Muqdisho(Geesguud)- Maliishiyo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa weeraray xalay Sarkaal ka tirsan ururka Xisbul Islaam, kaasoo dhawaan ka horyimid heshiiskii magaalada Baydhabo ka dhacay.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Barre Cali Barre oo taliye u ah maliishiyada Raaskambooni ee uu hoggaamiyo Xasan Turki, iyadoo weerarkii xalay lagu qaaday aysan cidna wax ku noqon.
Barre Cali Barre ayaa sheegay in ay doonayeen maliishiyada weerarka ku soo qaatay in ay qaarijiyaan hase ahaatee ku guul dareysteen qorshahooda, isagoo ku tilmaamay kuwii weerarka ku soo qaaday kuwo ka soo horjeeda Diinta Islaamka.
Kooxaha mucaaradsan Dowladda KMG ayaa mudooyinkan u muuqday kawo ku yimid kala qeybsanaan, iyadoo laga cabsi qabo in uu dhex maro gacan ka hadal.
Mahad Ali Xafiiska Wararka Muqdisho Geesguud.com
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|




BBC 07:00 GMT 







