Dhab ahaan uma xasuusto xiligii ay aheyd markii aan bogga waagacusub ka aqriyay
faalo aad ii qancisay oo aan runtii aad ugu riyaaqay cinwaankeeduna ahaa
(Meesha kama tage waxna kama tare ) oo uu qoray Siyaasiga Rug cadaaga ah
C/laahi Sheekh Xasan waxaan faaladaasi ay aheyd Aragtideeyda faaladii
Sanadka.
Runtii sida ka muuqatay faaladaasi waxa ay aheeyd mid caadifada Qabiilka laga
fogeeyay oo uu Qoraaga ku cabirayey marxalada xun ee uu maanta dalka lugaha
lasii galayo iyo sida ay u marin haboowday Madaxweyne Shariif Siyaasadiisa
Gudaha.
Ma filaneeyn in uu jiri karo qof ku dhiiran kara in uu daba dhigto ama wax ka
sheego qalinkaasi qabiilka laga fogeeyay salna looga dhigay cadaalad iyo xaqiiq
waase dhacday wax dhacayna see u dhaceen lama yiraahdo ee see wax looga qabtaa
ayaa la yiraahdaa.
Hadii aan u soo laabto biya dhaca hadalkayga waxaa igu xambaaray qorista
maqaalkan sixida iyo toosinta C/laahi Siyaasi oo ah qoraa wax ka qoray ama
duray faalada C/laahi Sh Xasan waxaase uu aniga qalinkiisa uu igula muuqday
qalin caadifadeed oo qalin leeyda lagula hor kufay.
Xaqiiqdii qoraalka C/laahi Siyaasi waxaan arkay daqiiqadao ka hor inta aan
bilaabin qorista maqaalkan xili aan baar baarayey maqaalaadka Waagacusub
aqrain kadib waxaa isla markiiba qalbigayga soo dhaafay Erayadan ‘Kumanaan ka
wax tarsan baa soo taaganee haynaga tago’
Waxaan qalinka qaatay aniga oo waliba ka yara careysan qalinkii C/laahi
Siyaasi uu daba dhigtay qormadii xalaasha aheyd ee C/laahi Shekh Xasan marka
hadii aan wax qaldo ma qalde waa ALLE waxaase aad ugu dhawaanayaa runta aniga
oo cuskanaya Qodobo dhowr ah.
Qoraa C/laahi Siyaasi waxa uu aad u amaanay madaxweyne Shariif waxaase aan
hadalkiisa kasoo qaadaneeynaa cinwaankiisa oo kaliya oo uu ku yiri yuu oga
tagaa oo ka wax tarsan taas oo sida muuqaneeysa uu qoraagu ka aaminsan yahay
Madaxweynaha wax aynan inagu la qabin oo aan inooga muuqan.
Hadii C/laahiyoow aan adigaba ku su’aalo maxaad ku taageertay Shariifka oo
xaqiiqo ah marka laga soo tago waxyaabaha qiyaaliga ah ee aad cuskatay? Ogoow
waxaad ku sheegtay Shariifka ninka Soomaaliya ugu wax tarsan oo aan loo gali
Karin walaal fadlan dhabta iyo xaqiiqda is bar muxuu wax tar ku yahay oo la
taaban karaa maxaase wax tar u taqaan?
1. · Hilary Clinton Salaamideeda miyaa wax tar ah?
2. · Safari badan oo la galo miyaa wax tar ah?
3. · Labo Shariif oo aan kala harin miyaa wax tar ah?
4. · Wax qabad la’aanta taagan miyaa wax tar ah ?
5. · Guul darada Dowlada miyaa wax tar ah?
6. · Degmooyinki laga qabsaday miyaa wax tar ah?
7. · Sicicir barar iyo silcinta Shacabka miyaa wax tar ah?
8. · Tuugta tababaran ee tutaha xiran miyaa w ax tar ah?
9. · Takhaatiir qarxinteed iyo tacadi miyaa wax tar ah?
10. Taangi Amisom Ku tiirsanoow miyaa wax tar ah ?
Tobankaas walxood iyo kuwo kaloo aan ka tagay wax tar miyaa?
Intaas iyo in ka badan oo aan horey u dhicin ayaa dalkii ka dhacay adna waad og
tahay waxaana kamid ah dalka oo intiisa badan ay la wareegeen mucaaradka qarxintii
Wasiirkii Amniga ee dawlada qarxintii Wasiiradii ka dambeeyay ee Waayeel,Cadoow iyo
Qamar iyo dilalka qorsheeysan oo xadkii ka tilaabay.
Iyadoo intaas oo dhan ay jiraan ayaa hadana waxaa la yiraahdaa meeyd maxaa u
dambeeyay (kii lasii siday) dhawaan waxa ay dawlada taagta daran damacday in ay
sameysato lacag cusub oo ah tii ay dadku ku ku baaran laheeyd kuna jaha wareerin
lahayd.
Iskaba daa Amniga guud ee dalka xitaa Dowlada waxa aysan gacanta ku heynin 16kii
degmo ee Goabolka Banaadir oo kaliya ay ka haystaan Degmooyinka X/weyne X/jajab iyo
Madiino.
Waxaana sadexdaasi Degmo mar walba ka dhaca falal laga argagaxo sida qaraxyo ay
geeystaan mucaaraka iyo boob, dhac iyo bililaqo ay geeystaan kuwa lagu tilmaamo in
ay yihiin Ciidan dawladeed balse dhabtii ah tuugo Sharciyeeysan.
Hadaba hadii ay sidaas tahay oo Madaxweyne Shariif aanu waxba gacanta ku hayn gar ma
u leeyahay in uu yiraahdo waxaan soo sameeynayaa lacag isku dhegan sida 10 kun iyo
20 taasi soow noqon mayso waan socon weynaye aan orodno.
Dhawaqa kasoo yeeray xukuumada waxa uu mar qaati u yahay sida dowladan aysan wax dan
ah uga laheeyn diifta iyo dacdarada ka muuqata shacabka Soomaaliyeed teeda kale
arinta waxa ay noqoneysaa Warkii hore war soo dhaaf waayeel qolof leh baa yimid.
Waana gar in la yiraahdo Meesha kama tage waxna kama tare’ hadii C/laahi Siyaasi iyo
kuwo lamid ah ay isa soo mutaxaana la yiraahdo kumanaan ka wax tarsan baa soo
taaganee haynaga tago waxba tari maayee haynaga tago
Waxaa sameeynta lacagahan walaac ka muujiyay dad tira badan oo dhib soo kordhay u
arkay waxaan dadkaasi xitaa kamid ah mahadi haka gaartee Gudoomiyaha Bagiga Dhexe
ee dowlada Md Bashiir Ciise Cali oo cadeeyay in lacagtaasi ay soomaaliya ka dhigi
doonto sida Simbaabwe.
Lacagtan ay sheegtay dowlada ayaan shaki ku jirin in ay tahay mid ay labada Shariif
ku doonayaan in ay ku helaan malaayiin doolar oo deg deg ah cid kastana waa garan
kartaa ujeedada ka dambeeysa arinkan iyo ciriiriga lala damacsan yahay shacabka
Soomaaliyeed.
Kunka shilin ayaa horey loogu waayey Sarif marka laga reebo Puntland oo ay shanta
boql ka socoto Abwaan Maki Xaaji Banaadi oo fikirkiisa ku cabiraya sida uu uga xun
yahay Sarif la’aanta waxa uu yiri beesada kunaa u yar kunaa u weyn.
Dawlada taagta daran ee arinkan damcay waxa igala xun oo igala xaraar golaha
Shacabka matalayey oo ay aheyd in ay arimahan oo kale ka gil gishaan balse markii
la tijaabiyay la ogaaday in wax kasta laga fushan karo hadii ay ahaan laheyd Bad la
gato iyo hadii ay ahaan laheyd hantidii qaranka iyo tan shacabka oo la dhaco.
Dawlada ay ugu sareeyaan labada Shariif waxa ay hubsadeen in golaha sharci dajinta
ay yihiin golaha sacabka oo aysan aheyn golaha shacabka wixii la dooonana laga
fushan karo maadaama ay iyagaba gacan ku gambad yihiin oo muqdishana aan ku haysan
taangi ilaaliya keenyana lagu xir xirayo oo aanan juuqba oran karin.
Waxaa ii muuqanaya in howshan biya dhaceedu uu yahay kasbashada dhaqaalihii la
dhuuqi lahaa kadib marka ay labadoodaba waayaan xilalka ay hayaan waana marqaati ma
doonto in aysan soo noqoneeyn waloow hadaba shaki laga muujinayo in waqtigooda ay
dhameeysan doonaan iyo in kale.
Madaxweyne Shariif iyo saaxiibkiis waxa ay sidoo kale is hilmaan siiyeen in Cali
Mahdi Maxamed ay u socon weysay lacagtii Nda la oran jiray isla markaana uu Cali
dhaafsiin waayey halka uu ka taliyo sideedana lacag waxa lagu socodsiin karaa in
aad heysatid dhul baaxad leh iyo Shacab ku raacsan
Aanu runta ka dhawaajinee hadii oday Cali uu socodsiin waayey Nda uuna ku fashilmay
labada nina ay isku hayb yihiin maxaa lays oran karaa maxayse noqon kartaa
taariikhdooda dambe.
Xaqiiqdii dad badan baa iska ogaa in sidan ay wax u dhacayaan oo dalka uu jaha
wareer galayo halka qaar kalana ay iska indhatirayeen oo ay jadbo haysay markii
talada dalka loo dhiibay kooxdan casmara 1 lamagac baxday oo aan haba yaraatee ku
jirin wax damiir ah.
Hadaba C/laahi Siyaasiyoow waxaa jira intaas iyo in kasii badan hadii aad ogtahay
iyo hadii kalaba waxaanse kugula dar daarmayaa in aadan runta waligaa ka leexan
iskana ilaalisaa wax ku qoridda qaalin caadifadaysan.
waxaan doonayaa in aan u caqli celiyo kuwa had iyo goor caadeeystay in ay soo
boodaan marka wax la dhaliilo waxaana kuwaas ogeeysiinayaa ama aan barayaa in
dhaliishu tahay xisaabtan xisaabtankana uu keeno hogaan toosan waa xaqiiqo in wax
walbaa ay qarib mayaan hadii aan lays dhaliilin.
Ugu dambeeyn Umada Soomaaliyeed caado uma laha in lagu tunto oo sidii la doono laga
yeesho sida umadaha kale dhabtii waxaan Soomaaliya ka hirgaleyn waligeed waxa lagu
tilmaamo boqortooyo oo macnaheedu yahay Gumeeysi kuwa damacaasi uu ku jirana waxaan
leeyahay ha hungoobina oo is qabta.
Wixii aan haleeyay waa hagar daamo sheeydaan wixii aan hagaajiyayna waa hanuun Rabbi
Cali Baashi Xaaji
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it







