GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Suldaan Sh Aadan Macalin Sugoow oo maanta kulan qado sharaf ah u sameeyay waxgaradka Beesha Shiiqaal

Suldaan Sh Aadan Macalin Sugoow oo maanta kulan qado sharaf ah u sameeyay waxgaradka Beesha Shiiqaal

Suldaan Sh Aadan Macalin Sugoow Suldaanka guud ee beesha shiikhaal oo maanta kulan qado sharaf ah u sameeyay waxgaradka iyo guud ahaan jaaliyada beesha shiikhaal ee magaalada Nairobi         (Daawo sawarada Xaflada

)
 
kulan qado sharaf ah uu sameeyay suldaanka guud ee beesha shiikhaal suldaan sheekh Aadan macalin sugoow ayaa maanta xaflad qado sharaf u sameeyay waxgaradka aqoon yahanada siyaasiyinta ganacsatada jaaliyada beesha shiikhaal ee dalka kenya iyo guud ahaan wax garadka beesha shiikhaal ku dhaqan halkaas

 
qadada uu sameeyay suldaanka guud ee beesha shiikhaal suldaan sheekh aadan macalin sugoow ayaa aheed is barasho kala war qaadasho iyo isku xog waran ay beesha shiikhaal ee ku dhaqan dalka kenya iyo suldaanka guud ee   beesha   ay yeelaniyeen taaso looga arin saniyay sidii beesha shiikhaal ay wax ula qabasan laheed beelaha kale soomaaliyed sida deeganka siyaasada hormarka iyo tacliinta  

ugu horeen kulanka qadada ayaa lagu daah furay ayadaha quraanka karimlka iyo saliga nabigeena maxamed NN KH oo uu goobta ka aqriyay sheekh axmed shiikh cabdi shiikhaal oo uu dhaley shiikh cabdi shiikhaal oo ah shiikh caalim ah oo dhashey beesha shiikhaal  

intaas ka dib waxaa  xaflada   lagu furey darsi diini ah oo la isgu dar daarmayay ala ka bacsiga iyo sidii ay dadka walaalaha ah looga baahan yahay in ay isku kaal meeyan taaso qashuuc iyo ala ka cabsiba ku beertey xubnihii ka qeeb qadaniyay qada sharaftaas darsigaasi diiniga ah waxaa soo jeediyay Sh axmed maxamed xuseen oo ka mid ah culuma udiinka beesha shiikhaal ee ku dhaqan dalka Kenya 

   

 intaas ka dib waxaa makaroofanka lagu soo dhoweeyay Axmad  Sheekh Aadan dheere [shuqu]l oo ahaa guddoomiyaha gudiga qaban qaabada xafalada ahna guddoomiyaha gudiga isku xirka danaha iyo siyaasada beesha shiikhaal, isgoo ka warbixiyay sida qiimaha leh ee ay beeshu ugu soo dhoweysay dalka kenya suldaanka guud ee beesha shiikhaaled suldaan Sheekh Aadan Macalin Sugoow  

isgoo sheegay “tan iyo maalintii uu yimid suldaanka magalada nairobi wax uu waday kulumo iyo wada tashiyo looga arinsaniyo sidii beesha ay aayaheeda uga tashan laheed isagoo sidoo kale kulamada sulaanka ku sheegay kuwo muhiim u ahaa aadna ay ugu faraxsanyihiin dadaalka wanagsan ee uu suldaanka wado hiil iyo hoobana ay la garab taaganyihiin”  ayuu  yiri  Shuqul Sheekh Aadan  dheere   

  sidoo kale waxaa isgana goobta ka hadley Cilmi Xaaji Xasan oo ku magac dheer Cilmi shiikhaal oo ku hadley codka ganacsatada beesha shiikhaal ee dagan dalka kenya ayaa wax uu sheegay in ay si weyn ugu faraxsanyihiin aadna ay usoo dhoweenayaan suldaanka guud ee beesha shiikhaaled suldaan Sheekh Aadan Macalin Sugoow, isagoo sheegay in uu siweyn ugu faraxsan yihiin hadeey yihiin jaaliyada iyo waxgaradka beesha shiikhaaled ee ku dhaqan dalka kenya in ay suldaanka guud ee basha shiikhaaled in ay soo dhoweeyan kenya

 waxaa isagana goobtaasi ka hadley Cabdirashiid Axmed Cusmaan oo ku hadley codka odayaasha beesha shiikhaaleed ee wadanka kenya isgoo si weyn usoo dhoweyay booqashada suldaanka beesha shiikhaaled ee wadan kanya uu ku yimid suldaank ka guud ee beesha suldaan Sheekh Aadan Macalin Sugoow isgoo sheegay in ay tahay marki ugu horeysay ee beesha shiikhaal goob qura ay isugu timaado taasina uu suurta gashey suldaanka guud ee beesha shiikhaaled suldaan Sheekh Aadan Macalin Sugoow  

dadki goobta ka hadaley waxaa isgana ka mid ahaa ENG Yuuusuf Cariiri oo ka mid ahaa aqoonyahanka iyo waxgaradka beesha shiikhaal ee ku dhaqan dalka kenya isgoo sheegay in si weyn uu usoo dhoweynayo suldaanka guud ee beesha shiiikhaal ee booqashada ku yimid dalka kenya aqoon fiican uu uleeyahay waxaanu ku sheegay in yahay nin halyeey ah oo beesha qiimo weyn u leh beeshana kula dar daarmey in la garab istaago suldaanka guud ee beesha shiikhaal suldaan Sheekh Aadan Macalin Sugoow. 

sidoo kale Eng Yuusuf Ciriiri ayaa balan qaadey in ay taageerayaan dadaalka iyo hormarka uu wado suldaanka guud ee beesha shiikhaal suldaan Sheekh Aadan Macalin Sugoow.

sidoo kale waxaa isagana goobta ka hadlay Ibraahim Maxamed Xuseen jeekay, oo isagana kaid ah aqoonyahanada beesha shiikhaal  isagoo sheegay in ay farxad galineyso kulankaan ay beesha shiikhaaleed isugu timid uuna aad ugu farax sanayahay

waxaa  isagana  xaflada qadka telfoonka kaga qeeyb galay   xafladaas   Maxamed  Cabdi  Maxamuud  Cade  oo looyaqaan  Afweeyne  oo  katirsan  siyaasiyinta   uguwaaweyn ee beesha  shiikhaal mudane  Afweyne  ayaa  kulanka  uga   qeeb qaatey  qadka   telfoonka  isagoo  jooga   dalka Ingiriska    gaar  ahaan magalada  London  isagoo   qudbad   dareen  gilisay  dadkii xaflada  qada sharafta ka soo qeeyb galay  uga  soo jeediyay   qadka  telfoonka   ku abuurtay  qiiro.    

sidoo kale  dadki meesha ka hadalay  waxaa isagana ka mid ahaa   Nuur Maxamed Xasan Nuur Dheere ama duwo riigo isagoo goobtaasi ka sheegay in ushi uu u hayay beesha shiikhaaled Jen   Maxamed  Ibraahim Liiq liiqato ay u dhibeen suldaanka guud ee beesha shiikhaaled suldaan Sheekh Aadan Macalin Sugoow ayna aad ugu qanacsanyihiin   hogaaminta wanagasan ee uu suldaanka guud ee beesha uu ku hogaaminayo beesha shiikhaal

sidoo  kale  waxaa  meesha   ka hadashey Faadumo  Cabdulaahi Kareeto  oo  ku hadashey  codka   gabadhaha beesha shiikhaal   ee kudhaqan  dalka Kenya waxaayna  sheegtay in ay soo dhoweyneyso  doorka iyo  halganka cusub ee uu wado suldaanka  guud  ee beesha shiikhaal  suldaan Sheekh Aadan Macalin Sugoow     

Faadumo Kareeto oo ah gabdh magaca iyo  miisaan  ku dhax leh beesha ayaa  si weeyn uga dhax muuqatey goobta  xaflada iyadoo  buraanbur dheer halkaasi ku tirisay 

sidoo kale siyaasiyiinti goobtaasi ka hadashey waxaa ka mid ahaa xilidhibaan Maxamed Nadiif oo ku hadlay magaca siyaasiyinta beesha isagoo wax badan ka hadalay taariikhda beesha iyo xaalada ka jirta deeganada beesha shiikhaal dagto ee soomaaliya iyo kan xilidhibaan ahaan wax ay ka qabteen waxuuna sheegay in ay madaxweynaha sheekh shariif ugudbiyeen codsi uu sadax dagmo oo ah degaanada beesha ee faca weeyn kuwaas oo kala ah Turdho Xaramka iyo Hoosingu isagoo sheegay in ay rajo aad wanagsan ka qabaan in qorshahaasi dhowaan uu hir galo waxaanu ku booriyay in ay beeshu ay gacmaha is qabsto oo ay noqdaan dad danhooda u adeega nabadana kashaqeeya.


sidoo kale waxaa isagana goobta ka hadalay guddoomiyaha jaaliyada beesha shiikhaal ee wadanka kenya mudane Cali Maxamed Xaaji laameer oo ka hadalay soo dhoweynta suldaanka guud ee beesha shiikhaal iyo sida ay ka jaaliyad ahaan  ugu farax san yihiin booqashada suldaanka guud ee baasha shiikhaal suldaan Sheekh Aadan Macalin Sugoow  

waxaanu ku tilmaamay booqashada suldaanka guud ee beesha shiikhaaleed mid taariikhi ah oo taarikhada  baal  dahab  ah  ka gashey jaliyadana ay siweeyn ay u taagersantahay hoowsha baaxada leh ee uu wado suldaanka guud ee beesha shiikhaal suldaan Sheekh Aadan Macalin Sugoow  


intaas ka dib guddoomiyaha jaaliyada beesha shiikhaal ee dalka kenya ayaa xaflada dhaxdeeda wax uu ku wareejiyay xilki guddoomiyaha jaaliyada beesha shiikhaaleed ee wadanka kenya isagoo ku wareejiyay mudane Cabdulqaadir Cabdi Cali oo kamid ah xubnaha jaaliyada Kenya ku dhaqan  ee beesha shiikhaal
 
ugu danbeeynti waxaa makaroofanka lagu soo dhoweeyay suldaanka guud ee beesha shiikhaal suldaan Sheekh Aadan Macalin Sugoow  oo qada sharaftaas u sameeyay waxgaradka iyo ganacsatada aqoon yahanada siyaasiyiinta iyo jaaliyada beesha shiikhaal ee ku dhaqan dalka Kenya

isgoo suldaanku ku dheeraadey qudbad dhinacyo badan taabaneeysay isagoo ka warbixiyay socdaalo uu ku soo kala baxshey wadamada Saudi, Yemen iyo Ethiopia gobolada Mudug iyo Galgaduud magala madaxda Somalia ee Mogadishu iyo iminka oo uu booqasho ku joogo caasimada wadanka kenya ee Nairobi  


suldaanka guud ee beesha shiikhaal suldaan Sheekh Aadan Macalin Sugoow  ayaa si weeyn uga faalooday taariikhdii iyo marxaladihii ay beesha shiikhaal soo martey isagoo si weyn uga waramey in beesha ay aheeyd beelaha sida weyn soomaalida dhaxdeeda uga muuqata beeshana ay  tahay  beel diinta islaamka faafinteeda caan ku ah, isagoo sidoo kale sheegay in intabadan culumada dalka soomaaliya ay wax soo bareen culuma’udiin katirsan beesha shiikhaal wax lagu farxana ay tahay in beeshu ay caan ku noqto faafinta iyo fidinta diinta islaamka door wanagsan ay ka soo qadatey hadana ay ka qaadan doonto

 
intaas kadib suldaanka guud ee beesha shiikhaal wax uu ka waramey xaaladaha ay ku suganyihiin daganada ay dagto beesha shiikhaal sida bartamaha iyo konfurta soomaaliya isagoo siweeyn uga warbixiyay gobolka Mudug oo ku yaala bartamaha soomaaliya halkaas oo ay beesha shiikhaal ku leedahay deegaan aad u balaran loona baahan yahay in ay beesha isku xilqaanto wax u qabashada dadka beesha ah ee daganadaasi ku nool isagoo si aad ah uga waramey in daganadaasi ay ka jirto waxbarasho la’aan iyo hormar la’aan dadki daganadaasi daganaa ee dibada galey ee wax soo barteyna aysan dib ugu soo laaban dadki iyo dalki ay ka tageen.


waxuuna ka codsadey suldaanka guud ee beesha shiikhaal, jaaliyadaha shiikhaal ee ku dhaqan dunida dacaldeeda in ay u gurmadaan dadkooda si ay beelaha kale ay la dagan yihiin wax ula qeebsadaan sidoo kale wax uu suldaanka guud ee beesha shiikhaal uu daboolka ka qaadey in loobaahanyahay in marwaliba deeganada mudug loobaahanyahay in loohelo gurmad dag dag ah si marwaliba xaalad kasta oo deeganadaasi ku soo kororta looga samata bixiyo dadka beesha ee halkaas ku dhaqan  

suldaanka guud ee beesha shiikhaal  sheekh suldaan Sheekh Aadan Macalin Sugoow wuxuu  sidoo kale ka cod sadey in deeganada Mudug ee beesha shiikhaal ay dagto laga hirgalsho maxkamad islaami ah si beesha dhaxdeeda ay ugu nabad  gasho colaadaha dhaxdeeda ah cududoodana ay u midoowdo

 
sidookale wax uu suldaanka guud ee beesha shiikhaal uu ka hadley hormarka ay beesha sameysay afartii sano ee u danbeysay  gaar  ahaan  caasimada soomaaliya  isagoo sheegay in dagamada kaxshiikhaal ay beeshu deegameeyn iyo dib udhisid balaaran  kasameeyeen, dad wax garad iyo ganacsato aqoon yahano beesha ayaa halkaas ka hir galsheen  deegan balaaran  oo ay  beeshu ku yeeltay caasimada soomaaliya  ee muqdisho madaama  aynu ka midnahay beelaha daga caasimada  “aad baan   ugu faraxsanyahay waxaana ugu baaqayaa in lagu daydo ragaas hormarka wanagsan wado  ee  deeganada  beesha ay dagto lagu balaariniyo “ ayuu yiri suldaanku.


sidoo kale suldaanka guud ee beesha shiikhaal ayaa ka hadley deeganada jubooyinka isagoo sheegay in 3dii sano ee u danbeeysay ay ahaayeen kuwo nabdoon marka loo fiirsho sanooyin badan oo dagaalo iyo colaad aan dhamaad laheeyn isagoo ugu baaaqay waxgaradka iyo ganacsatada beesha in ay ay maal galshaan deeganada beesha ee jubooyinka si dadka ay u noqdaan kuw dhulkooda hormar ku gaara

sidoo kale suldaanka guud ee beesha shiikhaal suldaan Sheekh Aadan Macalin Sugoow  ayaa beesha usheegay in ay ka shaqeenayaan midnimada iyo hormarka beesha cid kasta oo hormarka iyo wanaaga beesha  shiikhaal ka shaqeeneysana uu diyaar u yahay in ay la shaqeeyaan cidana usan colaad gaar ah u qabin


suldaanku wuxuu sheegay inuu guud ahaan  jacelyahay hormarka guud ee beesha waxa uu u taaganahayna ay tahay sidii beeshu ay u noqon laheeyd beel hormar balaaran gaarta isagoo suldaanku raaciyay inuu aad ugu faraxsanyahay sida weyn eee magalada Nairobi loogu soo dhoweeyay.

 guud ahaan kulankii qado sharafta ahaa ee uu sameeyay suldaanka guud ee beesha shiikaal suldaan Sheekh Aadan Macalin Sugoow oo ka dhacay hoteelka weyn ee Towiiq ee magalada Nairobi ayaa ku soo gaba gaboobey jawi farxadeed iyo sidii loogu talagaley

 "Ahmad Adam" This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   Nairobi Kenya

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash