Dowladda Canada ayaa ku dhawaaqday in kooxda Shabaab ee Soomaaliya ay u aqoon satay koox argagixiso ah kadib markiii ay sheegtay in ay ogaatay kooxda la shaqeyso ururka Al-Qaacida.
Wasiirka Amniga Dowladda Canada oo ka hadlay arrintaasi ayaa shaaca ka qaaday Xukuumadoodu ka go’an tahay in ay qaado talaabo kasta oo ay uga hortagayaan in Xarakada Al-Shabaab dhaqdhaqaaqyo ka sameeyeen dalka Canada si aysan saamayn ugu yeelan shacabka dalkaasi dagan.
Wasiirka ayaa sheegay in ay ka hortagayaan lacago dalkeeda loogu aruurinayo Xarakada Shabaab kadib warbixin dhinacyo badan leh oo ay ka heleen Soomaalida ku nool Dalkaasi.
"Al-Shabaab waa koox argagixiso Liiskaasi ayaana ku darnay, talaabo kasta oo looga hortagayo falalka dhaqaale aruursiga iyo qorista Ciidamo ka mid noqda ururkaasina waynu ka hortagaynaa" yuu yiri wasiirka Amniga Dowladda Canada Vic Toews.
Dhowaan ayay ahayd markii dowladda Ingiriiska Liiska Argagixisada ku dartay Xarakada Shabaab, isla markaana sheegtay qofkii lagu arkaa isagoo dhaqaale u aruurinaya ama la shaqeynaya ururkaasi u arki doonaan qof Dambiile ah.
Hadalkan ayaa sidoo kale imaanaya xilli Saraakiisha iyo madaxda ugu saraysa Xarakada Shabaab ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin haddiiba dalalka Reer Galbeedka u aqoonsadeen in ay yihiin koox ka mid ah waxa loogu yeero Argagixisada.
Geesguud.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|




BBC 07:00 GMT 







