GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Al-shabaab oo ka hadashay arrimo badan oo ay ka mid tahay inay la hadlayaan DFKMG

Al-shabaab oo ka hadashay arrimo badan oo ay ka mid tahay inay la hadlayaan DFKMG

Xarrakada Al-shabaab oo Shir Jaraa'id maanta ku qabtay Muqdisho Afhayeenka Xarrakada Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ay mid yihiin mamnuuciddii ay kusoo rogeen Britain iyo Canada Ururkooda.

Sheekh Cali Dheere wuxuu sheegay in taasi ay tahay mid muujinaysa in dalalka ku yaalla galbeedka Adduunku ay wadaan qorshayaal ay doonayaan inay ku adoon-sadaan dadka Muslimiinta ah, balse ay taas iyagu ka hortagayaan.

"Waxay doonayaan dadka ku sugan dalalkooda inay yiraahdaan waxay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayna sidaas hantidooda ku dhacaan, waana qorshe muddo dheer soo jiitamayay oo lagu doonayo in lagu dhaco hantida Muslimiinta" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaab wuxuu sidoo kale ka hadlay wadahadallo ay la galaan dowladda Somalia isagoo sheegay inaysan wax wadahadal ah la galayn inta ay kasoo laabanayaan howsha ay ka jiraan, markaasna ay imaan karto in lala hadlo.

"Sheekh Shariif iyo kuwa kale ee la jooga waxaan u sheegaynaa in haddii ay kasoo laabtaan howsha ay ku jiraan inaan la hadlayno, haddii kalena uusan dhex oolin wax wadahadal ah" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo ka jawaabayay hadalkii Madaxweyne Sheekh Shariif ee ahaa in kooxaha kasoo horjeeda ay wadahadal aqbalaan.

Sidoo kale Afhayeenka Xarrakatul Shabaab wuxuu sheegay in dagaallada la sheegay in lagu soo qaadayo xoogaggooda ay diyaar u yihiin inay iska difaacaan, sidoo si aad ah u weeraray hadalkii kasoo baxay Mareykanka.

"Mareykanka haddii uu ciidamo u soo diro Somalia waxaa jooga dhallinyaradii horay ugu jiiiday waddooyinka waaweyn oo maanta rumeysan caqiido dhab ah, diyaar ayaana u nahay inaan ka hortagno weerar walba oo ka yimaada" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
MUQDISHO GEESGUUD.COM   Mahad ali  This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Afhayeenku wuxuu ugu dambeyn ka hadlay Hay'adda WFP isagoo sheegay in aysan u ogolaanayn inay ka shaqeyso dalka Somalia, isagoo xusay inay doonayaan inay kobciyaan dhaqaalaha beeraleyda Mareykanka iyo Canada ku nool oo ay hoos u riixaan beeraleyda Somalia.
 

 


Newsflash