Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo dowladda Jabuuti ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in ay qaado talaabooyin adag oo ka dhan ah dowladda
Gaba gabadii shirkii madaxda midowga Africa ugu soo gaba gaboobay Magaalada Addis Ababa ayaa wadamada Jabuuti iyo Soomaaliya waxa ay ugu baaqeen Beesha Caalamka in inkastoo ay jirto cunaqabateyntii dhawaan lagu soo rogay dowlada Eritrea hadana loo baahanyahay talaabo taas ka sii adag oo laga qaado dowladda Eritrea.
Labada dal ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in looga baahanyahay in ay sameyso Urur ku qasba dowladda
Hadalkaani ayaa ka dambeeyay markii hogaamiyaasha Ururka Midowga Africa ay ku eedeeyeen dowladda Eritrea in ay ku mashquulsantahay qasida amniga gobolka Geeska Africa,waxaana wadamada Jabuuti iyo Soomaaliya ay ku booriyeen Beesha Caalamka inay qaado talaabooyin ka adag cunaqabateyntii golaha amaanka ee Qaramada Midoobay bishii December ee sanadkii la soo dhaafay saaray wadanka Eritrea.
| < Prev | Next > |
|---|




BBC 07:00 GMT 







