GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Wararka Dowladaha Igad oo DKMG ah iyo Kooxda Ahlusunna ugu baaqay in ay u midoobaan la Dagaalanka Islaamiy

Dowladaha Igad oo DKMG ah iyo Kooxda Ahlusunna ugu baaqay in ay u midoobaan la Dagaalanka Islaamiy

Warmurtiyeedkii ka soo baxay kulankii Magaalada Addisababa ay ku yeesheen Wasiirada Arrimaha dibedda ee Urur goboleedka IGAD ayaa waxaa loogu baaqay DKMG  ah ee Soomaaliya iyo Kooxda Ahlusunna in ay Mowqifkooda mideeyaan una midoobaan sidii ay horumar uga gaari lahaayeen la Dagallanka Kooxo loogu yeeray Xagjiriin oo Urur Goboleedka Igad uu sheegay in ay waajib tahay in laga Sifeeyo Dalka Soomaaliya.

Wasiirada Arrimaha Dibedda ee Urur goboleedka Igad oo uu Shirkoodu Guddoomiynayey Wasiirka Arrimaha Dibedaa Itoobiya Seyoum Musfin ayaa ku Nuuxnuuxsaday in ay ka go'antahay in la taageero Kooxaha Ahlusunna iyo DKMG ah si ay uga adkaadaan Kooxaha Islaamiyiinta Xagjirka ah sida Hadalka loo dhigay, Wasiiradii halkaa ku shiray ayaa sidoo kale B
eesha caalamka waxay ugu baaqeen in ay soo dhameystiraan dhaqaalihii lacageed ee ay horay ugu balan qaadeen si loo dardargeliyo Taageerada DKMG ah iyo Kooxda Ahlusunna ee Dagaalka kula jira Islamiyiinta Soomaaliya.

Dhinaca kale Urur goboleedka IGAD waxaa uu soo dhaweeyay go’aankii dowladda Jabuuti ay ku gaartay in ay ciidamo ugu soo dirto wadanka Soomaaliya iyagoo dowladaha kale ee Africa ka dalbaday in ay soo dhameystiraan ciidamadii ay keeni lahaayeen Soomaaliya.

Dowladda Nigeria oo ka mid aheyd dowladaha lagu tiriyo in ay ciidamo u soo dirayaan Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan haatan qorsheynayn in Ciidamo nabada ilaaliya ay u soo dirto Waddanka Soomaaliya maadaama sida uu sheegay wasiirkeeda arimaha dibadda ay sii xumaatay Xaaladda Soomaaliya oo aysan haatan jirin Nabad la ilaaliyo oo ka jirta Soomaaliya.

Isku soo wadaduub Igad ayaa haatan si weyn u Aqoonsatay Kooxda Ahlusunna oo ay u aqoonsadeen Hay'ad la siman DKMG ah oo masuuliyiinta ugu sareysa ururka mid ka mida waa sheeq adan macalin sugow uu hawlo badan ka wado magaalada neyrobi iyadoo ururka  Bartamaha Somaaliya kula Dagaalanta Xarakada Alshabaab, Arrintas oo DKMG ah ku noqotay mid aan u Cuntameynin.

 


Newsflash