GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Luul Jaylaani oo Fanka ka Baxday

Luul Jaylaani oo Fanka ka Baxday

Fanaanada caanka ah ee Luul Jeylaani Cali oo ka mid ah fanaaniinta soomaaliyeed ee taariikhda ku leh bahweynta Fanka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay joojisay oo ay ka baxday fanka, ka dib markii ay go’aansatay in ay mihnadaasi isaga baxdo.

Luul Jeylaani Cali waxa ay sheegtay  in  ay si niyad ah oo daacad ah ay u joojisay fankeeda, illaahey hortiina  ay balanqaadeyso  in aysan mar kale  dib ugu noqon doonin  fanka, iyada oo illaahey ka codsatay in  uu ka cafiyo dhamaan qaladaadkii ka dhacay  intii ay fanka ku jirtay maadaama  aadanaha oo dhan  ay gafaan illaaheyna uu jecel yahay qofka u soo noqdo oo u towbad keeno.

Fanaanada Luul jeylaani Cali oo Wariye C/raxmaan Xudeyfi qadka telfoonka ku wareystay ayaa waxa ay ka codsatay dhamaan Umada Soomaaliyeed, Idaacadaha, iyo Telfeshinada in ay iska joojiyaan  sii deynta  ama baahinta  heesaheeda, maadaama  ay fanka ka baxday, waxa ayna   ku celcelisay   in qof kasta uu ka aqbalo codsigeeda  ayna iska daayaan dhageysiga ama daawashada heesaheeda maadaama  ay san ogoleyn.

Luul Jeylaani waxa ay soo jeedisay in qof kasta  uu iska cafiyo iyadana  ay cafisay , waxa ay umada Soomaaliyeed ka codsatay in dalkeena loo duceeyo maadaama  mudo dheer colaado aan dhamaad laheyn ay ka socdaan, iyada oo  ku tilmaamtay waxa socdo in ay yihiin imtixaan  tan kaliya ee looga bixi karana  ay tahay in illaahey loo noqdo.

Ka bixitaanka Fanka ee Fanaanada weyn Luul jeylaani Cali  ayaa waxa ay tahay mid ay go’aansatay , waxaana  qof kasta looga baahan yahay  in uu aqbalo codsigeeda, gaar ahaan idaacadaha iyo telefeshinada iyo website-yada  , sidaasi daraadeed waxaanu leenahay Luul ilaahey niyadaada hakuu yeelo .

C/raxmaan Xudeyfi/ This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Email: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash