Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka dalka Lubnaan Ghazi Aridi ayaa maanta saxaafadda u xaqiijiyay in la helay diyaaradii laga lahaa dalkaasi Itobia ee ku dhacaday dabaryaaqadii bishii aynu soo dhaafnay badda Lubnaan, waxaana uu sheegay in ay dhinteen dhamaan sagaashankii ruux ee saarnaa diyaaradaasi.
Boeing 737-800 oo aheyd diyaarada dhacday ayaa laga helay 45-mitir badda hoosteeda, sida uu xaqiijiyay Ghazi Aridi, waxaana iminka socda soo saarida diyaaradan.
Diyaaradan ayaa ka baxda marki uu shilku ku dhacayay magaalada Bairut iyadoona kusii jeeday caasimada dalka Itobia ee Addis Abeba.
25-kii Janaayo ayay aheyd markii ay diyaaradani bada ku dhacday daqiiqado kadib markii markii ay duushay.
Markab dagaal oo Mareykanku leeyahay ayaa taariikhdu markey aheyd 27-Janaayo soo sahmiyay halka laga yaabo in ay diyaaradu ku dhacday, waana halka laga helay iminka.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|




BBC 07:00 GMT 







