GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Dowlada Obama oo ugu baaqay m/weynaha Sudan in uu isa soo dhiibo

Dowlada Obama oo ugu baaqay m/weynaha Sudan in uu isa soo dhiibo

Maamulka madaxweyne Obama ee dalka Mareykanka ayaa ka codsaday hogaamiyaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir in uu isu soo dhiibo maxkamada dambiyada dagaalka aduunka ee fadhigeedu yahay dalka Holland .

Codsigaasi ayaa soo baxaya saacado yar ka dib markii xeer ilaaliyasha maxkamada ogalaadeen soo jeedino eedeymo cusub oo ka dhan ah Al-bashiir oo ku aadan falal gumaad iyo xasuuq ka dhacay gobolka Darfor ee galbedka Suudan .

Arintaani waxa kale oo ku soo beegmeysay xiili Xukuumada Suudan ku eedeysay Maxkamada in ay ka shaqeyneyso in ay wiiqdo hanaanka doorashada madaxtinimo ee dhawaan ka dhaceysa dalkaasi Suudaan , iyadoo marmarsiyo loogu soo marayo in la xero madaxweyne Albasheer.  

"Mr.Al-basheer waa in uu isu soo dhiibaa maxkakamada si dacwadaha loo soo jeediyay loogu qaaado", sidaa waxaa saxaafada u sheegay kaaliyaha xog hayaha arimaha dibada Mareykanka ee arimaha africa .

Madaxweyne Al-bashiir oo xilka dalkasi afgambi ku qabsaday in muddo ahna xukumayay ayaa haatan waxaa uu ka mid yahay murashaxiinta u taagan xilka madaxtinimo taasi oo qeyb ka ah doorashada dhawaan dhaceysa.

Marka loo eego sahrci ahaan dowlada Suudan kama mid ah dalalka saxiixay dhismaha maxkamada , iyadoo dowlada Mareykanka ee ka shaqeyneysa in Albasher la soo taago qudheeda saxiixin hishiiskii lagu yigleelay This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash