Gabdho mataano oo degan gobolka Utah ee dalka Maraykanka ayaa qudha ka jaray hooyadood oo magaceedu ahaa Jarmeca.
Labada gabdhood oo lakala yiraahdo Jasmiyah iyo Tasmiyah oo da’doodu tahay 16 sano jir ayaa la sheegay sababta ay Hooyadood u dileen inay tahay kadib markii ay dhibsadeen nin ay jeclayd Hooyadood kadibna Hooyada oo talo ka diiddey ay go’aansadeen inay qudha ka jaraan, falkaasoo ay aakhirkii ku fuliyeen.
Booliska Mareykanka oo baaritaan ku sameeyay arrinkan ayaa sheegay in labadan gabdhood ee mataanaha ah iyagoo yaryar ay hooyadood siisay Ayeydood oo ah Hooyadii iyada dhashay taasoo soo korsatay, balse markii ay koreen ay noqdeen kuwo dhib badan, markii ay dhibkooda xal u weysayna ay ku wareejisay mar kale Hooyadood, halkaasoo ay rabshaddii ka sii wadeen.
Waxa uu Boolisku sheegay in labada gabdhood ay ka bixi waayeen dagaal iyo rabshad joogta ah iyagoo dhibka u gudbiyey nin ay jeclayd Hooyada oo isagana ka baxsan waayay taasina ay sababtay in ay isku dhacaan iyaga iyo Hooyadood, arrintaasoo sababtay in marar badan uu dagaal dhex maro gabdhaha iyo Hooyada waxayna u geysan jireen dhaawacyo fudud oo xilli waliba dagaalkooda ku imaan jiray.
Meydka Hooyada ayuun baa guriga lagu dhex arkay, iyadoo loo malaynayo in gabdhaheeda ay dileen, balse gabdhuhu wey inkireen waxayna ku doodeen in iyagoo Iskuul ka yimid ay arkeen Hooyadood oo la diley oo dhabarka mindi lagaga dhuftay, isla markaasna aysan ogeyn cid u geysatay dilka.
Baaritaanku Booliska uu ku sameeyay hablahan ayaa lagu ogaaday inay iyaga ka dambeeyeen kadib markii sida Boolisku sheegay ay gabdhuhu kala hadleen, waxaana weli ku socda baaritaanka.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it




The News



BBC 07:00 GMT
