GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Madaafiic culus oo ku dhacay Muqdisho.

Madaafiic culus oo ku dhacay Muqdisho.

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay 7 kalena way ku dhaawacantay duqeyn culus oo maanta ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka gobalka Benaadir.  

Qaar ka tirsan degmooyinka Muqdisho waxaa maanta ka dhacay duqayn culus oo sababtay dhimashada 2 qof iyo dhaawaca 7 qof oo kale.
 
Degmooyinka ay duqeymuhu ka dhaceen  waxaa ka mid ah degmada Yaaqshiid , Wardhiigleey , Shibis iyo  Boondheere oo ah halka ay ka dhaceen dhimashada iyo dhaawaca ugu daran.
 
2-da qof ee dhintay iyo 7-da dhaawacantay ayaa dhamaantood ah dad rayid ah oo ay madaafiicdu guryahooda ugu tageen,waxaana dadka dhaawacmay gurmad u fidiyay howl wadeennada ambalaasyada magaalada Muqdisho kuwaasoo u daad gureeyay goobaha caafimaadka.
 
Duqeyntan maanta ka dhacay magaalada muqdisho  ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii ugu danbeeyay ay daganayd magaalada muqdisho,waxaana sidoo kale ay ku soo aadaysaa xili ay mudooyinkii ugu danbeeyay dhinaca ciidamada Dowlada KMG laga dareemayaya tabaabusho aad u balaaran. 

Mahad ali

Muqdisho Somalia 

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash