Mudanayaal ka tirsan Barlamanka KMG ee Soomaaliya ayaa sheegay in dacwad ka dhan ah dowladda
Kadib kulan ay ku yeesheen Maanta Magaalada Muqdisho in kabadan 40 xildhibaan oo ka tirsan Barlamanka dowladda KMG ayaa waxaa ay ku soo bandhigeen Muushin ay u gudbiyeen gudoonka Barlamanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur Madoobe kaasi oo ku aadan dhibaatooyinka ciidamada Kenya ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed.
Kulanka kadib ayaa saxaafadda halkaasi waxaa kula hadlay xildhibaan Cali Cumar Geedi oo ka mid ahaa xildhibaanadii ka qeyb galay kulankaasi waxaana uu sheegay in dowladda Kenya ay jansi Faquuq ku heyso dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalooyinka Nairobi iyo Mambasa ee dalka Kenya isagoona halkaasi ku aqriyay 8 qodob oo ku aadan muushinka ay u gudbiyeen gudoonka Barlamanka isagoona tilmaamay in muushinkani laga doodi doono fadhiga ugu horeeya ee uu yeesho Barlamanka KMG ee Soomaaliya.
Qodobada ay soo saareen Mudanayaasha Barlamanka oo ka kooban ilaa 8 qodob ayaa waxa ay yihiin sida hoos ku qoran.
1-In la weydiisto dowladda
2-in deg deg looga raro Kenya Hay’adaha UN-ka iyo kuwa kaloo caalamiga ah oo ku shaqada leh Soomaaliya,iyadoo gabi ahaanba loo rarayo Dalka Djibouti ilaa uu dalka ka gaarayo deganaansho,dowlada Soomaaliyeed wax wada shaqeyn ah lama yeelan doonto hay’adii u hogaansami weysaa go’aankan.
3-in codsi rasmi ah loo diro hay’adaha xaquuqul insaanka in ay baaritaan ku sameeyeen, si gaar ahna ula socdaan xadgudbyada ay dowladda
4-in la weydiiyo xukuumadda Soomaaliyeed sababta ay ugu bixin weyday jawaab u dhiganta Ihaanooyinka iyo xadgudbadyada ay Kenyanku u geystaan Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed.
5-in la mamnuuco soo dajinta Sunta Cagqaaran (Qaadka) oo ay
6-in la Mamnuuco in aan dalka Kenya looga qaban Karin Soomaalida Shirar,Siminaar iyo kulan kasta oo ay Soomaalidu qeyb ka tahay iyadoo loo wareejinayo arimahaasi oo dhan dalalka Jabuuti, Udangan iyo Ethiopia.
7-in lagula taliyo Soomaalida ay hantida faraha badan ka taalo Kenya in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga wareejistaan dhaqaalahooda Meelo kale sida Uganda,Ethiopia, Jabuuti iyo dalal kale.
8-in qof kasta oo ka tirsan TFG darajaduu doono ha ahaadee uu deg deg u soo galo dalka Soomaaliya si uu uga bad baado dhibaatooyinka ay dowladda
Sidoo kale xildhibaanadii maanta ku kulamy Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay dhaleeceyn u soo jeediyeen qaar ka mid ah Masuuliyiinta dowladda
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|




BBC 07:00 GMT 







