GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka DAB XOOGAN OO GOOR DHAW KA KACAY SUUQA WEYN EE BAKAARO MUQDISHO

DAB XOOGAN OO GOOR DHAW KA KACAY SUUQA WEYN EE BAKAARO MUQDISHO

Dab xoogan ayaa goordhow waxa uu kacay gudaha Suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ee Suuqa Bakaraaha.

 

Dabkan oo aan ilaa iyo hada si dhab ah loo ogeyn waxa dhaliyay ayaa mar qura waxa uu ka dhcay suuqa Bakaaraha gaar ahaan Suuqa Shidaalka lagu iibiyo.

 

Dabka ayaa waxa uu yahay mid si xowli ah haatan u soconaya waxaana uu haatan ku sii faafayaa qeybo badan oo katirsan Suuqa.

 

Boqolaal dadweye ah ayaa waxa ay dadaal xoogan ugu jiraan sidii ay u damin lahaayeen dabkaasi..

 

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in dabkan goordhow ka kacay qeybta lagu iibiyo Shidaalka uu sababay Madfac ku soo dhacay gudaha Suuqa.

 

Wixii warar ah ee ku soo kordhaa kala soco Geesguud.com hadii uu Ilaah inoo Saamaxo.

 


Newsflash