In caruur la dhalo waa nimca rabi uu bixiyo sida aan horay u soo sheeganay lakin masuuliyaadka ka dha lanaya ayaa loo baahan yahay in aad looga fakaro.
Mas`uuliyaadkaa aadka u weyn ee ah in la tarbiyeeyo ilmo uguyaraan 15sano haduu Alla idmo, waa waqtiga la yiraahdo (qaan gaarka) wixii ka horeerya`e,wixii ka dambeeyana isaga ayaa noloshiisa siiwadanaya iyadoo aanay jirin riqaabadii badnayd ee waalidka.
mas`uuliyada waalid ee xaga tarbiyadana waa tan u sii diyaarisay ilmuhu in ay ogaadaan riqaabadii Allaah in aysan ka harin oo marwalba uu dareensanaadaa riqaabada Allaah waa ilmihii tarbiya sax ah sooqaataye.
Waxaana xiliga qaan gaarka kadib soobaxaya 2arin midkood.
• In waalidkii dadaalkii uu bixiyay guulaysatay kana soo muuqdo suluuga iyo akhlaaqda ilmaha si uu noloshiisa ugu hago akhlaaqda saraysa ee waalidku ku soo abaabiyay.
• Iyo in juhdigii waalidku fashilmay ama aanuu juhdigii loo baahnaa ku bixin tarbiyayda ilmaha, isla markaana ay kasoo baxdaa ilmaha markay kabaxaan marxalada qaangaarka ka horaysa.
Hadaba tixgelin la tixgelinayo xajmiga mas`uuliyada tarbiyada waxaa waajib ku ah hooya kastaa iyo aaba kastaaba in ay zaad qaataan si ay ugu kaalmaystaan uguna iftiinsadaan fulinta waajibaadkooda ku aadan tarbiyaynta ilmohooda tarbiyo sax ah taas oo noqonaysa tarbiyayn jiilka mustaqbalka, waayoo hooya kastaa iyo aaba kastaa hadii ay mas`uuliyadaas ka fakaraan waxa imaanaya mujtamac wax tarbiyeysta kadibna waxaa ka soo baxaya jiil dhan oo hagaagsan kaasoo diin oyo dadba wax tara.
Tarbiyada caruurtuna waxaa ay u baahan tahay aragti qorsha ku dhisan iyo siyaasaad ay si wada jir ah uga shaqeeyaan aabaha iyo hooyadaba si wada jir ah si qorsha mid ah loo wada fuliyo dariiqa khayrkana si nabad ah lagu wada maro.
Siyaasaadkaa iyo qorshooyinkaasna waxaa ishraafaya una xil saran lasocodkooda iyo hab fulintooda aabaha iyo hooyada waana in ay ka faa iidaystaan tawjiihaadka iyo talooyinka Diinta islaamka ee xaniifka ah, iyo in ay qabsadaan kuna dhaganaadaan xarig walba ee ku hanuuninaya siyaasad toosan, waxna u taraya caruurtooda.
Sidookale waa in ay ka faaiidaystaan khibraadka aaba yaasha iyo hooyooyinka lagu yaqaano najaaxa iyo guulaha ay ka soo hoyeen tarbiyada caruurtooda.
hadaba qorshooyinka walidku doonayo in uu raaco si uu u hagaajiyo tarbiyada ilmaha waxaa ay leedahay mabaad`I dhawr ah waxaana ku soo qaadan doonaa qormada soo socota haduu Allaah inoo idmo
lasoc qormada soo socota



































