GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Xukuumada Washington oo shaacisay in ciidamo iyo dayuurado ay ka qeyb qaadan doonaan dagaal Dowlada

Xukuumada Washington oo shaacisay in ciidamo iyo dayuurado ay ka qeyb qaadan doonaan dagaal Dowlada

Saraakiil sare oo ka tirsan waaxda difaaca Maraykanka ayaa sheegay in xukuumada Washington ay ka qeyb qaadan doonto howlgalka milateri ee dowlada Somalia ay ku damacsan tahay iney kula wareegto magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah iyo gobolada dalka oo ay ka taliyaan xoogaga ka horjeeda. 

 

U.S. Aiding Somalia in Its Plan to Retake Its Capital

Wargeyska New York Times oo soo xiganayey saraakiishan ka tirsan aqalka Pentagonka Maraykanka isla markaana diiday in magacooda la soo xigto ayaa intaa ku daray in ciidamo gaar ah iyo dayuuradaha Maraykanka ay ka qeyb doonaan dagaalkaasi kuwaasoo duqeyn doona ayuu yiri bartilmameedyo ku yaala magaalada Muqdisho oo ay fadhiyaan xoogaga ka horjeeda dowlada.

Waxay intaa ku dareen in howlgalkan uu dhici doono todobaadyada soo socda isla markaana ay taageero dhinac walba leh siiyeen ciidamada dowlada dowlada sida Saadka, shidaalka iyo hubkii ay ku dagaalami lahaayeen si ay isugu diyaariyaan dagaalkaasi.

Waa markii ugu horeysay ee dowlada Maraykanku ay shaaciso iney si toos ah uga qeyb qaadanayaan ciidamadeeda dagaalada dowlada Somalia ay damacsan tahay iney ku qaadi doonaan xoogagaa ka horjeeda ee ku sugan magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah iyo gobolada dalka. 

Geesguud.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash