GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka
News

Mataano Hooyadood Qudha uga jaray Jacayl awgii

Gabdho mataano  oo degan gobolka Utah ee dalka Maraykanka ayaa qudha ka jaray hooyadood oo magaceedu ahaa Jarmeca.

Labada gabdhood oo lakala yiraahdo Jasmiyah iyo Tasmiyah oo da’doodu tahay 16 sano jir ayaa la sheegay sababta ay Hooyadood u dileen inay tahay kadib markii ay dhibsadeen nin ay jeclayd Hooyadood kadibna Hooyada oo talo ka diiddey ay go’aansadeen inay qudha ka jaraan, falkaasoo ay aakhirkii ku fuliyeen.

Booliska Mareykanka oo baaritaan ku sameeyay arrinkan ayaa sheegay in labadan gabdhood ee mataanaha ah iyagoo yaryar ay hooyadood siisay Ayeydood oo ah Hooyadii iyada dhashay taasoo soo korsatay, balse markii ay koreen ay noqdeen kuwo dhib badan, markii ay dhibkooda xal u weysayna ay ku wareejisay mar kale Hooyadood, halkaasoo ay rabshaddii ka sii wadeen.

Waxa uu Boolisku sheegay in  labada gabdhood ay ka bixi waayeen dagaal iyo rabshad joogta ah iyagoo dhibka u gudbiyey nin ay jeclayd Hooyada oo isagana ka baxsan waayay taasina ay sababtay in ay isku dhacaan iyaga iyo Hooyadood, arrintaasoo sababtay in marar badan uu dagaal dhex maro gabdhaha iyo  Hooyada waxayna u geysan jireen dhaawacyo fudud oo xilli waliba dagaalkooda ku imaan jiray.

Meydka Hooyada ayuun baa guriga lagu dhex arkay, iyadoo loo malaynayo in gabdhaheeda ay dileen, balse gabdhuhu wey inkireen waxayna ku doodeen  in iyagoo Iskuul ka yimid ay arkeen Hooyadood oo la diley oo dhabarka mindi lagaga dhuftay, isla markaasna aysan ogeyn cid u geysatay dilka.

Baaritaanku Booliska uu ku sameeyay hablahan ayaa lagu ogaaday inay iyaga ka dambeeyeen kadib markii sida Boolisku sheegay ay gabdhuhu kala hadleen, waxaana weli ku socda baaritaanka.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Hooyo ka walaacsan gabadheeda oo 3sano jir ah oo sigaarka iyo khamriga si saa’id ah u cabta

Hooyo u dhalatay dalka Shiinaha ayaa waxay walaac weyn ka muujisay gabar saddex sano jir ah oo ay dhashay oo sigaarka iyo khamriga si aad u isticmaasha.

Hooyada dhashay Gabadhaas yar ayaa waxay aragtay dhowr jeer iyadoo cabista sigaarka iyo khamriga kula dhuumaysa meelo qarsoodi ah, marar badanna ay Hooyadu ka soo saartay gabadha gudaha musqusha xilli ay sigaar ku dhex cabaysay.

Gabadhan yar oo lagu magacaabo Ya wen  ayaa dhakhaatiirta magaalada Huizhou ee Koonfurta gobolka Fujian ee  dalka Shiinaha oo baaritaan ku sameeyay waxay sheegeen in madaxa ay wax ka gaareen xilli ay gashay shil Baabuur, iyadoo xilligaas wixii ka dambeeyay lagu arkay caadadan sigaar iyo khamri cabista.

Hooyada dhashay gabadhaasi yare oo lagu magacaabo Gao oo u warameysay wargeys lagu magacaabo Yangcheng Evening Post u   sheegtay in gabadheeda  wixii ka dambeeyay markii ay gashay shilka Baabuur lagu arkay sigaar iyo khamri cabis fara badan, iyadoo mararka qaar ka badsata bay tiri sida caadiga ah ee ay u isticmaalaan dadka waaweyn.

Dhakhaatiirta Isbitaalka Huizhou Central People’ Hospital waxay rumaysan yihiin in shilka ay gadhan yar ee Ya Wen uu waxyeelo gaarsiiyay maskaxdeeda taasina ay ugu wacan tahay ficiladan ay ku kacayso oo ah isticmaalka sigaarka iyo khamriga, waxayna sheegeen in ficilkaasi aanay wax dawo ah iyaga u heynin, inkastoo ay ku taliyeen in la karantiilo lana geeyo meel aysan ka arkeynin Khamri iyo sigaar.

Gabadhan yar ayaa ka xada qoyskeeda lacagta ay ku gadato sigaarka iyo khamriga, iyadoo dukaamada sigaarka iyo khamriga lagu gado u sheegta in Aabbaheed uu u soo dirsaday.

Aabaha iyo Hooyada dhalay gabadhan yar oo shaqadoodu tahay qashin uruurinta ayaa waxay sheegeen in fakir kale ay soo hindiseen, taasoo ah in aabaha dhalay gabadha uu joojiyo sigaar cabista si ay markaasi ugu dayato aabaheed oo uu u noqdo tusaale wanaagsan oo ay ku dayato isaga.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Haweenka Kenya oo Rubac malyuun ka tiro batay ragga

Tirokoob lagu sameeyay dadka Kenya ayaa natiijadii ka soo baxday waxaa lagu ogaaday in haweenka Kenya ay rubuc malyuun ka badan yihiin tirada raga.

Tiro koobkan ayaa waxa lagu shaaciyay in tirada dadka Kenya ay noqotay 38,610,097 qofood oo kala ah 19,192,458 rag ah iyo 19,417,639 Dumar ah, iyadoo sidoo kale Tiro koobkani dadka dalka Kenya lagu su’aalay Qawmiyadaha ay ka soo jeedaan dhalasho ahaan iyo Diimaha ay aaminsan yihiin, waxaana lagu sheegay tiro koobkan in Kikuya-du ay tahay Qawmiyadda ugu badan dalkaas, tiradeeduna ay tahay 6,620,000, halka tirada qawmiyadda Kampa ay noqotay 3,890,000, tirada Qawmiyadda Soomaaliduna ay noqotay 2,380,000. Waxaa kale oo jira qawmiyado badan oo ka sii yar tiro ahaan Soomaalida Kenya.

Diinta Kitistaanka ee Protestanka ayaa noqotay tan ugu badan ee ay dadku aaminsan yihiin waxaana diintaa heysta dad tiradooda lagu qaddaray  18 Milyan oo qofood.

Kaniisada Kaatoliga waxa iyana aaminsan dad gaaeaya 9 Milyan oo qofood,  halka Diinta Islaamka ay aaminsan yihiin dad gaaraya Afar Milyan Iyo Afartan Kun oo qof, iyadoo Diinta Hinduuga waxa aaminsan dad gaaraya 53,393 qofood.

Wasiirka Qorshaynta ee Kenya ayaa ka dhawaajiyay in Tobankii sano ee ugu dambeeyay ay tirada dadka Kenya kor u kacday Ilaa Toban Milyan oo qofood.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 
More Articles...
  • «
  •  Start 
  •  Prev 
  •  1 
  •  2 
  •  3 
  •  4 
  •  5 
  •  6 
  •  7 
  •  8 
  •  9 
  •  10 
  •  Next 
  •  End 
  • »


Page 1 of 468


Newsflash