GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home The News
The News

Madaxweynaha Jabuuti oo ka Hadlay Qaramada Midoobay

E-mail Print PDF

Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka digay in colaadaha iyo xasillooni darrida Geeska Africa ay horseedi karaan halis xagga ammaanka ah, haddii aysan beesha caalamku xil iska saarin .I

sagoo shalay galab xarunta QM ee New York kula hadlyay xubnaha Golaha Ammaaanka ee Qaramada Midoobay, ayuu madaxweyne Geelle sheegay in xaaladda sii xumaaneysa ee Geeska Africa ay tahay mid aan lagu daawan karin sida ay imminka tahay.

Madaxweyne Geelle wuxuu yiri: “Iyadoo ay dhibaato ba’an, saboolnimo xad-dhaaf ah iyo murugo astaamo u noqdeen, haddana Gobolka Geeska Africa wuxuu dhabarka u ritay in ka badan qeybta uga beegan masiibooyinka, barakaca iyo nasiib-xumada, dhibaatooyinkaas oo dhammaantood ah kuwa aan dhaqaale ahaan, bani’aadannimo ahaan iyo waliba bulsho ahaan la xamili karin.”

Isagoo ka hadlaya arrimaha Somalia-na, madaxweyne Geelle wuxuu ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in beesha caalamku ay xoogga saarto wax ka qabashada xaaladda caasimadda Muqdisho. Wuxuu yiri: aan go’aansanno in, maadaama ay dadaaalladii kale suuroobi waayeen, inaan xoogga saarno inaan caasimadda ka sifeyno kooxaha mintidka ah, kaddibna aan kala dambeyntii iyo sharcigii soo celinno, kaddibna ay Qaramada Midoobay iyo hey’adaha caalamiga ah xafiisyadoodii dib uga furtaan Muqdisho. Madaxweyne Geelle ayaa intaas ku daray in, inkastoo ay tahay inaan laga quusan dibu-heshiisiinta, in maanka lagu hayo in kooxaha Al-Qaacida ku nudan ee Somalia uu hadafkooda koobaad yahay inay ridaan dowladda ay beesha caalamku aqoonsan yihiin.

Isagoo laga tarjumayo, ayuu madaxweyne Geelle wuxuu yiri: “Geeska Africa, waa inaan la tacaalno xaaladda cakiran ee Somalia, maxaa yeelay waxay saameysaa dalal badan, iyo marin-biyoodyada caalamiga ah. Qof walba hadda wuxuu qirsan yahay in dadaal walba oo la galiyey wax ka qabashada burcad-badeedda, in sida ugu habboon in loola tacaali karo ay tahay in la soxo halka ay sartu ka quruntay, oo ah xasillooni darrida, saboolnimada iyo fashilka he’adaha dowladeed.”

 Xigasho voa  This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Last Updated on Saturday, 22 May 2010 05:03
 

Gendershe:Dayactir lagu sameeyay dugsiyadii Hoose/Dhexe ee deegaanka Gendershe

E-mail Print PDF

Dhalinyaro ka soo jeeda deegaan weynaha Gendershe oo ku mideysan ururuka Nabada iyo Hormarinta Gendershe " UNHG " ayaa markii ugu horeysay mudo ka badan 20-sano ka dib waxay dib u dayactireen dugsiga hoose iyo dhexe ee deegaanka Gendershe kaasoo ay wax ku bartaan arday tiradoodu ay ka badan tahay boqol caruur oo ay da'doodu ka hooseyso 15-sano jir.

Dugsiga "School-ka" oo aan markii hore laheyn wax Qalab ah sida (Kuraas, Miisas, Uniform IWM...) ayaa UNHG waxay halkaasi geeyeen Qalab isugu jira Kuraas Miisas Uniform (Shaarar iyo Jalbaab), Buugaag, Qalimaan iyo Sabuurado, waxay dib u dhiseen Dugsiga oo dhisma ahaan aad u bur bursanaa.


Xafladii dib u howlgelinta Dugsiga oo ka dhacday Deegaaanka GENDERSHE waxaa ka soo qeyb galay Waalidiinta ardeyda, Ardeyda Dugsiga, Masuuliyiin ka tirsan Maamulka halkaasi ka arimiya, Macalimiin, Marti Sharaf kale iyo Masuuliyiin ka socday UNHG oo ay hogaaminayeen Xoghayaha UNHG Cismaan Sheylila iyo Gudoomiye ku xigeena ahna Madaxa Waxbarashada UNHG. Aweys Xaaji Nuur iyo Madaxa Maaliyadda UNHG Mudane Axmed Ciisaa Xaaji Ciise.

Waalidiintii iyo Dadkii ka qeyb galay Munaasabaddii dib u Howlgelinta Dugsiga Hoose iyo Dhexe ee GENDERSHE ayaa tilmaamay in arrintu tahay mid aad loogu farxo laakiin dhameystirkeedu loo baahan yahay in la fuliyo.


Howsha Dugisga dib loogu Dhisayo ayaa Maal-gelintiisa waxaa qeyb weyn ka qaatay Dhalinyaro ka soo jeeda Deegaanka GENDERSHE balse ku nool Dalalka Sweden iyo Norwey kuwaasoo had iyo goor hiil iyo hooba la taagan sidii wax loogu qaban lahaa Dadka iyo Deegaanka GENDERSHE.

Howsha Dayactirka ee School-ka Gendershe waa mid aan weli fari ka qodneyn inkastoo isbedel wanaagsan laga dareemayo, Howlaha kale ee Dugsiga u haray waxaa ka mid ah in la dayactiro Sadex Fasal, Hal Xafiis iyo Musqul oo uu Dugsiga leeyahay laakiin aan shaqeyn oo bur-bursan sidoo kale in derbi lagu wareejiyo xeendaabka Dugsiga si xawaanada looga ilaaliyo isla markaana aad loo xakameeyo dhaq-dhaqaaqa ardeyda dhigata dugsiga.


Arrinta kale ee Dadka Deegaankuna ay aad farta ugu godeen waxaa ka mid ah in la helo Macalimiin Deegaanka u dhalatay Dabeecadiisana taqaan oo tayo sare leh, Waayo Ardeydii Dugsiga dhiganeysay tan iyo 2007-dii ayaan ilaa iyo imika weli kala saari karin Calaamadaha (+ -) ee loo adeegsado Xisaabaha Kudar iyo Kajar.

Si ay arrintaasi u suura gashana waxaa lagama maarmaan ah in si deg deg ah loo helo ugu yaraan Mushaarka Sadex Macalin oo tayo leh Daacadna u ah in ay Ardeydaasi wax baraan, si Deegaanka Jahliga looga saaro.
Waa markii ugu horeysay oo la arkey Ardey labisan Unufom-kii School-ka oo ka soo dareereysa Dugsiga Hoose iyo Dhexe ee GENDERSHE.

Waxaa Deegaanka ku nool Caruur badan oo gaaray xiligii Waxbarashada balse aan Dugsiga loo soo dirin sababo la xiriira Waalidkood oo aan markii hore ku qanacsaneyn qaabka uu Dugsiga ku shaqeynayey, si Caruurtaasi iyo Waalidiintoodaba loogu qanciyo Waxbarashada waxaa lama huraan ah in kuwa hadda dhigta aad loogu dhiira geliyo Waxbarashada oo garaadkoodana si wanaagsan loo dhiso.

Mamulka Webka Geesguud.com Wuxuu Boogaadin u dirayaa Odayaasha dhalinyarada iyo intii howshaan ka Qeyb qaadatay Gaar Ahaan Ururka UNHG oo mar walba isku howla horumarinta deegaanka 














W/D: Aweys Xaaji Nuur (Aweys aar)
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
+25215892117
+25215594571       This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Last Updated on Thursday, 20 May 2010 23:43
 
More Articles...


Page 1730 of 2227


Newsflash