Geesguud:
Aduunyada maalinba wax uun ayaad maqashaaye maantana bal tan oo kale ma ku soo martey?, Gabar jilaa ah oo u dhalatey Jasiirada Hong Kong oo lagu magacaabi jirey Li Zi ayaa dhawaan daaha ka qaaday inay iska badashay magacaasi Shiineyska ah ee ay laheyd, isla markaana wixii xiligan ka dambeeya loogu yeeri doono Li Jai Er.
Gabadhan ayaa waxay sheegtey inay sidaasi u yeeshay oo ay magaca isaga badashay ka dib markii Faalfalow ay aaminsan tahay quraafaadkiisa uu u sheegay in ay heli karto fursado badan oo ku aadan inay uur yeelato hadii ay iska badasho magaceeda sidaasi ay ku qaatey sheekada qubxiga ah ee faalalowga.
Lai ninka ay u dhaxdo oo ah hantiila ganacsade ah oo lagu magacaabo Ma Ting Qiang ayaa markii uu soo gaaray warka ku aadan in xaaskiisa ay magacii isaga badashay si ay ilmo ugu dhasho ayuu wuxuu abaalmrin ahaan u siiyey aduun lacageed oo gaaraya 20 milyan oo doolarka Hong Kong ah oo u dhiganta 4 milyan oo doolarka Mareykanka, lacagtaasi oo uu sheegay in uu ugu tala galay in ay ku balaariso xaaskiisa meherada qurxinta hablaha ee ay leedahay.
Gabadhan oo horey u aheyd Aktarad waxay iminka jirtaa 38 sano waxaana ay is guursadeen Mr. Ma 00 52 sano jir ah 11 bilood ka hor, markii ay isguursadeen ayay balanqaaday in qoyskooda uu noqon doono mid ay ka faa’idaan laakiin dadaalkeeda ayaa noqdey mid rajo badan aan yeelan ka gadaal markii ay iska wayday inay uur yeelato.
Wakaalada wararka ee Chanel News Asia oo sheekadan qoryey ayaa waxay sheegtey in Li ay iska badashay dhamaan waxyaabihii magaceedii hore ugu qornaa sida Baasaboorkeeda, waraaqaheeda muhiimka iyo dhamaan wax kasta oo magaceedii hore ugu qornaa, iyadoo sidoo kale la sheegay in Faalalowga warkan u soo alifay uu niyada ugu qaboojiyey inay dadku si fudud ula qabsan doonaan magaceeda dame oo ay iska ilaawi doonaan keedii hore.
Li Zi magaca cusub ee ay qaadatey ee Li Jai Er ayaa wuxuu noqonayaa marka loo fasaro afka Shiinaha “Helid wiil”, waxaana sida magaca ka muuqata Li ay aad ugu bugtaa inay dhasho wiil.
| < Prev | Next > |
|---|




BBC 07:00 GMT 







