Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo lagu qaado madaxtooyada Soomaaliya tan iyo markii uu dhashay sannadkan, iyadoo aysan jirin wax war ah oo kasoo madaxtooyada iyo laamaha ammaanka dowladda.

“Duqeymuhu waxay dhaceen gellinkii dambe ee xalay, waxaana dhowr hoobiye ay kusoo dhaceen xaafado ku dhow madaxtooyada, ma maqal wax khasaare ah oo ay geysteen,” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi oo a mid ah dadka deggen xaafadaha ku dhow madaxtooyada.
Ma jirto cid sheegatay inay weerarkaas ka dambeysay, balse weerarro sidan oo kale ah oo tan iyo sannadkii hore lagu qaadayay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa mas’uuliyaddooda sheegan jirtay Al-shabaab.
“Xalay aad ayaan u baqnay, waayo hoobiyeyaal ayaa xaafadeenna kusoo dhacay, ma garanayno meel laga soo tuurayay,” ayay tiri Raxmo C/lle oo ka mid ah dadka ku nool degmada Wardhiigley, gaar ahaa xaafadaha ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.
Weerarkan ayaa wuxuu kusoo xilli madaxda dowladda Somalia ay sheegtay inay wax ka qabanayaan ammaan-darrada ka jirta Muqdisho, taasoo ay u diyaariyeen 1,000 askari oo gaar ah.
Magaalada Muqdisho ayaa xasilloonayd toddobaadyadii ugu dambeeyay, iyadoo tani ay mar kale hoos u dhigayso rajadii shacabku ay ka qabeen in la adkeeyo ammaanka caasimadda Soomaaliya si ay nabad u helaan.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it