GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Madaxweynaha DFKM Sh Shariif iyo wafdi la socda oo ka dhoofay garoonka Aadan Cade ee Muqdisho

Madaxweynaha DFKM Sh Shariif iyo wafdi la socda oo ka dhoofay garoonka Aadan Cade ee Muqdisho

Muqdisho:Madaxweynaha DFKM Shiikh Shariif Sh.Axmed iyo wafdi uu horkacayo ayaa dhawaan waxaa ay ka dhoofeen Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee  magaalada Muqdisho.   Banner .

Wafdiga madaxweynaha DFKM Sh Shariif ayaa waxaa safadrkiisa ku weheliya Raiisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Maaliyadda Shariif Xassan Shiikh Aadan wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta C/risaaq Cismaan Jurille,Gudoomiyaha Maxkamada sare Maxamuud Faarax Indhabuur.

Wafdiga Madaxweynaha DFKM Shiikh Sharif ayaa waxaa ay gaari doonaa dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya halkaas oo uu Madaxweynuhu kula kulmi doono wasiir iyo xilibaano ka tirsan DFKM oo qaar kood ay sii raaci doonaa wafdiga Madaxweyanaha DFKM Sh Shariif.

Madaxweynaha DFKM Sh Shariif Shiikh Axmed ayaa safarka dalka Kenya waxaa uu uga sii gudbi doona dalka Ingriiska isagoo kulamo la qaadan doona Raiisul Wasaaraha dalka Ingriiska Gordon Brown iyo xubnon sare oo ka tirsan Dowlada dalka Ingriiska.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingriiska ayaa waxaa ay  wadaan abaabul ay ku doonayaan in ay xaflad ugu sameeyaan wafdiga uu hogaminayo Sh Shariif oo la filayo in ay beri gaaraan dalka Ingriiska.     Mahad ali Muqdisho  Geesguud.com  This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it ,

 

 


Newsflash