GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home The News
The News

MAAMULKA PUNTLAND OO KU DHAWAAQDAY DAGAAL JIHAAD KA DHAN AH DOWLADA FEDERAALKA SOMAALIYA !!!!(????)

E-mail Print PDF

 Cabdi Naasir Badal Khalaf oo ah isuduwaha Wasaarada War-faafinta maamulka Faroole ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah dowlada Soomaaliya oo uu sheegay in uu xilligaan yahay mid xaq ah oo Janno lagu gelayo.

Jihaadkaan ayuu ku dhawaaqay ninkani kadib markii uu saxaafada kula hadlay deegaanada Puntiland isaga oo yiri, “Waligey dagaal kama qeyb qaadan. Walaahi in aanan tan nabad ka qaadaneyn. Maanta waxaan ku dhawaaqayaa in uu banaanyahay jihad ka dhan ah dowlada Xassan Sheekh. Waxaan u daliishanayaa isir kala sooca ay wadaan oo ah in ay diidayaan in maamul Jubaland la yiraahdo uu Kismaayo kahana qaada”.

Islaamka ayaa noo ogol in aan la dagaalno maxaa yeelay, “Shaqsiyaad ku sugan Kismaayo oo fidna wadayaal ah ayaa waxaa qarash ay ku sii wadaan fowdada siiya dowlada Xassan Sheekh Maxamuud oo dooneysa in ay rabshadu sii socoto”.

Waxa uu intaa raaciyay, “Nafteenna, diindeenna iyo Cirdigeena in aan ilaalinno diinta ayaa nafareysa. Dowalada Soomaaliya ayaa waxa ay hor-seedeysaa in dagaal diinta salka ku haya uu dhoco Soomaaliya, kaas oo noqda mid qariya dagaladii hore oo dhan”.

Hadalka dagaalka lagu iclaaminayo ee uu jeediyay Cabdinaasir Badal Khalaf ayaa waxaa la’aaminsanyahay in uu yahay fikir ka soo baxay hogaanka Puntiland faroole maadaama uu isagu afkiisa ka ilaashanayo in erayada sisaas oo kale ah sharafta siyaasadiisana wax u dhimaya uu ka dhawaajiyo.

Mahad Ali Geesguud News

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

BAM-GACMEED LAGU TUURAY XALAY CIIDAMADA DOWLADA MAGAALADA JOWHAR OO QASAARE KA SOO GAARAY

E-mail Print PDF

 Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh/dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in habeenkii xalay ahaa kooxa watay gaari nuuca raxada ah ay Banbo ku tuureen goob ay ilaalo ka hayeen ciidamada amaanka ee magaalasaasi.

Weerarkaasi ayaa la sheegayaa in ay ku dhaawacmeen laba askari oo kamid ahaa qolyihii lala eegtay weerarka inkasta oo la sheegayo in xaladoodu ay tahay mid wanaagsan oo dhaawacoodu uusan aheyn mid halis ah.

Saraaskiisha amaanka magaalada ayaa waxa ay saxaafada u sheegeen in kooxihii weerarka fuliyay ay ku baxsadeen gaari ay wateen, hasa yeeshee waxa ay ku goodiyeen in ay soo qaban doonaan cadaaladana ay hor-keeni doonaan.

Jowhar ayaa waayihii danbe waxaa hareeyay weeraro loo adeegsado qaraxyo isugu jira miinooyin wadada hareeraheda la geliyo iyo Banba gacmedo lala eegto ciidamada manaaka, waxaana dhowr jeer oo hore hogaanka amaanka magaaladu ay ku cel-celiyeen in ay arintraasi wax ka qaban doonaan

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 
More Articles...


Page 8 of 2187


Newsflash