Madaxweynaha Ugandha Yoweri Museveni ayaa shaaca ka qaaday in xiligii xisbigiisa NRM uu soo celiyay boqortooyinkii Uganda, ay taasi macnaheeda ahayd sidii loo horumarin lahaa luuqadaha afrikanka ay ku hadlaan iyo dhaqankooda.
Hadalkan waxa uu ka sheegay Museveni aqalka state House Entebbe xili uu qado u sameeyay boqoro afrikaan ah oo soo booqday Ugandha. Boqoradaasi afrikaan ka ah waxa ay wadanka la yimaadeen qaab soo jiidasho leh.
War qoraal ah oo laga soo saaray State Houseka ugandha ayaa waxaa uu Museveni yiri “ in aan soo celino boqorada afrikaanka ah waxa nagu qasbay inaga oo aragnay in luuqadaha afrikaanka ah ay ballaaran yihiin oo ay ka qanisanyihiin kuwa shisheeye” waxaa kaloo uu ku booqriyay hogaamiyayaasha afrikaanka ah in ay sare u qaadaan laaqadaha iyo dhaqanka afrikaanka.
Museveni waxa ku sii daray intaasi in loo baahanyahay in boqorada iyo hogaamiyayaasha afrkaanka ah ay ka garab taagnaadaan hanaanka siyaasada ee casriga ah . waxa uu sheegay in dalwadiisu aysan qaban Karin wax walbaa oo uu dhaqanku qabto waayo waxa uu leeyahay waaxaha dawlada ma buuxin karaan muga dhaqanka uu galo.
Madaxweyne Museveni waxa uu sidoo kale ka digay in hogaamiyayaasha dhaqanka aysan faraha la soo gelin siyaasada waayo waxa uu tilmaamay in ay keeni karto kala go’.
Hooyada boqorada Tooro,oo loo yaqaano Best Kemigisa, ayaa u mahadnoqday madaxweynaha soo dhawayntiisa wanaagsan “Waxana ay tiri anagu ma nihin siyaasiyiin,” waxay tiri waan jeclaystay xukunkaaga suuban”.
Waftiga boqorada ah waxaa hogaaminayay Tchiffi Zif Jean Gervais oo ka socday wadanka Ivory Coast waxana uu sheegay in inkabadan 800 oo hogaamiyayaal dhaqan oo dhawaan ku shiray wadanka Libya bishii September 1deedii ay la meeldhigeen in ay garab istaagaan hogagaamiyayaasha siyaasada si sare loogu qaado nabada.
Ugu dambeyntii waftiga waxa ay qabteen xaflad duco ah oo ay alle uga mahadnaqayeen soo celin boqorada afrika.
Xigasho--Tabiye
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it







