NIN AROOSYADA CAAN KA AHAA OO TOOGASHO LAGU DILAY
Nin lagu magacaabo Cumar Adduun oo aroosyada ka dhaca xaafadaha Muqdisho, gaar ahaan degaanka Boondheere caan ka ah ayaa todobaadkii hore la dilay mar uu xaflad aroos ka soo dhigay wacdarro cayaareed.
Ninkan ayaa sida uu inoo soo sh-eegay wariyaheena Xasan Cali Geesey (Al-qeys) waxa dilay kooxo Isbaaroolay ah oo damaacisay inay ka furtaan kistii uu ka soo qaatay arooska.
HAWEENEY 8-SANO UUR LAHEYD OO WAXYAABO MUCJISO LAGA SOO SAARAY
Haweenay lagu magacaabo Faadumo Ismaaciil oo muddo 8-sano ah uur mucjiso ah lahayd lagana keenay Tuulo ka tirsan magaalada Boosaaso ayaa Isbitaalka KMG ee Banaadir loogu sameeyay qaliin. Haweeneydaas oo loo malaynayay in ay uur lahayd muddadaas ayaa meeshii laga filayay in Canug ay dhasho laga keenay Malax dhowr liitar ahayd oo caloosha sidii uur oo kale ay ugu siday.
NIN AY AFDUUBATAY HAWEENEY UU GUUR KA DIIDEY
Nin magaciisa ku soo gabiyay Maxamed oo 37-jir ah oo degan degmada Xamar jajab ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa afduubtay koox dablay ah oo ay soo adeejisay haweeney uu horey u qabay oo ka codsatay inuu dib ugu laabto, balse uu isaguna a diiday. Dablayda ayaa markii la weydiiyey sababta ay u heystaan ninkaa ku sheegay inay ku leeyihiin 3-kun oo doollar, balse mar dambe la ogaaday in xaaskiisii uu furay ay arrinta ka dambeyso, waxaana Isniintii dorraad lagu guulaystay in shuruud la’aan lagu soo daayo. Wariyaheena Yuusuf Maxamuud Warsame(Bidaaye) oo warkan inoo soo gudbiyey ayaa inoo soo sheegay in wiilkaas markii afduubka laga soo daayay uu u baqoolay Magaalada B/weyne ee Gobolka Hiiraan si uu halkaa ugu badbaado.
GABAR DHALINYARO AH OO SIDAY U SEEXATAY SOO TOOSTAY IYADOO INDHO LA’
Gabar dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Faadumo oo degan xaafadda Jungal ee Huriwaa ayaa arbacadii la soo dhaafay mar ay seexatay hurdada ka soo toostay iyadoo indho la’aan ah.
Gabadhan oo la sheegay inay lahayd indho qurux badan ayaa gabar ka mid ah wariyeyaasha wargeyskan Aayaha Nolosha oo ku booqatay guriga ayaa waxay uga warantay sida ay wax u dheceen, waxayna u sheegtay in iyadoo bed qabta ay seexatay, balse ay soo toostay iyadoo indhaha aan waxba ka arkaynin “Waxaan u malaynayay inay indhaha isaga key dhegan yihiin markaasaan maraanmaray, laakiin ha sheegin, riyo ayaan u maleeyay oo mar kale ayaan maraanmarkii ku celiyey, waxaana ii xaqiiqowday oo aan yaqiinsaday in aan indho beelay” ayay tiri Faadumo Cabdi oo intaa ku dartay in dhakhtar indhaha loo geeyay balse uu u sheegay in indhaheeda aanu waxba ka qaban karin oo cillad Rabbaani ah ay tahay, sidaas ayayna ku quusatay gabadha.
Arrimaha noocan oo kale waa cibro qaadasho loo baahan yahay in Bani’aadamku ku cibro qaataan oo towbada & Alle ka cabsiga badiyaan.
ISHA WARARKA GEESGUUD MUQDISHO..
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it







