GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Guriceel: Gen. Galaal Khibradiisa Milateri ku biiriyay Ururka Ahlu Sunna. DHAGEYSO

Guriceel: Gen. Galaal Khibradiisa Milateri ku biiriyay Ururka Ahlu Sunna. DHAGEYSO

Guriceel(Geesguud)- Wararka laga helayo degmada Guriceel oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu gaaray shalay Gen. Maxamed Nuur Galaal iyo xubno ka tirsan Ururka Ahlu Sunna Wal-Jameeca, waxaana ay bilaabeen in ay kulamo la qaataan waxgaradka iyo saraakiisha ciidamada Ahlu Sunna.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in ujeedada Gen. Galaal ee Gobolada Dhexe in ay tahay sidii uu khibradiisa Milateri ugu biiran lahaa Ururka Ahlu Sunna oo dagaal xoogan kula jira Xarakada Al-Shabaab.

Ilaa iyo hadana ma jirto war cad oo si rasmi ah labada dhinac ku caddeynayaan arintaasi hase ahaatee Saxaafadda looga warbixin doono maalmaha soo socda kulamada iyo ujeedada Gen. Galaal uu ku joogo Gobolada Dhexe.

Ahlu Suna ayaa la rumeysan yahay in ay marar baan qaaday dagaalo aysan guulo badan ka gaarin, kuwaas oo ay lagashay xarakada Al- Shabaab. 
Geesguud.com

 

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash