GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Warfi ka socda Qaramada Midoobe iyo Dowlada Norwey oo Muqdisho gaaray iyo kulan ay la ye DAWO SAWIRO

Warfi ka socda Qaramada Midoobe iyo Dowlada Norwey oo Muqdisho gaaray iyo kulan ay la ye DAWO SAWIRO

Muqdisho(Geesguud.com)Wafdi ka socday Qaramada Midoobe iyo Dowlada Norwey ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho iyadoo kulan saacada qaatay ay la yeesheen Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed. 

Wafdigaan ayaa waxa uu ka koobnaa 11-Xubnood, waxayna kala ahaayeen Ku xigeenka wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Charles Petri, Mss. Rena oo ka mid ah Howl wadeennada Safaaradda Norway ay ku leedahay Kenya Qeybteeda qaabilsan arrimaha Soomaaliya, waxaana wafdigaan la socday Safiirka Soomaaliya u jooga Kenya Maxamed Cali Ameeriko iyo Xubno kale.
Xubnaha wafdigaan ayaa ugu horayntii kulamo la qaatay Ra’iisul wasaare Cumar cabdirashiid Cali Sharma’arke, waxayna ka wada hadleen arrimo faro badan oo ku saabsan xaaladda Nabad gelyada iyo arrimo kale oo ku saabsan Soomaaliya.
Wafidiga ayaa sidoo kale Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Kula kulmay  Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh  Axmed, waxayna ka  hadleen arrimo ku aaddan Xoojinta Xiriirka Dowladda kala dhexeeya Beesha Caalamka iyo arrimo kale oo ay ka mid tahay Nabaddda Soomaaliya.
C/raxmaan Cabdi Shakuur warsame Wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda  KMG ah ee  Soomaaliya ayaa saxaafadda u  sheegay inay  la kulmeen Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha islamarkaasna ay ka wada hadleen arrimo faro badan oo ku saabsan Xaaladda dalka, Xiriirka Iskaashi ee Dowladda la leedahay Beesha Caalamka iyo Sidii loo dardar gelin lahaa Howlaha Balanqaadyadii loo sameeyay Dowladda Soomaaliya. 
Ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Charles Petri oo Kulankii ay madaxweynaha ay la qaateen kadib la hadlayay Radiyaha Dowladda ayaa sheegay inay isla garteen Madaxda Dowladda Sidii wax looga qaban lahaa Xaaladdaha Nabadgelyada, Dhismaha iyo in Mudnaanta la siiyo xarumaha caafimaadka sida Isbitaallada.
Waxa uuna Mr.Petri intaasi ku daray inay Booqashadaani qeyb ka tahay dadaallada ay Beesha Caalamku ku dooneyso inay Kulammo kala duwan kula yeelato Magaalada Muqdisho Madaxda ugu sarreysa Dowladda Soomaaliya.

 

“Beesha Caalamka Muddo hal sano ah kadib waxay ku kalsoontahay Xaaladda Deganaanshaha Magaalada Muqdisho islamarkaasna ay Diyaar u yihiin Taageeridda Dowladda Soomaaliya si loo badbaadiyo Soomaalida” ayuu  Charles Petri Ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

 

Mid ka mid ah Howlwadeenada Safaaradda Norway ee Dalka Kenya qeybteeda Qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mss.Rena  ayaa  iyana sheegtay in ay maanta tahay markii ugu horreysay oo ay timaado Magaalada Muqdisho iyadoona tilmaantay inay Muhiim u tahay inay Magaalada Muqdisho kulan kula yeelato Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha Soomaaliya.

Mahad ali”.
Xafiiska Geesguud.Com
Muqdisho_Somalia

b888.JPG
q.JPG
b.JPG

b1.JPG
b2.JPG
b3.JPG
b4.JPG
b5.JPG
b7.JPG
b8.JPG
b11.JPG
b32.JPG
b90.JPG

 


Newsflash