan usii qaaday jaceyl kal iyo laab leh, mar walbana kama aysan bixi jirin qalbigeyga
Iyadoo iga dhaweyd dhamaan dhalinyarada xaafadda oo idil, maxaa yeelay waa gabadha kaliya ee aan jeclahay.

In muddo ah markaan wada soconay ayaa waxaa Naciimo u suurta gashay inay aado Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaa oo ay ku nooleyd hooyadeed, isla-markaana waxaa magaaladda Muqdisho ku noqday qof kiligiis ah, maadaama ay iga tagtay gabadhii aan ifka ugu jeclaa ee Naciimo, waxaa iga soo haray fikir iyo amagaag, wareer aan dhamaad laheyn ayaa ila soo darisay, iyadoo ay igu xumaatay nolosha oo dhan, waxaana aad iga hor yimid dhamaan gabdhihii kala duwanaa ee ku noolaa degmada Yaaqshiid.

Wuxuu waqtiga is-guraba ayaa waxaa dhacday inay Naciimo dib ugu soo laabato magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, halkaasi ayaana kasii amba qaadnay jaceylkii inoo dhaxeeyay, waxaa noqonay lamaane uu ka dhaxeyo jaceyl ku dayasho mudan, mararka qaarkood dhalinyarada nala degneyd degmada Yaaqshiid ee aan isku xaafadda aheyn ayaa aad nooga maseyri jiray.

Waxaa noqonay laba qof oo isku uur ah, waxaa noqonay laba qof oo uu ka dhaxeeyo jaceyl cajiib ah, sidoo kale Naciimo waxay aheyd gabadha kaliya ay nafteeda tabi jirtay, isla-markaasna waxay iga soocdeyn dhamaan gabdhihii xilligaa ku noolaa guud ahaan magaaladda caasimadd ah ee Muqdisho.

Waxaa dhacday maalin maal-maha kamid ah inay Naciimo igu tiraahdo macaane waxaan doonaayaa inaan iskaga tago magaaladda Muqdisho, oo waxaan doonaayaa inaan aado Qaaradda Yurub, anigana waan ka aqbalay codsiga ay ila timid Naciimo, dardaaran xoogan ayaa iskula dar-daaranay, waxayna martay safar dheer oo ah, Syria, Turkey, Greece, ugu dambeen waxay nasiib u yeelatay dalka Norway.

Naciimo markii ay Norway gashay ayaa waxaa inoo bilowdo xiriir toos ah, anagoo ku wada xiriiri jirnay qadadka Internet-ka iyo Teleefanadaba, wuxuuna jaceylkeynu ahaa, mid ku socda si habsami leh, isla-markaana waxaa muujin jirin tex-gelin xoogan oo dhanka naciimo ah.

Muddo kadib ayaa waxaa dhacday is-badal xoogan oo ku yimid Naciimo, taa oo aad iga fajacisay, waxaana dhawr jeer isku dayay inaan Naciimo u sheegto, hab-dhaqanka cusub ee igu bilowday, mar walbana markaan wax ka weydiiyo, ayaa waxay igu jawaabi jirtay waa caadi, wax is-badal ah majiraan ama waxaan ahaa mashquul.

Naciimo ayaa waxay kusii adkeysatay inay iga cago jiido, aad baan ula yaabay sida ay ila dhaqmeyso, misana ay ku ilowday jaceylkii halboolaha dhiiga goystay ee inoo dhaxeeyay
Waana mid aan garan waayay sida ay ii deyrisay, misana ay iga goysatay.

Kama aanan quusan oo waan daba orday, oo jeer baan dib u xasuusiyay jaceylkii iyo wacadkii inoo dhaxeeyay, nasiib daro taasi maaha mid ay wax ka qabatay Naciimo oo waxay ku adkeysatay inay iga goosato.

Markaas ayaan waxaa ku calaacalay, Alla caashaqu dhib badanaa, dumarka Soomaaliyed qaarkoodna dayacaad badanaa, addduunkana wal-wal badanaa, waxaan iska baroorto, ama aan iska dhibtooda, Alle wuxuu qadaray inaan ka gaabsado Naciimo, xilli dheer kadibna waxaan guursaday gabar kale, oo iminka i heysa hal wiil, wuxuu waqtiga is-guraba, waxaan imaaday dalka Norway oo ay ku nooleyd Naciimo, sidoo kale Naciimo weli maysan guursan oo weli waxay dhex joogtaa dalka Norway.

DhaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaMaaaaaaaaaaaaaaad ...bye Ali barqadle This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 

Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud "

E-mail Print PDF

Waa barnaamij xiiso badan oo ka koobnaan doono Su’aalo iyo Jawaabo, wuxuuuna socon doonaa inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan, waxaana soo tabintiisa idin suurta gelisay Shabakadda Geesguud.com

1-Su’aal Sheeg Asxaabigii Aabihii dilay dagaalkii weynaa ee Beder?
1-Jawab: Waa Asxaabigii weynaa ee Abuu Cubeydah.

2-Su’aal Sheeg Maxay isu ahaayeen Cali Bin Abii Daalib iyo C/laahi Bin Cabaas?
2-Jawab: Waa Ilmo Adeer. Abii Daalib Bin Cabdil M.udalib iyo Cabaas Bin Cabdil Mudalib ayaa kala dhalay.

3-Su’aal Sheeg Asxaabigii amray Aadaanka hore ee Salaadda Jimcaha?
3-Jawab: Waa Cusmaan Bin Cafaan Rc.

4-Su’aal Sheeg Asxaabigii Bur-buriyey Sanamkii Cuzaa?
4-Jawab: Waa Khaalid Bin Waliid Rc.

5-Su’aal Sheeg Taabicigii ugu horeeyey ee wax ka qora Duulaankii Rasuulka (NNKH)?
5-Jawab: Waxaa Weye Curwa Binu Zubeyr Rc.

6-Su’aal Sheeg laba Xubnood oo walaala ah kana tirsanaa Ururkii SYL?
6-Jawab: Waa Daahir Xaaji Cismaan iyo Yaasiin Xaaji Cismaan.

7-Su’aal Sheeg Magaca Gudoomiyihii aas-aasay ururkii SYL?
7-Jawab: Waxa Weye C/Qaadir Sakhawediin.

8-Su’aal Sheeg xilligii ugu horeeyey oo Calan Soomaali ah la-taago?
8-Jawab: Waxa la-taagay 11 oktoobar 1954-kii.

9-Su’aal Sheeg Goorma ayuu dhacay dagaalkii Xaawo Cismaan Taako?
9-Jawab: Wuxu dhacay 11 Janaayo 1948-kii.

10-Su’aal Sheeg halkee buu-ku aasan yahay Sheekh Yusuf Al kowneyn?
10-Jawab: Wuxu ku aasan yahay Tuuladda Aw Barkhadle una dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera?
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 

Taariikhdii Asxaabigii weynaa ee Zeyd Binu Xaarith "Qiso Cajiib "

E-mail Print PDF

Wararka ku saabsan jaceylka Rasuulka (scw) u qabay Zeyd wuxuu ku dhex faafay muslimiinta, waxayna asxaabta ugu magac dareen Zeyd kii uu jeclaa Rasuulka S.c.w? wiilkiisii Usaama-na waxay isna ugu magac dareen kIi uu jeclaa Rasuulka S.c.w uu misna dhalay kii isna uu jeclaa Rasuulka s.c.w?


Guurkii Zeyd ee Zeynaba

Sida uu noo sheegay Qur’ankaba wuxuu Zeyd Binu Xaaritha guursaday Zeynaba Bintu Jaxshah oo ay qaraabo ahaayeen Rasuulka (scw). Inkastoo uu Rasuulka (scw) ku daray Zeyd gabadhii ay qaraabada dhow ahaayeen Rasuulka (scw), haddana ma sii cumrinin guurkoodii, oo markii danbe wuu furay, waxaana Zeynaba guursaday Rasuulka (scw), iyadoo si toos ah uu Alle u tawalliyay guurkooda, oo aayad cad ayuu Allaah ugu guuriyay Nebigiisa (scw) gabadha la yiraahdo Zeynaba Bintu Jaxsha. Hase ahaatee, wuxuu Zeyd Binu Xaaritha markii danbe guursaday gabar kale oo la yiraahdo Ummu Kalthuum Bintu Cuqbah.

Sannadkii 8-aad ee hijriga waxaa Rasuulka (Scw) la soo gudboonaatay murugo kaga timid geeridii Zeyd Binu Xaaritha Allaha ka raalli noqdee.
Waxay ahayd, kadib markii uu Rasuulka (scw) diray Xaarith Binu Cumeyr Al-azdiyyi isagoo sida dhambaal ku socota boqorkii Busraa oo loogu yeerayo inuu soo galo diinta islaamka. Markii uu Xaairth Binu Cumeyr soo gaaray Mu’ta? ayaa waxaa ku soo baxay mid ka mid ah ciidamadii Qasaasinah, ninkaan oo la oran jiray Shuraxbiil Binu Camr. Wuxuu qabtay saxaabigii Xaarith, dabadeedna wuxuu si adag ugu dabray xarigii uu ku xiray, kadibna wuxuu soo taagay tiirkii, isagoo sidaas qoorta uga gooyay. Sidii ayuu ku shahiiday saxaabigii siday ama waday dhambaalkii ka socotay Rasuulka (Scw), kuna socotay boqorka Busraa.

Geeridii Xaarith waxaa si daran uga naxay Rasuulka (scw), maxaa yeelay lama arag waqtigaas kahor ergay sidaasoo kale loo dilay. Intaa kadib, wuxuu Rasuulka (scw) diyaariyay ciidan ka kooban ilaa 3000 ciidan si ay ugu duullaan Mu’ta, wuxuuna ciidankaas madax uga dhigay saxaabigiisii uu sida daran u jeclaa ee ahaa Zeyd Binu Xaaritha Ilaahay ha ka raalli noqdee.

Wuxuu Rasuulka (Scw) yiri haddii la asiibo (la dilo) Zeyd hoggaan waxaa qabanaya Jacfar Binu Abii Dhaalib, haddii Jacfar-na la asiibo waxaa hoggaanka qabanaya Cabdullaahi Binu Rawaaxa, haddii la asiibo Cabdullaahi-na muslimiinta naftooda ha u dooraan nin ka mid ah iyaga?

Ciidamadii 3000-ka kun ka koobnaa ee uu hoggaaminayay Zeyd Binu Xaaritha ayaa sidii ku dhaqaaqay. Way socdeen ilaa ay gaareen meesha la yiraahdo Macaan ee ku taalla barriga Urdun.

Boqorka reer Ruum ee Hiraqle oo wata ciidan gaaraya 100.000 ayaa soo baxay, isagoo doonaya inuu difaaco ciidamadii dilay saxaabigii Xaaritha. Ciidamo kale oo iyagana gaaraya ilaa 100 000 ayaa ku darsamay ciidamadii Hiraqle, iyagoo difaac ka galay meel aan ka fogeyn goobtii ay degganaayeen ciidamada muslimiinta.

Waa labo tiro oo aan marnaba la isla meel dhigi karin. Tirada ciidamada muslimiinta iyo kuwa gaallada. Ciidamadii muslimiintii waxay seexdeen degmada Macaan labo habeen, iyagoo labadaas habeenood oo dhan wada-tashi ku jiray.

Muslimiinta oo la soo gudboonaatay arrin culus

Mid ka mid ah ciidamada muslimiintii ayaa wuxuu ku yiri isagoo arrintan kala tashanaya muslimiinta ka warama haddaan dhambaal u dirno Rasuulka (scw) oo aan u sheegno tirada cadoowgeena oo markaas isaga aan jawaab ka sugno? Mid kale ayaa yiri Wallaahi ayaan ku dhaartaye tolkaygiyoow- innagu waxaad ogaataan inaan u dagaalamaynin tiro iyo awood toona, ee waxaan u dagaalamaynaa diintan islaamka , ee ina wadiya aan u dhaqaaqno dantii aan u soo baxnay. Wuxuu Allaah idiin yaboohay labadii wanaagsanaa middood, inaan guuleysanno iyo inaan shahiidno?

Iyadoo farqiga xagga tirada iyo awooddaba aan marnaba isu dheellitirnayn, haddana muslimiinta meesha ay dhammaantood u degdegayeen ayaa ahayd Jannada iyo wanaagga xagga Alle agtiisa yaalla.

Sidii ayeey ciidamadii muslimiinta u qaateen taladaas. Labadii ciidan ayaa madaxa isla galay, waxayna ku dagaallameen goobtii Mu’ta. Inkastoo tirada ciidamada muslimiinta ay yaraayeen, haddana waxay soo bandhigeen dagaal cabsi weyn ku beeray ciidamadii gaallada ee roomaanka. Ciidamadan gaaraya 3000 ayaa waxay is hortaageen ciidan ka tiro iyo awood badan. Waxay la dagaalamayaan ciidan tiradooda gaaraya ilaa 200 000 qof.

Zeyd Binu Xaaritha ayaa seeftii uu watay ku laayay gaallo badan, isagoo markaas iyada ahna xanbaarsan calankii Rasuulka (scw). Wacdarihii uu soo bandhigay maalintaas aad ayeey u jeclaysteen asxaabta, inkastoo ugu danbeyntii ay jirkiisii ka dhex duseen warmo iyo seefaf badan sidiina ayuu isagoo dhiig baxaya ku dhacay dhulka, weliba isagoo sidaas ku helay sharafka shahaadadii uu in badan ku taamayay inuu helo.

Siday ballantuba ahayd, waxaa durbadiiba calankii la wareegay Jacfar Binu Abii Dhaalib sidiina ayuu dhinaciisana u muujiyay geesinimo weyn. Hase ahaatee, isna waxyar kadib wuxuu maray waddadii uu maray saaxiibkiisii ka horeeyay, kadib markii uu ku shahiiday dagaalka.

Waxaa sidoo kale calanka qaaday Cabdullaahi Binu Rawaaxa. Wacdarro iyo geesinimo la yaab leh ayuu isna muujiyay, jeer markii danbe isagana laga asiibo oo uu sidaas ku shahiiday. Saddexdii nin ee uu magacaabay Rasuulka (scw) sidaas ayeey ku shahiideen. Sidii la filyayba, waxay muslimiinta isugula noqdeen wada tashi iyo inay iska soo dhex saaraan ninkii ay u dhiibi lahaayeen hoggaaminta ciidamada.

Wadatashi gaaban kadib, waxay muslimiintii hoggaanka ciidanka u calaamo-saareen geesigii halyeeyga ahaa ee Khaalid Binu Waliid. Waqtigaas iyada ah, wuu ku cusbaa diinta, oo waqti gaaban ayaa laga joogay markuu ku soo biiray bahweynta muslimiinta. Ciidamadii ayuu dhinac u riixay, wuxuuna muslimiintii ka badbaadiyay jabkii weynaa ee looga cabsanayay, sidaas ayeeyna uga guuleysteen ciidamadii gaallada ahaa.

Rasuulka (scw) ayaa waxaa soo gaaray wixii ka dhacay Mu’ta, iyo hoggaamiyayaashii uu magacaabay oo dhammaantood ku shahiiday dagaalka. Si aan la tilmaami karin ayuu Rasuulka (scw) uga naxay geeridooda, wuxuuna aaday qoysaskooda isagoo u tacsiyaynaya.

Markii uu Rasuulka (scw) soo gaaray gurigii Zeyd Binu Xaaritha Ilaah ha ka raalli noqdee, waxaa xaggiisa ku soo carartay gabadhii yareyd ee uu dhalay Zeyd, iyadoo markaas-na si xad-dhaaf ah u oonaysa. Xabiibka Rasuulka (scw) ayeey arrintaas saamaysay, dabadeedna wuxuu billaabay inuu isna ooyo. Sacad Binu Mucaad oo la socday Rasuulka (scw) ayaa ku yiri waxay tahay tanina Rasuulkii Alloow? wuxuuna Rasuulka (scw) ugu jawaabay waa oohinta xabiibka uu u ooyo xabiibka uu jecel yahay? Ilaahay ha ka raalli noqdo Zeyd Binu Xaaritha iyo dhammaan intii u soo hurtay fidinta diinta islaamka, aamiin
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Gabay Qiiro badan (Doqonimo xal loo waa) By Abwaan Saadak Ali Hussein

E-mail Print PDF

Gabaygan "doqonimo xalloowaa" waxaa tiriyey anigoo ah abwaan Saadaq Cali Xuseen
waxaana curiyey maalin kadib qaraxii naxdinta kubeeray somaali oo idil laguna
xasuuqay Ardaydii, Wasiiradii, Suxufiyiintii, Dhaqaatirtii iyo waliba waxgarad badan
oo somaliyeed. Wuxuuna kubilaabanayaa sidatan;
Damiir xumaha maantow.
Dadkaagii xasuuqdoo.
Duunyadoodi guratoo.
Dumarkoodi dooxdoo.
Ilmahoodi dubataye.
Xageebaad dib ugu noqon.?!
Damiirxumaha maantow.
Daarihii bakaariyo.
  Dacaladii barbara iyo.
Boosaasiyo dushiibari.
Kismaayana kasii daran.
Guryahoodi dumisayoo.
Dadkoodii kaburisayoo.
Dabadaha kudidisaye.
Xageebaad dib ugu noqon.
Yaadse dajin dalaaloow.
Dibin daabyo culus iyo.
Dakanaan hareyn baa.
Gacantaa kudoontaye.
Xageebaad dib ugu noqon.
Waxaa taas kasii daran.
Hadii lagu daldalo oo .
Ilaahey kudilo oo.
Malag kugu dangiigsado.
Laguu dumo halkii danbe.
Dadkaaguna ilmeeyaan.
Istaaf danaha jira iyo.
Sarkaal kuu danaanshana.
Uusan jirin halkii danbe.
Camalkaagu dulmi yahay.
Doqonoow maxaad oran.?
Dulli kugu shaqeystaa.
Camalkaagi doorshaye.
Doqonoow maxaad oran.?
Ninki ruux kudila dulmi.
Ama daqar kusoo diga.
Dufaan qaxaysaa rabigey udiyaarshayee.
Doqonoow sidee yeeli doontaa.?
----------------------------------------------
Aankula dardaarmee.
Kudadaal warkeygaan.
Kusoo diho had iyo jeer.
Igaduub hadeertaan.
Intaad taahsan tahayee .
Naftu kugu danbeysee.
Aanladuubin dunidaan.
Ilaahey kadalab kheyr.
Dib ulaabo oo bari.
Ka ilmee difeetadi daan dansigii hore.
Doqonimo mafiicnee yaan daalin kula tagin.
Dadkaagiina kugu dirin.
Qarax kugu dagiigixin asna uu dib isku dhigin.!
Shacaboow dareenkiyo suugaanta deelkiyo.
Warkaan aan diraayaa iska daal uun weeyee.
 Doqonimo xalloowaa.
By Abwaan Saadak Ali Hussein  kalaxariir Email This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it Ama
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it ama +254723866161 Nairobi kenya. This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
 

 

The Massacre of Sheikhash people in Bombas

E-mail Print PDF

We are very saddened by what happened in the Somali region of Ethiopia. Specifically in Bombas and Dagahleh located in between the borders of the Oromo and Somali Kilils close to towns such as Babile and Harer. The senseless killing of the Sheikhash people is not only an atrocious act; it is also counter- productive for the Ogaden government and a terrible blemish on the worldview of Ethiopia as a democratic country.

The information coming from this region is that people were being kidnapped and massacred. Just recently, seventeen people were rounded up and killed on the spot; and seven others were to taken to Jijiga jail. After a few days, three of the seven prisoners were taken from jail to an area 4 km outside of Jijiga. They were then all executed by the side of the road. These killing shed an unflattering light on the Ogaden government of the Somali regional state of Ethiopia.

In the last 12 years incidents in Raaso and Laab that have happened have been similar in the sense that they have been carried out in their blatant ethnic cleansing. The wars against those in Raaso and Laab have been different in the sense that they have changed their appearance by putting on government uniforms to justify their actions. The motive of those who have waged ethnic war against those in Raaso have been the same, however their methods and scale have changed. From the 500 killed in Raaso from 2001-2005, to the 18 people that have been massacred in Jijiga region May 2010.

We (Fiqi Omar) are appealing to the Sheikhash community around the world to stand up to the atrocities happening in the Somali regional state of Ethiopia. We urge you to contact the Ethiopian embassy and let them know that blatant human rights violations cannot, and will not, be tolerated in the 21st century. It is important that we break the silence and let our voices be heard loud and clear. We all know the history of the region; repeated tragedies will continue unless we make it known that we refuse to allow it.

If the Ethiopian government is indeed a democracy as it claims to be, then the rule of law, and the protection of all the tribes must be realized. There is nothing to be gained on the part of the Ogaden government by continuing to oppress the Sheikhash people but there everything to be gained by fostering a relationship of mutual respect

It is time for Daud Mohamud to be held accountable for his hand in these conflicts, and take part in the steps to rehabilitate the regions ethnic relations. If Mr. Mohamud is not able or willing to take steps to achieving peace, then he should step aside and allow others who are ready and willing to fulfill the criteria for peace. Failure by Mr. Mohamud to take the crucial step of reconciling the killings or at least acknowledging that these atrocities did happen, has caused him to become dangerous and toxic for the future of a strong, united and peaceful Ethiopia. From a national security standpoint, it simply does not make sense to have one section of the country in flames due to regional turmoil. This just leaves Ethiopia and the Somali regional, with the reputation of being unstable, vulnerable and stagnant in the eye of the world.

We the Sheikhash people of the North America stand firmly behind our leaders in Raaso and we are standing in consort with those in the capital of the Somali region-Jijiga. We have come to recognize that theses massacres have gone on for too long. Finally, we have found the catalyst we need to move forward and take our steps. Now, we will have ‘’calls’’ to action, but we will have action.

 

It is in the best interest of the country of Ethiopia and its many peoples to create a harmonious, united environment where we can live in harmony. In this manner everyone, both the government and the people, will all benefit from a more positive reputation by the rest of the world and the many investments and other progressive measures that such reputation is sure generate.

 

Yours Truly,

Shafy Ahmed-Nuur   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Oday Nasaruddin iyo canshuur qaadistii

E-mail Print PDF

Oday Nasaruddin ayaa maalin isagoo jooga xafiiska gudoomiyaha degamadii uu daganaa ayaa waxa la keenay maamulaha xafiiska canushuur qaadista oo lagu eedeeyay lunsasho iyo musuq maasuq. Gudoomiyihii ayaa aad u xanaaqay wuxuuna ka dalbaday canshuur qaadaha inuu tuso buuga la galiyo xisaabta.

Markii uu arkay buuga ayuu waxaa usoo cadaaday inuu lunsasho ku kacay, wuxuuna si xanaaq leh ku amray ninkii inuu bog walbo oo buuga ku yiilay jaro, deedna cuno. Oday Nasaruddin oo meesha taagnaa ayaa rintan la yaabay, aadna uga naxay.

Markii ninkii la ciqaabay ayuu gudoomiyihii oday Nasaruddin amray inuu isaga bilaabo canushur gurista iyo xisaab heynta. Oday Nasaruddin ayaa sidii lagu amray yeelay, si sax ahna wax usoo aruuriyay, deedna buugii xisaabta galiyay wixii uu soo aruuriyay. Intuusan xafiiskii gudoomiyaha imaanin, ayuu xaaskiisa u sheegay inay u diyaariso rooti aad u weyn oo la dhoho pita, deedna ay ku kor qorto nambaradiii uu buuga ku dhex qoray.

Oday Nasaruddin ayaa deedna yimid xafiiskii isagoo u dhiibay gudoomiyaha rootigii uu ku kor qoray xisaabtii canshuurta. Gudoomiyihii ayaa yaabay, weydiiyayna oday Nasaruddin waxa uu ka wado rootiga.

“Waxaan ka baqay inaad khalad ka dhex aragto buuga, deedna aad igu khasabto inaan cuno sidii ninkii shalay, marka rootigan ayaan kusoo dul qoray xisaabtii si hadii aad igu khasabto inaan wax cuno, uu rootigan u noqdo” ayuu oday Nasaruddin ugu jawaabay.

xigasho dhacdo  This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Qisadii Asxaabigii weynaa ee Cumeyr Binu Wahab “Qiso Wanaagsan”.

E-mail Print PDF

Cumeyr wuxuu ka mid ahaa dadkii ka qayb galay dagaalkii Badar, isagoo la safnaa gaalada. Nasiib wanaag kuma uusan dhiman, laakiin waxaa lagu qafaashay wiilkiisa Wahab oo gacanta u galay Muslimiinta. Cumeyr wuxuu ka cabsan jiray in ay Muslimiinta u qabtaan wiilkiisa dhibaatadii uu aabihiis u geysan jiray Nebiga (scw) iyo asxaabtiisa, waayo wuxuu Cumeyr ka mid ahaa kuwii sida aadka ah u cadaadin jiray Nebiga iyo asxaabtiisa.

Maalin maalmaha ka mid ah ayna tahay goor subax barqin ah ayaa wuxuu Cumeyr aaday Kacbada si uu u soo dhawaafo Kacbada, isla mar ahaantaana u barakeysto sanamyadeeda. Markii uu yimi kacbadii, wuxuu arkay Safwaan Binu Umaya oo ag fadhiya dhagax (Xajarul-aswad). Cumeyr ayaa salaamay Safwaan isagoo ku yiri "Subax wanaagsan". Safwaan ayaa u jawaabay Cumeyr isagoo leh "Subax wanaagsan Cumeyroow".

Waxaa fur-furantay sheeko, waxay isla soo qaadeen jabkii iyo dhibaatadii ka qabsaday dagaalkii Badar. Waxay tiriyeen dadkii la qafaashay oo ay qafaasheen Muslimiinta. Waxay si murugo leh ay uga sheekeesteen dadkii gaalada ahaa ee ku dhintay dagaalka, dabadeedna lagu guray ceelkii weynaa dhexdiisa. Safwaan ayaa hadalkii qaatay oo yiri "Wallaahi kheyr kuwaa gadaashood ma ahaanin". Cumeyr ayaa u celiyay "Haa oo waa runtaa".

Wax yar ayeey aamusnaayeen ka dibna Cumeyr ayaa yiri "Haddayan jirin deyn laygu leeyahay oo aan cid iga gudda aan jirin iyo caruur aan uga cabsanayo caydh iyo dayac-darro, waxaan aadi lahaa Muxammed si aan u soo dilo". Wuxuu haddana si hoos ahaan u yiri "heesashada ay heestaan wiilkayga ayaa sabab iiga dhigayso inaan saa yeelo".

Safwaan ayaa hadalkii ka faa’iidaystay oo wuxuu Cumeyr ku yiri "Cumeyroow waa tan koowaad’e deynta lagugu leeyahay annigaa dusha saartay oo anaa kaa gudaya, tan labaad ee ah ciyaalka, aniga ayaa kuu kafaalo qaadaya noloshooda oo waxay wax la wadaagayaan caruurtayda, waayoo maalka iyo hantida aan haysto ayaa ku filan dhammaantood raashinka ay cuni lahaayeen".

Haddaba, Cumeyr ayaa hadalkii u riyaaqay oo wuxuu Safwaan ka codsaday in hadalkani uu ahaado qarsoodi, Safwaana wuu ogolaaday. Cumeyr wuxuu ka dhaqaaqay meeshii uu fadhiyay ee Kacbada, isagoo cadaawad iyo xiqdi aad u weyn u haya Rasuulka (scw) iyo asxaabtiisa.. Cumeyr wuxuu u diyaar garoobay sidii uu u fulin lahaa ballantii uu qaaday, isagoo diyaarsaday qalabkii iyo gaadiidkii uu ku safri lahaa. Dhinaca kale wuxuu xirtay seeftiisii sunta marsanayd.
Cumeyr wuxuu u safray magaalada Madiina isagoo doonaya inuu soo dilo Rasuulka (scw), markii uu yimi magaaladii, wuxuu aaday dhinaca Masjidka, halkaasoo uu joogay Rasuulka (scw). Markii uu u soo dhowaaday meel u dhow iridka Masjidka, ayaa waxaa arkay Cumar Binu Khadaab oo markaa la fadhiyay qaar ka mid ah Asxaabta, iyagoo ka sheekaysanayay dagaalkii Badar iyo wacdarihii ay ku dhigeen gaalada sida qafaalka ay qafaasheen qaar ka mid ah gaalada, laynta ay laayeen iyo weliba sida uu Ilaah ugu manaystay gargaar aad u weyn. Cumar Binu khadaab ayaa wuxuu deymooday dhinaca Masjidka, isla markiina wuxuu arkay Cumeyr Binu Wahab oo ka soo degaya ratigii uu fuulnaa, isagoo sita qalabkii dagaalka.

Cumar ayaa intuu soo booday yiri isagoo argagaxsan " Eygan waa cadawgii Alle ee Cumeyr binu Wahab, wallaahi waxaan shar ahayn lama iman". Cumar wuxuu ku yiri raggii uu la fadhiyay "La socda marka uu u galayo Rasuulka (scw) idinkoo ku hareeraysan, kana digtoonaada inuu dhakro ama dilo Rasuulka (scw)".

Hase yeeshee Cumar wuxuu markiiba u galay Rasuulka (scw) isagoo ku yiri "Rasuulkii Ilaahayow waxaa yimi Cadawgii Alle ee Cumeyr Binu Wahab isagoo xidhan seeftiisii sumeysnayd, u maleyn maayana inuu u yimi waxaan ahayn Shar". Rasuulka (scw) wuxuu yiri "ii soo geliya".
Haddaba, Cumar wuxuu soo aaday Cumeyr isagoo qabtay khamiiska uu qabay kuleetigiisa, seeftana wuxuu kula xiray qoortiisa ka dibna wuxuu ula yimi Rasuulka (scw). Kolkii uu arkay Rasuulka (scw) waxa uu sameeyay Cumar wuxuu ku yiri "Siidaa Cumaroow". Rasuulka wuxuu Cumeyr ku yiri "ii soo dhawoow". Cumeyr wuxuu u soo dhowaaday Rasuulka (scw), isagoo ku yiri "Subax wanaagsan".

Cumeyr Binu Wahab wuxuu u soo galay Rasuulka (scw), wuxuuna ku yiri isagoo salaamaya Rasuulka "Subax wanaagsan". Rasuulka (scw) wuxuu ugu jawaabay "Ilaah wuxuu nagu maamuusay salaan ka kheyr badan salaantaada, waana salaanta ay isku salaamaan Ahlu-jannaha. Cumeyr wuxuu yiri " Wallaahi adigama kama fogid salaanteena.

Intaa ka dib Rasuulku (scw) wuxuu Cumeyr weydiiyay sababta uu u yimi, Cumeyrna wuxuu yiri " waxaan u imi inaad ii soo deysaan wiilkayga oo aad igaga qafaalateen dagaalkii Badar. Rasuulka (scw) wuxuu weydiiyay waxa ku xanbaaray inuu seefta wato, haddiiba uuba saa u yimi.. Cumeyr wuxuu yiri "inkaar Allaha ku rido seefo oo dhan, waayo maxay noo qabatay oo tartay dagaalkii Badar.

Haddaba, Rasuulka (scw) wuxuu u sheegay sababta uu u yimi inay ahayd inuu dilo Rasuulka (scw), arrinkaasna waxaa loogu sheegay si waxyi ahaan. Wuxuu Rasuulka (scw) Cumeyr ku yiri "Adiga iyo Safwaan ayaa waxaad fariisateen meel u dhow dhagaxii ku ag yiillay Kacbada, dabadeedna waxaad isku soo qaaddeen oo aad ka wada hadasheen dadkii gaalada ahaa ee lagu laayey dagaalkii Badar.

Adigaa waxaad tidhi haddii ayan jiri lahayn deyn laygu leeyahay oo aan jirin cid iga gudda, iyo ilmo aan uga cabsanayo ceydh iyo gaajo inay u dhintaan, waxaan u kicitimi lahaa sidii aan u soo dili lahaa Muxammed (Rasuulka scw). Hase ahaatee Safwaan ayaa kaa xanbaaray deyntaada iyo ciyaalkaaga si aad anniga ii disho, laakiin Ilaah ayaa iga kaa ilaaliyay".

Cumeyr afkuu kala qaaday oo waxaa ka soo haray fajac iyo yaab, dabadeedna isagoo aan hadal kale odhan ayuu yiri "Waxaan qirayaa inaad tahay Rasuulkii Ilaahay.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Dhageyso muxaadaro kugu reebto dareen badan: Sheekh Xuseen cali

E-mail Print PDF

Waxaan idiin soo gudbinaynaa muxaadaro aad u macaan, wanaag badan ku jiro, xiiso leh, aadna ka heli doontaan cibrooyin badan oo aduun iyo aakhriba wax inii tara, ee fadlan ka faa'iideysta oo dhageysta.
Qeybtii 1aad

Qeybtii 2aad

Qeybtii 3aad




This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Oday dadiisu jirto 114 oo booliska Nayjeeriya gurigiisa ka heleen 6 tan oo xashiishad ah.

E-mail Print PDF

Oday dadiisu jirto 114 oo booliska Nayjeeriya gurigiisa ka heleen 6 tan oo xashiishad ah.

Lagos(Saylac.com)- Wakaalada mukhadaraadka dalka Nigeria ayaa qabatey qadarkan mukhadaraadka loo yaqaano mujijuana oo ku kala jira 254 kartuun .

Odaygan oo magaciisa layidhaa Sulaiman Adebayo oo ku nool gobolka Ogun ee waqooyiga magaalada Lagos ayaa Booliska u sheegay in niman qaraabadii ah oo marti ahaan ula joogay ay u sheegeen in jawaanadu yihiin bariiska la cuno oo ay magaalo kale u iib geynayaan.  Isaga oo saxaafada la hadlaya waxa kale oo uu ku daray hadalkiisa, in dhawr maalmood ay u sheegeen inay ku soo laaban doonaan gawaadhi ay ku raraana ay magaalada ka soo kiraysan doonaan .

lagos” Markii hore gaadhi aad u weyn ayey ku sideen lakiin markaan weydiiyey sababta ay gaadhigii hore ugu qaadi wayeena waxay iigu jawaabeen kuradiisa ayaa badan gawaadhi kale oo jaban ayaanu magaalada ka raadsanaynaa ee nagu sin inta aanu kuu soo noqonayno, intaa ka dib arag iyo maqalkoodiiba ma hayo”

Dhawr casho ka dib ayuu is yidhi bal ka wardoon jawaanada waxa ku jira waxaanu arkay in xashiishadi ka buuxdo si uu yeelo ayuu garan waayey Booliska ayuuna u yeedhay si ay ula wareegaan xashiishadan qadarkeeda lagu qiyaasay malayiin doolarka maraykanka ah .

Nimankii lahaa ilaa hada lama hayo Booliska Nigeria ayaa sheegay in ay wadanka ka baxeen meel ay cag dhigeena lama garan karo.

Hada ka hor ayaa Airport ka Paris International waxa ka dhacay in wiil soomaali ah oo safka ugu jiray kastamka ay naag cadaan ahi weydiisay inuu boorsada u yara qabto intey Musqusha ku yara maqan tahay.. dabadeedna Boliska ayaa ku qabtey wiilkii isla markaana Boorsadii ka helay mukhadaraad  aad u tiro badan sidaa ayaana jeelka lagu geeyey wiilkii bilaa danbiga ahaa iyo boorsadiisiiba.

Musaafir hadaad tahay iska jir alaabaha dadka aanad garanayn ku weydiistaan inaad u yara hayso waayo waxa ku jira alaabahaa warkama haysid .. aduunkana anigu maan lahayn kama socoto ee farahaaga ma lagu helay ayaa taala.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Nin Jira 125 Sano oo Soomaali ah oo La Wareystay video

E-mail Print PDF

120+ year old somali Elder still going strong Part1

Last Updated on Wednesday, 26 May 2010 21:13
 

Sheekh Muxiddiin Celi iyo Culumadii ahayd Ahlu Sunna Wal Jameeca Dhaqankoodii.

E-mail Print PDF

 

Sheekh Muxiddiin Celi iyo Culumadii ahayd Ahlu Sunna Wal Jameeca Dhaqankoodii.

 

Bismilaahi Raxmaani Raxiim, Soomaali oo idil waa salaamayaa; waxaan is leeyahay in ay qumman tahay in qof walibo wuxuu og yahay oo markhaati ka yahay in uu sheego.

Sida aan la soconno ayaamahan waxaa socdo oo ka dhacaya dal keenni hooyo khaasatan gobollada koofureed wax caqliga qofka baniaadamka ka baxsan, waxaana mar mar ku fekeraa heerka uu qofka baniaadamka gaari karo xitaa aysan gaari karin bahallada dadqaad ah. Waxaa ka socoto haatan muqdisho iyo gobollada ku xeeran hawl ay wadaan niman la magac baxay Al Shabaab, taasoo ah inta soo dhaafeen gumaadkii dadkii ay u soo jeesteen in ay burburiyaan qabuuradii ay ku aasnaayeen Mashaa'ikh waawayn oo ay kamid yihiin Sheekh Aweys Al Qadiri, Sheekh Cali Maye, Sheekh Muxiddiin Celi Sheekh Cali Muumin , Sheekh Ooyaaye Sheekh Biyomaaloow iyo kuwa kaloo badan oo waliba kuma ekeysan in ay burburiyaan qabuuraha ee waa faageen waana la baxeen lafafihii ku jiray baytkii Ilaahay ugu talo galay oo ay ku duugnaayeen.

Raggaasi ku kacay wax laga cuudubillaysto waxay ku andacoodeen in Culumadaasi la caabudi jiray oo dadka ay meeshaasi ku sameyn jireen shirki. Waxaan haddaba caddeynayaa in ay taasi ay tahay been aan sal iyo raad lahayn, oo walibo qof muslin sheeganayana ay ka suuro galayn.

Anigo waxaan si fiican u aqaannay Sheekh Muxiddiin Celi iyo Sheekh Cali Muumin oo ahaa Khaliif Sheekh Muxiddin Celi.

Sheekh Muxiddiin Celi waxaan garanayaa ilaa aan garaad gaaray waxaana aan ku aqaannay in uu ahaa Sheekh wayn oo ay agtii sa ka aflaxeen Khulufiin iyo mashaa'ikh kale. Wuxuu ahaa caalim wayn oo dadka oo dhan ku soo hiran jireen oo masaakiinta u kaalmeeya, qofkii jirran quraan saara oo agtiisa laga daalacdo quraanka. Waxaa Mowlaciisa ku noolaa boqollaal qof kuwaasoo ka heli jiray nolol maalmeedkooda. Mowlaha oo ku yaalla Wad daca Sanca agagaarkeeda waa tagi jiray waxaana geey jiray hoo yadeey oo ahayd ahlu siyaara oo misana jecleed in ay gacan ka geysato oo sadaqada ay bixinayso ugu tabarrucdo dadka ku hoos
nool Sheekha. Waxaan qirayaa in Shekh Muxiddiin Celi misana uu ahaa nin waddani ah oo Soomaalinimada ku wayn tahay waxa ana maqaal igu ah intay ka soo galeen asaga iyo xertiisa si dii gumeystihii ingiriiska iyo talyaanigana layska tuuri lahaa oo gobannimo loo dhan yahay soomaali u hanan lahayd.

Mowlaca Sheekh Muxiyaddiin waxaa ku noolayd bulsho midda ugu asluubta badan waxaana ku arkay in dadka lagu barbaariyay kala dambayn is qaddarin iyo anshax. Waxaan ku arkay Labada Mowlac ee Sheekh Muxiyaddiin iyo kan Sheekh Cali Muumin oo isna aan hoyadeey geey jiray in dadka ku nool aay qabiil lahayn oo qof walibo heleysay soo dhawayn wacan iyo nolol aan kala sareyn oo isku mid ah wax hayb la yiraahdana iska daa ama kan waa reer hebel ama kan waa jareer kan waa jileec. Magaca layskugu yeerayana oo dhegeheyga ku dhici jirana wuxuu "" aabbaay iyo eebboow". Haddaad tagto waxaa isla markiiba hawl galaya qaadumka Sheekh oo la soo roorayo dhakhsaba jiimbaarro loogu talo martida loogu galay waxaana islamarkiiba lagu soo hoos dhigaa bun iyo cambuulo, hilib la shiilay iyo xalwo kuwaasoo marnaba kaydka Shiikha aysan ka maqnaanayn.

Waxaa dhegahaada ku soo dhacaya meel ay xerta ku sucbinayaan, qaar digrinaya iyo waliba caruurta Dugsiga quraanka oo aad maqlayso macallinka oo meeris ugu jira. Ilaahay raalli ha ka noqdo ee Sheekh Muxiyaddiin Celi Mowlaciisa wuxuu ahaa meel niyadda ay ku istareexeyso oo cibaado Ilaahay dartiis loo hayo. Waxaan sidoo kale aan aad u jeclaa siyaarooyin lagu xusuusanayo mashaa'iikhdii ayaga ka horreysay oo ay ka cilmi qaadeen. Waxaa aad tacajib kuu gelinaya dadka maxabbada ay isu qabaan iyo heerka ay gaarsiisan tahay walaalnimadooda; wakhtiga siaarada waxaa la surayaa calaman waawayn ee ah kuwa Ahlu Suna Wal Jameeca, waxaa ilaa baadiyaha Ummaada muslimiinta ka keenayaa sadaqo ahaan horimmo ari ah iyo waliba lo' iyo geel oo lagu tabarrucayo oo Ummaada Ilaahay ee timaada mowlacaasi lagu marti soorayo. Waxaad arkaysaa dadka oo horin horin u imaanayo oo ku soo galaya mowlaca tallaabo tallaabo yar oo qaadaya digri salaan digri la yiraahdo islamarkiiba waxaa isu soo cararaya xerta oo ka aqbalaya salaanta waxaana meeshaasi lays dhaafsanayaa marxabbayn iyo Jacayl. Waxaan aad ugu maqsuudi jiray jawiga meesha iyo waliba bulsho aan dambi lahayn iyo walaalo is jecel. Sheekh Muxiyaddiin wuxuu ahaa Dawlad kaamil ah, waxaana ixtiraami jireen xubnaa Dawladdii jirtay, waxaa uu saaxiib la ahaa Madaxwayne Cabdirashiid Cali Sharmarke uu aad u jeclaa kana mid ahaa dadkii itiraami jiray Sheekha.

Waxaa Mowlaha Sheekh Muxiyaddiin ka baxay in aan cadad lagu soo koobi kari oo Khulufiin ah. Marka ninka xerta ah uu ka gaaro quraanka iyo Cilmiga heer Sare waa la khaliifi jiray waxaa la siinaa calan waxaana la leeyahay meel heblo, Gobol hebel, Degmo hebel ama tuulo hebel ka soke ha soo jeesan ee hadda meesha ka dhaqaaq. Khaliifka cusub kabahiisa ayuu illa
naa calankiisana garabkoow saaranaa hortiisa ayuuna u socon naa asagoon wax shaki ah qabin waana aflaxayaa oo asna dugsi ayuu oodaa, jameeco ayuu yeelanaa asagoo Sheekh wayn oo laga dambeeyo ah ayaa la arkaa asagoo ka soo qayb galayo siyaa rooyinka waawayn. Waxaa cajiib ah haddii dadka la baray in ay isugu yeeraan eebboow iyo aabbaay, Sheekh Muxiyaddiin khaliifkiisa aaba hebel ayaa la leeyahay asna waa Sheekh Muxiddiine waxaa loogu yeerayay ABKOOW; hadaba annaga waxaa ugu yeernaa abkoow Sheekh Muxiddiin Celi, Ilaahay ha ka raalli noqdee. Marka Sheekha Ummadda waa jeclayd, asagaana
abuurtay jacayl iyo ixtiraam wuxuu abuuray bulsho caafimaad qabta oo xitaa ay ku jireen nooc kasta ee bulshada iyo waliba dad ka tirsan dawladda saan u soo sheegay. Markuu qof dhinto waa loo wada gurmanaa qoyska laga dhinyay. Waxaan aragnay in dad qaarkiis ay durayaa tacsida iyo dadka isu imaanaya, laakin anigu waligeey waxaan u arki jiray in dadka ay markaasi qofka laga dhintay laga maqnaaneen oo la tusaayo in lala qaybsanaayo dhibka soo gaaray uu walaal iyo ehel leeyahay. Tacsiga laysugu imaanayana ay tahay iska war qabid iyo wax wada qabsi.

Ddadka yiri waa la caabudi jiray waxay badsadeen dambigooda waxay ku andacoodeenna waa alle ka dheeri iyo aakhiro lagula xisaabtami doono.

Waxaa wali ayaandarro ah in Shayaadiintii u dhacday Culumadii waawaynayd qabuurahooda in wali ay talinayaan oo ba'ii iyo hooggii Ummada wali ku dhex hayaan. Maalin walbo waxay gowracayaan dhallinyaradii, waxaa lagu jiraa marxalad aan garan karin wax aan ku tilmaamo. Maxaa helay dadkii, maxaa helay kuwa gabdhahooda layska watay, oo qaarkood la kufsanayo, maxaa helay kan wiilkiisa la gawracay maxaa helay kan reerkiisa lagu tunta. Somaaliyeey kaca oo toosa, oo is badbaadsha oo qaraankiinni iyo diintiinni daafaca oo sharaf la'aan inta aad ku dhiman lahayd sharaf ku dhimo.

Wa Billaahi Towfiiq

waxaa qoortay

Faduma Axmed Maxamuud Cadde

( Qoorwayne )

 

 

Waan Ku jeclahay oo Luqadaha Aduunka dhan ah

E-mail Print PDF

AFAR ko kicinio
AFRIKAANS ek het jou lief / ek is lief vir jou
ALBANIAN të dua
ALSATIAN ich hab die lieb
Dialectal ARABIC (North African) n'bghick
Dialectal ARABIC (Eastern) bahebbak (to a man) / bahebbik (to a woman)
Literary ARABIC أُحِبُّكَ (ouhibbouka) - to a man
أُحِبُّكِ (ouhibbouki) - to a woman
ARMENIAN yes kez siroumem
ASTURIAN quiérote
ATIKAMEKW ki sakihitin
ATTIÉ min bou la yé
AZERI men seni sevirem
BAMBARA né bi fè
BASQUE maite zaitut
BAOULE mi klôa
BELARUSIAN Кахаю цябе (kahaju ciabie)
BENGALI aami tomakey bhalo bashi
BERBER righ kem
BOBO ma kia bé nà
BOSNIAN volim te
BRETON karout a ran ac'hanout / da garout a ran / me az kar
BULGARIAN обичам те
BURMESE nga nin ko chit te
BUSHI-NENGÉ TONGO mi lobi you
CATALAN t'estimo
CHAMORRO hu guiya hao
CHECHEN sun ho ez (to a woman)
sun ho vez (to a man)
CHEYENNE ne'mehotatse
CHINESE (MANDARIN) 我爱你 (wo ai ni)
CORSICAN amu tè / ti tengu caru
CROATIAN volim te
CZECH miluji tě
DANISH jeg elsker dig
DARI man tu ra dost darom
DIOULA mi fê
DOUALA na tondi wa
DUTCH ik hou van jou
ESPERANTO mi amas vin
ESTONIAN ma armastan sind
EWONDO ma ding wa
FAROESE eg elski teg
FINNISH minä rakastan sinua
FLEMISH (WESTERN) 'k zien je geeren
FON un nyi wan nu we
FRENCH je t'aime
FRISIAN ik hâld fan dy
FRIULAN o ti vuei ben
FULANI mi yidi ma
GALICIAN amo-te / ámote / quero-te / quérote
GBAYA mi ko me
GEORGIAN me shen mikvarkhar
GERMAN ich liebe Dich
GREEK Σ' αγαπώ (s'agapo)
GUARANÍ rojhayhû
GUJARATI hun tane prem karun chhun
HAITIAN CREOLE mwen renmen'w / mouin rinmin'w
HAUSA ina sonki (man to woman)
ina sonka (woman to man)
HAWAIAN aloha wau iā ‘oe
HEBREW ani ohev otakh (man to woman)
ani ohevet otkha (woman to man)
HINDI main tumse pyar karta hoo (man to woman>
mai tumse pyar karathi hun (woman to man)
HMONG kuv hlub koj
HUNGARIAN szeretlek
ICELANDIC ég elska þig
INDONESIAN saya cinta padamu / saya cinta kamu
IRISH GAELIC tá grá agam duit
ITALIAN ti amo
JAPANESE aishitemasu / aishiteru (barely used)
anata ga daisuki desu ("cute")
KABYLIAN hamlagh-kem (man to woman)
hamlaghk (woman to man)
KANNADA naanu ninnanna pritisutteney
KHMER bang srolaïgn ôn (man to woman)
ôn srolaïgn bang (woman to man)
KIKONGO mu me zola nge
KINYARWANDA ndagukunda
KOREAN saranghe
KURDISH ez te hez dikim
LAO khoi hak tchao lai
LATIN te amo
LATVIAN es tevi mīlu
LEBANESE bhebik (man to woman)
bhebak (woman to man)
LIGURIAN mi te amu / t'amo / t'amu
LINGALA na lingi yo
LITHUANIAN aš tave myliu
LOW SAXON ik hou van ju
LUXEMBOURGEOIS ech hun dech gäer
MACEDONIAN te sakam
MALAGASY tiako ianao / tia anao aho (stronger)
MALAY aku cinta padamu
MALAYALAM enikku ninné ishtamaanu
MALTESE inħobbok
MANX ta graih aym ort
MAORI kei te aroha au i a koe
MARATHI majha tujhyavar prem aahe / mi tujhyavar prem karto
MARQUESAN hinenao au ia oe
MINA un lon o
MONGOLIAN Би чамд хайртай (bi chamd khairtai)
MORÉ mam nong-a fo
MUNUKUTUBA mu zola ngé
NAPOLETANO t'ammo
NDEBELE niya ku tanda
NEPALI ma timilai prem garchhu
NORWEGIAN jeg elsker deg
OCCITAN t'aimi
PAPIAMENTU mi ta stima bo
PERSIAN dustat dâram (formal) / duset dâram (informal)
POLISH kocham cię
PORTUGUESE amo-te / eu te amo (Brazilian Portuguese)
PUNJABI mein tenu pyar karda han (male speaker)
mein tenu pyar kardi han (female speaker)
QUECHUA de CUZCO munakuyki
RAPA NUI hanga rahi au kia koe
ROMANI kamaù tut
ROMANIAN te iubesc
RUSSIAN Я тебя люблю (ya tebya l'ubl'u)
SAMOAN ou te alofa ia te oe
SANGO mbi yé mô
SARDINIAN deo t’amo (logudorese) / deu t’amu (campidanese)
SCOTTISH GAELIC tha gaol agam ort / tha gaol agam oirbh
SERBIAN volim te
SESOTHO ke ya ho rata
SHIMAORE ni su hu vendza
SHONA ndinokuda
SINDHI moon khay tu saan piyar aahay
SINHALA mama oyata aadareyi (spoken) / mama obata aadareyi (formal)
SIOUX wastewalake
SLOVAK ľúbim ťa / milujem ťa
SLOVENIAN ljubim te / rad te imam (male speaker) / rada te imam (female speaker)
SOBOTA volim te / se te volime (lit.)
SOMALI waan ku jecelahay
SONINKÉ na moula
SPANISH te amo / te quiero
SUSU ira fan ma
SWAHILI nakupenda
SWEDISH jag älskar dig
TAGALOG mahal kita
TAHITIAN ua here vau ia oe
TAJIKI jigarata bihrum duhtari hola (man to woman)
tra lav dorum (woman to man)
TAMIL naan unnai kaadhalikkarn
TATAR min sine yaratam
TELUGU nenu ninnu premisthunnanu
TETUN hau hadomi o
THAI ผมรักคุณ (phom rak khun) - man speaking
ฉันรักคุณ (chan rak khun) - woman speaking
TIBETAN na kirinla gaguidou
TURKISH seni seviyorum
TURKMEN seni söýärin
UDMURT mon tone jaratiśko
UKRAINIAN Я тебе кохаю (ia tebe kohaiu)
URDU mein tumse mohabbat karta hoon (man to woman)
main tumse mohabbat karti hoon (woman to man)
mujhe tum se pyar heh
UZBEK men seni sevaman / men seni yahshi ko'raman (less formal)
VALENCIAN te vullk
VENETIAN t'amo
VIETNAMESE anh yêu em (man to woman)
em yêu anh (woman to man)
VUTE ma wou ndoune
WALLISIAN eau manako ia koe / eau ofa ia koe
WALOON (orthographe à betchfessîs) dji vs voe voltî
WELSH rydw i'n dy garu di
WEST INDIAN CREOLE mwen enmen
WOLOF nob nala
XHOSA ndiyakuthanda
YIDDISH ich hob dir lib
YIPUNU ni wu rondi
YORUBA moni ife e

waa Eray mihiim ah -uu noo soo Diyaariyay Ali-Barqadle Geesguud.com  This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Last Updated on Wednesday, 02 June 2010 22:59
 

Haween waa Toddoba!

E-mail Print PDF

WQ: Muxyaddiin M.Kaalmoy This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it      This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Oday-dhaqameed Soomaaliyeed oo waayo hore jiray, waaya-aragnimo ballaaran u lahaa arrimaha bulshada, xagga dhaqankana looga dambeeyay , ayaa waxaa uu damcay in uu Cashar la xiriira Haweenka u gudbiyo Wiil uu isagu dhalay oo markaas guur-doon ahaa.

Odaygii ayaa waxaa uu ku yiri Wiilkiisa: "Maandhow, inta aadan guursan, oo aadan dhex dabbaalan badweynta Haweenka, bal marka hore si fiican isaga eeg oo hubso gabadha ama Haweeneyda aad la aqal-gelayso; Ogowna in ay Haweenku u kala baxaan toddoba nooc.

Wuxuu tibaaxay Odaygu:"Iga dhegeyso aan kuu bidhaamiyee sida ay kala yihiin toddobadaas, waana kuwan":-

1. Il-dheer: Waa gabadha Indhaha un wareejiso oo ku maqan wixii cusub ee dhar, alaab-guri iyo qalab lagu xarragooda ah ee Suuqa ku soo kordha ama ku soo aragtay Gabdhaha kale, dabadeedna ku kurbaysa Ninkeeda soo iibinta waxa cusub. Waa tan ku tiraahda ninka qaba; "Haddaadan ii iibinayn waxaas, ima jeclide iska key fur". Waa tan aanan tixgelin awoodda dhaqaale ee reerka iyo gaar ahaan tan ninkeeda.

2. Dheg-dheer: Waa tan reerkeeda ku burburisa, ninkeedana ku colaadisa waxa ay soo maqashay oo keliya, anna hubsan xaqiiqada. Waxay ku tiraahdaa Seygeeda:"Waan maqlay in aad naag kale la socoto", "Waa la ii sheegay in aad xiriir la leedahay Heblaayo".

Waa tan ay Soomaalidu ku magacaabaan "Ma hubsato meher-laay!!" Waxay dhegta u raaricisaa "ku-tiri ku-teenta Xaawalayda" iyo waxa loo yaqaan "Warka Shaashka". Waa mid debin ugu dhici karaysa Cadowgeeda iyo Cadowga ninkeeda, xilli uu isaguna ka fog yahay waxa laga sheegayo.

3. Carrab-dheer: Waa qaylo badan, joogto ugu taagan derisyadeeda, ninkeeda, caruur iyo cirroolaba uusan qofna ka baxsanayn. Waxay ninkeeda ku gaaddaa Gogosha iyo xilliyada nasashada, dabadeedna waxay ku furtaa dood, dacwad iyo dalabaad aan dhammaaneyn. Waxay macallimad ku tahay Af-lagaaddada iyo jaa’ifeynta.

4. Gacan-dheer: Waa tan dagaalka un u taagan, mar kastana ay dhexdu u xiran tahay; Garruunka wadata oo gaadmada badan. In ay dadka ku duufto un bay u tafa-xeydan tahay. Wejigeeda waxaa ka muuqanaya raadadka ciddiyo lala beegsaday iyo daqarro hore oo lagu hubsaday.

Xafiisyada Dacwooyinka dadweynaha ee Xaafadaha iyo Saldhigyada Booliska waa laga wada yaqaan oo waxaa ka yaal raadad hore iyo feylal qabya ah oo colaadeed.

5. Lug-dheer: Waa war-wareegtooy, waaba tiris, ay dhif tahay in laga helo aqalkeeda. Markii uu ninkeedu yimaado guriga waxaa ka soo hor-baxa Quful weyn oo maar ah. Caruurteeda ayaa Odayga u sheega in ay hooyadood ku maqan tahay: Aroos, Nikaax, Dhalow, Furoow, Qaraaba-salaan, Maalin-joog, Meel ay ku kulmayaan Habro Ayuuto (Shaloongo) isku darsaday iwm.

6. Joog-dheer ‘Jamaal badan’: Waa gabadha dhammeysay Quruxda muuqata ee xagga jirka ah (jiroos),raggu ka daba-dhacaan, ishana la wada raacaan, laafyada iyo is-lulidda badan (i arkaay).

Markii la tago gurigeeda,waxaa lala kulmaa dhiiqo, dhusuq iyo dharaq isdhex-yaal. Ma jirto gogol keliya oo goglan. Halka ay ku karinayso cuntada waxaa barbar yaalla Tuunji ay saxaradii Caruurtu ka buuxdo oo shalay ahaa. Iyadaa Sanka baloolisa oo "Uf" kala hor-marta dadka kale. Waa mid aan lagu gaareyn Areebanimada.

7. Marwo: Waa tan ugu qiimaha badan haweenka; laga yaabo in ayan muuqaal ahaan qurux badnayn. Waxay leedahay quruxda dahsoon, Edeb, Akhlaaq, Sarriig,Xishood, Af-gaabni, Qaddarinta dadka mudan iwm. Aqalkeedu waa udgoon badan yahay, waa wada goglan yahay, waxaa u sugnaaday nadaafad buuxda oo xagga hoyga, huga iyo hungurigaba ah.

Mooral iyo Macnawi ahaanba waa ay u dhistaa ninkeeda, waana uu ku farxaa oo u soo xiisaa. waxay ka ilaalisaa erayada xun. waxay ugu yeertaa ninkeeda: gacaliye, macaane (macow), ina-adeer iwm, oo ka kal iyo laab ah.

Haddii uu Ninkedu wax-beelo, gacantiisuna ay Eber noqoto, kuma ay kurbayso wax ka baxsan awooddiisa, waxayna u guntataa daboolidda baahida iyo adeegsiga xikmad iyo Iimaan. Noocan toddobaad ayaa ninkii hela uu nasiib leeyahay. Tan ayuuna Odaygu kula dardaarmay Wiilkiisa.

 

(Abwaan Macow Ow Diinle iyo Taariikhdiisii Jacayl) iyo riwayadii FAL-XAASID

E-mail Print PDF

FANAANIINTA BADWEYNTA JACEYLKA

Ruwaayadda FAL XAASID & FAQIIR WAX HELAY macnaha & murtida ay xambaarsan tahay waxa weeye FAL XAASIDNIMO ah oo ay ku samaysay Xaas  uu qabay muddo 10-sano ah oo Jacaylkeeda uu koolkoolinayay   taasoo aan wax ubad ah 10-kaas Sano u dhalin(Faqiirtinimada uu abwaanku sheeganayana ay ka heysay dhinaca ubadka), balse kula joogay jacayl & qanacsanaan uu ku qanacsanaa la jirkeeda, wuxuuse Jacaylkaas baaba’ay mar uu  Abwaanku haweystay inuu abuuro Jacayl kale oo uu u qaaday Gabar cishqi mug weyn ku beertay, taasoo uu kula heshiiyey guur, guurkaas uu ku faa’idey ayuu ku fasiray FAQIIR WAX HELAY maxaase ka raacay?.

Xaaskiisii hore ee Jacaylka & samirka uu kula joogay ayaa guurkaas ka carootay oo ku bilowday falfal Xaasidnimo, buuq joogto ah & arbushaad aan dhammaad lahayn, markaasuu Abwaanku burqaday isagoo falkaas xanuunka leh ka qisoonaya isla markaana ku tilmaamay “Dab huraaya oo aan dameynin” ayuu sameeyay miraha heestaa wuxuuna u dhiibay fannaankii caanka ahaa ee C/LLAAHI SULFA oo qaabkan kaga dhawaajiyey:-

“Duufaan iyo dabayl culeysaa, saminkaan ila soo derseenee, dar Allaahi iigu deeyee, ducadii Ow Diinle Nuure.  Ducadii Awdiinle Nuur

=Dambi daad kaama qaadee, dulmi Daa’imkey daah ma saarin, dad iyo duur malaysku deeyee, dareenkaa lahaawee.

=Rabbi daayac iila doortay, dulqaad duq ii laheedee, dandaradan ma laygu deyhaa,  an waa daalayee.

=Dambi daad kaama qaadee, dulmi Daa’imkey daah ma saarin, dad iyo duur malaysku deeyee, dareenkaa lahaawee.

Markii Abwaan Macow Ow Diinle heestaasi sameeyay, Fannaanka Sulfana ka shanqariyey Xaaskiisii hore ee 10-ka sano uu qabay caradeedii ayay sii kordhisay oo heestaas ayaa Laqanyo xanaaq leh ku abuurtay, Abwaankuna dulqaadkii uu u hayay ayaa ka baaba’ay, iyadoo ay uga sii darneyd Gacalisadiisii uu gadaal ka guursaday ee SAHRO CALI GANEY oo Walacday, iyaduna uu markaa ku beermay Maseyr Caashaq, Abwaankuna uu noqday “dherigii labada dhinac ka gubtay” laakiin wuxuu go’aan ku gaaray in Xaaskiisii hore ee iyadoo aan wax u dhalin uu u samrayay buuq ku furtay inuu dalaaqo, taasoo neef weyn oo farxadeed ka soo fujisay Sahro Cali oo Seygeeda Mocow Ow Diinle kula kaftantay “Hadda ayay ii xaqiiqowday inaan qalbigaada hantay oo ku helay, hanbana aan kuula wadaagi karaa”.  

ii Soo Buub  heestaan oo ka midaheed RIW-- Cadabtii Caashaaaqa

                                  La soco Isbuuca soo socota Haduu Alle Idmo  This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

Last Updated on Wednesday, 28 April 2010 06:33
 

“Maxaa u sabab ah in Lamaanayaal Jacayl Sanado badan soo jilaayay, marka ay is guur-sadaan .....

E-mail Print PDF

Akhriste AHMED HASSAN (AX-DHEERE) EX XAMAR-BILLE oo ka mid ah akhi-yaarta, waxgaradka & waayo-araga sida joogtada ugu xiran Webka GEESGUUD.COM oo sida uu ku soo xusay qoraal habeysan oo Kumbi-yuutar uu u soo adeegsaday si joogto ah ula soc-day dooddan & doodihii ka horeeyayba, balse middan nasiibka u helay inuu fikraddiisa ku soo bandhigo ayaa qoraalkiisa ku bilaabay:-

“Dooddan burburka Qoyska waxaan qabaa inay u sabab tahay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin:-

1.    Guud ahaan jahli bulshada ka heysta dhaqanka aqoonta & ku dhaqanka diinta Islaamka & weliba aqoonta maadiga ahba.

2.    Is doorashada hore oo aan Jacaylka laga run sheegin.

3.    Sal-fudeyd Dumarka u badan & samir-darro ragga qaar ka timaada.

4.    Faragelin u badan inay ka timaado xagga waalidka, gaar ahaan soddohda aan fiicneyn.

5.    Kuu sheekeeye, kaa sheekeeye oo lala sheekeysto, sida la hubo “sheeg sheeg Aadane uurkaaga ayuu sheydaamo dhigaa”.

6.    Gudniinka fircooniga ah oo aan la sahlan kar-in dhibaatadiisa, kaalin mug lehna ka geysta burburka Qoyska oo aan ka shiiqin Qaadka.

Ugu dambeyntii Mowduucan & mid  ka horeeyay ee u dhexeeyay “Gabdhaha & Garoobada” oo ahayd dood gabdhaha kaliya ku koobneyd, balse ragga in laga qeyb geliyo ay wanaagsanayd ileyn la is dili maayee waxaan ku soo koobayaa hawraartii Ayeeyo Soomaaliyeed uga run sheegtay “Shugle” oo ahayd “Haddaan Sheyb talada loo deyn, Sheekha duridda laga deyn, Shar qofkeeda laga gubin, Shugle Dumarka laga qaban, Adduun Shey ba’ay ka soo qaad”.

(Dooddu weli waa ay furan tahay).    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Mugdiga ku jira Madax-duubashada Mujaahidiinta!..(Warbixin+ Dhacdooyin+Sawiro)

E-mail Print PDF

Soomaali badan ayaa isweydiisa sababta keentay in dad Mujaahidiin sheeganaya uu har iyo habeen wajigu u duuban yahay oo xataa goobaha aysan colaadu ka jirin oo sida rasmiga ugu jira gacantooda aysan ku muujin karin wajiyadooda.


 


 

Suuqyada markaad joogto wajiga ayaa u duuban, goobaha ay ugu awooda badan yihiin markaad wareegto waa ku yaryahay mid wajigu u furan yahay oo midkaad aragtidba laba indhood oo kaliya baa u furan.


 

Arrintu intaas kuma ekaan oo xataa marka lagu sugan yahay Masjidka oo la gudanayo Waajibka Salaada ayagoo wajigu u wada duuban yahay bay kugu dhinac tukanayaan, halka ummadii kale oo culumo iyo caamaba leh uu wajigoodu banaan yahay sidaasna ay ku gudanayaan waajibaadkooda.



 



 

Waji duubashadan ayaa kalsooni darro ku abuurtay qaar badan oo kamid ah dadka aaminsan in kooxahan Mujaahidiin yihiin, waxeyna keentay inay isweydiiyaan sababta Mujaahidiintu wajigooda uga qarinayaan muslimiinta ay ku dhex jiraan hadeysan jirin wax la qarinayo halka Gaalka dhabta ahna uu wajigu ugu feydan yahay.


 

Hadaba Madax duubashada (Waji duubashada) kooxaha islaamiyiinta ayaa tuhun weyn galisay mid taageersan iyo mid kaleba, waxaana Muqdisho ka dhacay dhacdooyin kala duwan oo sii kordhisay Mugdiga ku jira madax duubashada Mujaahidiinta!


 

Dhacdada xusida mudan ayaa ah in wadaad ku ganacsada dhinaca Masjidka Xareed oo aan ka fogeyn Suuqa Bakaaraha asagoo sii galaya xiliga salaada duhur masjidka uu ka horyimid mid ka tirsan Maleeshiyaadka Shabaabka oo wajigu u duuban yahay,  wadaadkii ayaa ku yiri "Adeer salaadii baa la galayaa ee maad tukatid"?  Waxaa loogu jawaabay "Adeer waxaan xasuustay in aan weyso qabin oo gurigeyga ayaan u weysa doonanayaa"  Ganacsadihii ayaa markale suaal ku celiyay oo yiri "Adeer masaajidka hortiisa iyo gudihiisaba waad ka helaysaa biyo aad ku weysa qaadatid" Jawaabtii kama dambeysta aheyd ee soo xirtay sheekada ayaa noqotay " Adeer ma weyn biyo aan ku weysa qaato ee waxaan diidayaa in dadku wajigeyga arkaan xiliga aan ku guda jiro weysa qaadka"!  Dhacdadan waxaa nooga warbixiyay isla ganacsadihii ay ku dhacday oo maalintaas wixii ka dambeeyay lumiyay kalsoonidii uu ku qabay kooxahan, Salaada Jamaacada oo la haleelo iyo Masaajidka oo lagu weysa qaato baa laga tagay si aan wajiga la qarinayo loo arag!


 


 

Mujaahidka dhabta ah ee Allah ka iibiyay naftiisa waa kan  fisha guul ama shahaado oo ma jirto sabab keensan karta inuu wajiga ka duubto gaal iyo muslimba, muslimiintuna xili hore iyo haatanba  qadarin ayay u hayeen Mujaahidka usoo dagaalamay koryeelida diinta Allah, ninkase wajiga duubtay waa nin ay fulaynimadu daris la tahay oo is qiima tiray, oo waji duubashada maaha dhaqan lagu yaqaano Mujaahidiinta ee waa dhaqan lagu yaqaano mujrimiinta qarinaya wajigooda si aan looga daba tagin ama dad gaara oo fulinaya howlo dowladi u xil saartay si aan gooni loogu raadsan, sidoo kale Madaxa ama wajiga oo la asturto ayaa ah arrin aan lagu aqoon ragga balse kamid ah labiska lagu yaqaano Dumarka Muslimiinta, ammaana u ah dumarka oo kaliya.


 

Kooxo sheegtay inay Mujaahidiin yihiin, dagaalna kula jiraan cadow Allah! isla markaana wajigu u duuban yahay, kuwii ay ku tilmaameen cadowga Allahna wajigoodu feydan yahay waa wax aan la fahmi karin, caqliguna qaadan karin.


 

Sheekh reer Muqdisho ah ayaan weydiinay waji duubashada, wuxuuna noogu jawaabay sidatan: "Nabigeena NNK iyo Asxaabtiisa iyo dadkii kale ee wanaagsanaa ee ka dambeeyay laguma aqoon waji duubasho xiliga ay nabada ku jiraan iyo xiliga ay jihaadka ku jiraan, marka laga reebo in safar lagu jiro oo qofku qoraxda iyo siigada darteed madaxa la hagoogto taasna waa arrin caadi ah oo dadku sameeyo si looga gaashaanto qoraxdaas ama siigadaas, laakin qofka meel walba wajiga ku duubtay waa qof ummada iska takooray oo xumaani u qarsantahay, gafuur duubasho iyo gaal iska celina meel ma wada galaan oo Asxaabtu marka ay gaalada la jihaadayeen waxey oran jireen yaa ii soo baxaya oo ay u yeeran jireen hebel oo gaalada kamid ah sidaasna fooda la isku dari jiray, wajiyaduna muuqdeen."



 

Warbixintaas kadib, iyo marka la tixraaco taariikhdii  Muslimiintii soo jihaaday waxaa cad in dhaqankan wajiga lagu qarinayo yahay mid ka baxsan geesinimada oo aan kamid ahayn tilmaamaha Mujaahidiinta, qofkuna isla markiiba uu arko qof wajigu duuban yahay, wuxuu isleeyahay maxay tahay balaayadan wajiga  duubatay, maadaama waji duubashadu tahay astaan inta badan lagu garto Mujrimiinta, si gooni ahna loogu garto khawaarijta.


 

Sidaasna waxaan ku garanay in Mujaahidnimo iyo Madax duubasho aysan meel wada mari karin oo waji duubashadu  ku gaar tahay cid kasta oo aan kheyr faraha kula jirin iskaba dhaafee in wajiga loo qarsado jihaadkii kamid ahaa baalka sare ee Diinta islaamka. 


 

Nin wajiga qarsaday waaba duleysan yahay sideebuu ku jihaadi karaa oo u sheegan karaa in uu sare u qaadayo Diinta islaamka, asaga ayaaba u baahan in duliga laga saaro oo la feydo wajigiisa.


 


 

Gafuur duubashada ayaan ku ekaan Maleeshiyaadka islaamiyiinta oo kaliya balse u gudubtay Amiirkoodii Axmed Godane, waana arrin lala yaabo in Maleeshiyaad badan ay kalsoonidooda siiyeen Madax duuban oo aysan garaneyn waxa ka hooseeya!


 

Ugu dambeyn Sawirka ugu dambeeya markaad fiiriso ayaa isweydiin kartaa sababta wiilashaas tirada badan ee yaryar uu wajigu ugu feydan yahay halka kii Mujaahidka sheegtay oo wata qorigaas dabajeexa ah uu gafuurka u duubtay! Masa Ragganimada, Mujaahidnimada, Geesinimada ayaa sidaas ah? 

Figradaada ka dhiibo Aqristoow -Mahadsanid   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Last Updated on Monday, 05 April 2010 22:58
 

Mucjiso Rabbaani ah oo ka dhacday Xafada Xamar jab-jab ee Magaalada Muqdisho

E-mail Print PDF

Hooyo Soomaaliyed ayaa Wiil Mucjiso ah oo Calooshiisu iyo Wadnihiisu ay banaan yihiin waxa ay ku dhashay Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banadir.

Wiilkaani Mucsida ah ayaa malmo ka hor waxa uu ku dhashay Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banadir waxaana loo bixiyay amaba lagu magacaba Qadar Maxamed Muxyidiin ayaa cafimadkiisu aad u fiican yahay , Hase ahatee waxaad arkaysaa Caanaha uu cabaayo halka ay marayaan iyo Dhaq dhaqaaqa Wadnihiisu oo dadka soo arkay aad ay uga argagaxeen.

Waxana wiilkaani la yaabay marka uu dhashay Umulasadii dhalasiinaysay, waxayna u sheegtay Hooyada wiilka dhashay in wiilkeedu uu dhashay Isagoo Calooshiisu iyo Wadnahiisu ay banaan yihiin waxana ku dhahday Umulasadii waa in aad la xiriirta Taqtar caafimaad sida ugu dhaqsiyaha badan, wixii markaasi ka danbeeyay Hooyadii waxa ay la xiriirtay Dhaqaatiir caafimaad waxayna ku wargeliyeen Taqaatiirta in wiilkeedu uu u baahan yahay Qaliin Dibada ah oo aan Gudaha waxba looga qaban karin.

Hadaba qoyska Wiilkaasi dhalay oo aanan ehayn Qoys jeeb buuran ayaa waxa ay ka codsanayaa Hay'adha gargarka iyo guud ahan Shacabka Soomaaliyeed in ay Gargaran Wiilkooda si loo badbadiyo Wiilkaasi Ilaah ayaa badbaado lehee.

Ma aha markii ugu horeesay oo mucjiso Rabbaani ah ka dhacda Dalka Soomaliya tan iyo intii meesha ka baxday xukuumadii dhexe, waxana Dalka wixii xiligaasi ka danbeeyay ka dhacay Muciso badan oo ay la yabeen Dadka arkay, ayadoo culumada Mucjisadahaasi ku macneenay in ay keenayaan dhiiga micna darada u daadanaayo iyo Alle ka cabsi la'aanta, waxayna ku shegeen Mucjiso waliba dhacda ay tahay in lagu waano qaato.

NB:Hadaba Cidii Doonayso Qoyskaasi in ay Gargaraan waxay lasoo xiriirikaran Wariye Maxamed C/llaahi Cali(Afgooye) oo laga helo 0031643202188 ama E-mailka This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it .

Xigasho Gandershe.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Naagtii adduunka ugu guurka Badneyd oo guursatay 23 nin ayaa hada dooneysa ninkii 24-aad Daawo Sawir

E-mail Print PDF

Linda Lou Taylor waa haweyney 68 sano jir ah, una dhalatay dalka Maraykanka sidoo kale-na waxa loo-yaqaanaa Linda Wolf ayaa dooneysa guurkii 24-aad, iyadoo horey u soo guursatay 23 nin oo kala duwan.

Mrs Linda raggii ay horey u soo guursatay ayaa waxaa kamid ahaa sida Dambiile, Taajir, Faqiir, Khaniis, Baadari, Kabal-yeeri iyo kuwo kaloo badan.

Hadaba haweyneydaan ayaa waxay dooneysaa nin ay guursatay, iyadoo shaaca ka qaaday in’ay dareemeyso cidlo, bacdamaa ay tahay Garoob.

Dhanka kale guurkii ugu dheeraa ee soo mara Linda ayaa wuxuu qaatay 7 sano, halka kii ugu yaraana uu qaatay 38 saacadood.

Guurkii ugu danbeeyay ee soo mara Linda ayaa waxay guursatay ninkii adduunka ugu guurka badnaa ee “GLYNN SCOTTY, kaasoo horey u soo guursaday 29 xaasas, halka ay Linda ka noqotay xaaskii 30-aad ee soo mara Mr Glynn.

Linda iyo Glynn oo nolol macaan ku nool ayuu geeriyooday Mr Glynn, taasoo ka dhigtay Linda mid ilaa iyo hada cidla dareymeysa.

Si kastaba ha’ahaatee Linda hada waxay ku nooshahay gobolka Indiana ee cariga maraykanka, waxayna degan tahay guri cidlo ah, iyadoo dooneysa ninkii ay nolosha la-wadaagi laheyd.


Linda oo gacanta ku heysa qaar kamid ah raggii horey u qabi jiray

Linda waa xilligii ay yareyd

Linda oo cidla dareymeysa
Geesguud.com  This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 
  • «
  •  Start 
  •  Prev 
  •  1 
  •  2 
  •  3 
  •  Next 
  •  End 
  • »


Page 1 of 3


Newsflash