GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home The News
The News

Ciidamada DKMG iyo kuwa ururka Ahlu Sunna ayaa maanta bilaabay in ay indha shareerka ka dhigaan hawe

E-mail Print PDF

Ciidamadan ayaa ku sugnaa Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho waxaana ay hawshan la beegsanayeen dumarka ay ka shikiyaan ee ku socda dhinaca suuqa Bakaaraha.


Dirawalada gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ee ka howl gala wadada isku xirta suuqa bakaaraha ilaa isgoyska dabka ayaa VOA u xaqiijiyay in maanta gaadiidka BL-ka ah lagu joojinayay bar kontorol oo ku taala wadadaasi kadibna gaadiidka laga soo dajinayay dumarka watta indha shareerka iyadoo halkaasina su'aalo lagu waydiinayay, waxana jirta in dumarka ka madax adayga awaamiirta ciidamada in qaarkood indha shareerka laga qaadayay, lagana gubay

Mid ka mid ah haweenka saarnaa baabuurta la joojiyay ee indha shareeka laga qaaday ayaa VOAda uga warrantay sida ay wax u dhaceen, iyada oo sheegtay in horteeda lagu gubay niqaabkii ay siteen dumarka qaar.


Sidoo kale ciidamada ururka Al Shabaab ee ku sugan isgoyska Bakaaraha ayaa la sheegay in iyaguna ay maanta muujinayeen feejignaan dheeri ah, waxana dhinacooda ay is taajinayeen gaadiidka BL-ka marka uu soo gaaro isgoyska ay ku sugan yihiin ee Bakaaraha, waxana dadka ay waydiinayeen su'aalo iyo xog waraysi faro badan iyagoo cidii ay ka shakiyaana kala dagayay gaadiidka BL-ka ee uu saaran yahay.


Haweenka ayaa ka cabanaya in ay dhibaato ka haysato arrintan oo soo nqonoqtay iyada oo dhinaca kale ay kooxaha ka soo horjeeda dawladdu gaar ahaan al shabaab ay ku amaryaan in dhulka ay ka taliyaan ay dumarku xidhaan niqaabka.


Hase ahaate ciidanka boolsika ee dawladda ayaa gabi ahaanba beeniyay in ay arrintasai maanta dhacday sida uu VOAda uu u sheegay taliyaha qaybta guud ee ciidanka boolsika ee gobolka banaadir Col Ahmed Xasan Maalin, isaga oo sheegay inaanu jirinba hawlgal ay wada fuliyeen iyaga ahliu sunna


Waxaa noo suurtagali weyday inaanu la xidhiino mas’uuliyiinta ahlu sunna wal jamaaca .


Culimada Soomaaliyeed ayaa qaarkood qabaan in aanay waqtigan la joogo muhiim ahayn in lagu daalo arrimaha niqaabka haweenka oo ay jiraan arrimo kale oo mudnaanta leh sida uu qabo Sh Cabdiraxmaan Shariif oo ka mid ah culimada soomaaliyeed kuna sugan dalka Maraykanka


Falalkan la xiriira hakinta gaadiidka dadweynaha iyo baaritaanada lagu samaynayo ayaa waxaa qaylo dhaan ka muujiyay qaar ka mid ah dadka rakaabka ah ee isaga kala goosha suuqa bakaaraha iyo magaalada inteeda kale, iyadoo cabashada ugu badana ay ka imanayso haweenka laga xayuubiyay indha shareerka. waana cabasho marar badan soo nqonoqatay.


Warbixintan oo dhamaystiran ka dhegayso midigta hoose ee boggan.

Xigasho voa This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Last Updated on Friday, 07 May 2010 20:25
 

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale iyo Safarkiisa Magaalada Paris

E-mail Print PDF

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Wefti uu hoggaaminayo oo socdaal ku jooga magaalada Paris ee dalka Faransiiska, ayaa kulamo la yeeshay La-taliyaha Madaxweynaha Faransiiska ee arrimaha Afrika.

Warsaxaafadeed laga soo saaray socdaalka Weftigan Madaxweyne Rayaale oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha gaarka ah ee Rayaale Axmed Maxamed Ciise, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Daahir Rayaale Kaahin  iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa maanta  gudo galay hawlahoodii shaqo ee ay Dalka Fransiiska u joogeen, kaasi oo ay ku yimaadeen Dalkan Fransiiska booqasho rasmi ah, waxa maanta lagu qaabilay aqalka looga taliyo Dalka Fransiiska ee la yidhaahdo Elysee, halkaasi oo uu ku qaabilay la taliyaha Madaxweynaha Fransiiska ee Arrimaha Africa , Mudane , Andre Parant  iyo saraakiil ka socotay aqalka Madaxtooyada.

Kullankaasi labadaa dhinac ay isaga waraysteen, arrimaha labada dal dhinacyadooda ; Siyaasadda; dhaqaalaha iyo Nabadgelyada; taasi oo ay ku jirto arrimaha ka taagan, mandaqadda Geeska Africa oo Dawladda Fransiisku aad xogogaal ugu tahay.

Arrimahaaasi ay labada dhinac isla soo qaadeen falanqeyn dheer ka dib waxay ku soo gabagaboobeen jawi wanaagsan iyo is afgarad,



Madaxweynaha waxa kullankaasi ku weheliyey, Wsiirka Arrimaha Debedda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wakiilka Somaliland ee Dalka Fransiiska, Mudane, Cali Ismaaciil Xassan iyo Mudane ; Axmed Maxamed Ciise, Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha”    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
 

Last Updated on Tuesday, 04 May 2010 17:03
 
More Articles...


Page 1725 of 2187


Newsflash