Dadweynaha degan degaankaasi ayaa saakay soo buux dhaafiyeen Gurigii uu ku dhashay Cunugan labadda Madax iyo Afarta lugood leh , waxaa la soo sheegayaa in xaaladda Ilamahaas yar sida ay ku waramayso Haweenaydii Umulisada aheed in ilmahaas loo seexinayo hal dhinac oo kaliya ,waxaana ay sheegtay in haatan lagu mashquulsanyahay qaabkii loogu duwi lahaa in ay nuugto naaska hooyadeed maadaama dhinacii gacanta laga saari lahaa uu ku yaala madaxii labaad.
"Hooyada dhashay Ilmahaan yar ayaa horay waxay usoo dhashay Ilmo kale oo laakin ilmahan kusoo kordhay waxaa ay ka martay dhib waayo qof laba madax leh waad garan kartaa dhibaatada laga mari karo, ALLE wuu inoo fududeeyey haatan,dhibka ugu weyn ahaa in aanan naas la nuujin karin sababtoo ah labada madax ayaa isu dhaw"sidaa waxaa tiri Umuliso Xaawo.
Hooyada dhashay Ilmahaan mucjisada gabadhii umulisay oo lagu magacaabo Xaawo Faarax Xirsi ayaa saxaafadda u sheegtay in ilmahaasi mucjisada ah ay ay leeyihiin labo madax oo jeegada isaga dheggan oo midkood abuuritaankiisa uu u dhan yahay halka
Sidoo kale Xaawo Faarax Xirsi waxay hadalkeeda intaasi ku dartay in gabadha uu caafimaadkeeda iska wanaagsan yahay oo laga quudiyo wejiga abuuritaankiisu dhamaystiran yahay, loona seexiyo hal dhinac, waxayna intaasi ku dartay inay leedahay afar lugood oo qaarka dambe isaga dhaggan oo dhamaantood dhaq-dhaqaaq samaynaya.
Haweeneydan ayaa sheegtay inay tahay Qadar eebe iyadoona ugu baaqday dhamaan umada Soomaaliyed kuwooda hantida ilaahey u dhiibay inay gar gaar la soo gaaraan qoyska u dhalatay gabadhaas si qaliin loogu sameeyo loona bad baadiyo,waxaana ay tilmaantay inay tahay markii u horeysay oo ay la kulanto Mucjiso Rabbaani ah.



































