Dowlad iyo Mucaarad Midna Dadweynaha Dan uma WadoWaxaan ahay Duqayn iyo inay Dilaan oo Guryahooda Dumiyaan Waxaa mudo dheer dadku sanad walba saadaliyaan inuu sanadku markuu bilowdo isbedel siyaasadeed nololeed iyo nabadeed iman doono waxaa umada soomaaliyed gaar ahaan bartamaha iyo koonfurtu ay noqdeen xarunta geerida gulufka iyo gebegabaynta shacabka
Goobaha kale waxaa iyagana ragaadiyay musuqmaasuq iyo abaaro iyo cadaalad daro
Dadka haysta maamulada aysan wax haba yaraatee adeeg bulsho ku qabin.
Hadaba waxaa is waydiin leh ama wax lala yaabo ah arimahan aan soo sheegnay ee ah in qaybo ka mida nabadgelyo la,aan iyo colaad iyo qax iyo rafaad iyo dhiilo ka taagan tahay
Halka kuwa kalena ee maamulada ka jiraan iyo nidaamkuna ay haystaan
abaaro biyo la,aan cadaalada daro adeeg bulsho la,aan ka taagantahay
Saw lama odhan karo waa habaar kudhacay umada soomaaliyeed iyo in umada soomaaliyeed
Ay iyadu kasbatay masiibooyinkan haysta .
Hadaba hadaan qormadayda u soo noqdo waxaa mudo sanad ku dhawaada gobolada koonfureed iyo bartamaha ku dagaalamayay dowlada KMG iyo kooxo mucaarada oo ku abtirsada magacyo diimeed aysan ka run sheegin.
Waxqabadka dowlada waxuu ku koobanyahay sida aan qoraalo horeba ku sheegay 550 xildhibaan oo ma liibanayaal ah kuna nool dhiiga iyo dheecaanka umada dhibaataysan
Iyo 38 wasiir oo midna hal waax oo wakaaladiisa ka mid ah aysan shaqayn wasaarad kastaa waxay yeelan kartaa ilaa kontomeeyo waaxood oo kala duwan oo loogu talogalay adeega bulshada iyo laamo iyo firqooyin hadaba waxaa intaas usi dheer dowlada KMG ah inay haysato ciidaan aad u badan oo la macno ah buunshada ama xasha ka soo hadha raashinka oo magac u yaala oo aa awood u lahayn meeshay ka taliyaana inay nabad ka dhaliyaan meelna aan qabsan Karin oo hadimo waxyeelo dhibaato ku hayaa shacabka fara ku tiska ah eek u soo hadhay deegaamada ay dagaaladu ka dhaceen. iyo kooxo afrikaana oo dabar jar ka wada kana daran itoobiyaankii shalay waayo sharciga u saamaxayaa inay duqeeyaan shacabka ee aan u saamaxayn inay toos u dagaalaman dowladana taageeraan waa sharci aan caalamka ka shaqayn sidaa awgeed wa cudur cusub oo soomaaliya isaguna soo galay in ay dhexdoodana is dilaan cadowna isu adeegsadaan ama ha cadaado ama ha madoobaado .
Kooxaha islaamiyiinta ah oo awal hore ku galay shacabka barnaamijka keliya ee banaana ee lagu dagi karayay oo ahaa umada soomaaliyeed oo muslin oo jecel diintooda inuu yahay diinta oo magacyo diimeed soo xanbaartayoo allheblaayo ka wada bilowda .
balse ka aafo iyo inkaar iyo awsimaad laga dhaxlay iyo dhibaatooyin badan mooryaantii shalay iyo hogaamiye kooxeedyadii lagu arag oo aysan samayn ama aysan keenin aduunka waxaa qofka ama ururka ama dadba lagu amaanaa wax qabadkooda balse kooxaha islaamiyiinta sheegta islaamka inay ka been sheegeen waxaa marqaati ka ah ilaa hada ma jirto hal meel oo ay ka taliyaan oo waxqabad dhaba ay ka mujiyeen waxay dilaan shacabkan way gaaleeyan shacabka waxay qixiyaan shacabka waxay qarxiyaan shacabka waxayna qalabka ku haystaan shacabka waxay qafaalaana shacabka waxayba qabqabtaan shacabka. Waxay ka shaqeeyaan qasaaraha iyo qalalaasaha shacabka .
Taas waxaan odhan kartaa dowlada iyo mucaaradkeedu waxay ku midaysan yihiin dhamaaynta iyo dhawaaca iyo dhiilada shacabka soomaaliyeed maadamaa midna dhinaca uu joogo lagu baxsanayn.
Waxaase la yaableh haddii la tiro dadka dibka wadaa waa dad faro ku tirisa waxaa umada soomaaliyeed ka buuxaa aqoonyahan waxgarad dhalinyaro odayaal culumo aan dhib gaysan
Haday iskaashadaan oo ay cadowgan labadada dhinaca ka cunayaa gacanta ka taagtaan oo u sheegaan inay ku dhexdhinteen midkoodana dhaawacooda dawayn dhabna uga run sheegaan
Dhinac xigsada iyo kan ayaan dhalasho wadaagnaana iska dhaafaan miyaysan dhalinkarin
Nabad dhidibada loo taago haddii nabad dhidibka loo taago waxaa la dhadhamin karaa
Dheefteeda waxaana loo gudbilahaa dhismo qaran iyo soomaali dhamaanteed isku dhinac ah
Mar walba waa inaan xasuusnaana inaan dhibaatada manta taagan dhamaanteen ka qayb qaadanay ama qalbiga ka taageer ama qolo ku taageer ama qarash ku taageer ama qori ku taageer ama qalad ku taageer balse qarankii soomaaliyeed manta qabri ayuu ku jiraa qaybtii soo hadhayna waa qaxoonti banaanada iyo qurbaha quban qolo walbana meesheedaa ayaa qaxarka iyo qasaaruhu ku haystaa .
In qaadir loo noqdo oo qurbajoog iyo qorfa joog iyo qabri joogba gacmaha lays qabsado
In qaladka la saxo oo qabiilka la naco oo qaranimo la doono oo qilaafka la soo afjaro oo qof walba waxqabadkiisa lagu qiyaaso laguna qoondeeyo ayaa qayrku jiraa
Waxaan qoraalkayga ku soo afjarayaa tixdan gaaban
Dhismo dowladnimo iyo
Dhaqan gelin shuruuceed
Dhimashada dadkaygiyo
Dhaawacooda maaheee
Naga dhaafa dhiilada
Dhibaatada dadkeeniyo
Iyo dhabarjabkeeda
Dheef laguma helayee
Diinteena dhawrsoon
Dhidibyada islaamkana
Meel ay ku dhigantahay
Dhiilada colaadiyo
Dhagarta ruux islaama
Dhiigiisa nimanyahaw
Dheef lagu helaayiyo
U dhawaansho eebahay
Kamaan dheehan diintee
Mawlana ma dhihinoo
Aayadi ma dhigaysee
Naga dhaafa dhiilada
Iyo dhabarjabkeeniyo
Dhalanteedka beenta ah
Waa Qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it



































