GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Maqaallo ma meel laga qaxaayaa loo quraan doontaa waa Qiso cajiib ah

ma meel laga qaxaayaa loo quraan doontaa waa Qiso cajiib ah

E-mail Print PDF
ma meel laga qaxaayaa loo quraan doontaa waa Qiso cajiib ah
                                                                                                                                          (Qalinkii
Cali
Baashi
Xaaji)
 
Iyada oo lawada ogyahay xaalada qalafsan ee ka taagan gudaha soomaaliya gaar ahaan
magaalada muqdisho ayaa waxaa wax la baciidsado ah suurtagal nimada in dad markii
hore magan galyo weeydiistay ama iska dhiibay dalka  denmark xili amniga koonfurta
soomaliya uu sidan dhaamay ay hada yiraahdaan waxaan soomaliya u tagnay barashada
diinta islaamka waxaa laga wada dharagsan yahay oo maanta ay cid kastaaba ogtahay in
xiligani aanu Muqdisho iyo Marka midna laheyn amaan la isku haleyn karo bal iskaba
daaye in loo soo aado diin barasho 
 
Waxaa runtii isweeydiin mudan sida qof uu naftiisa ugu aminayo meel ay kawada
taliyaan labo qolo oo la kala yiraahdo reer Mopile qaate iyo reer Madax jebshe xitaa
dabcan waa wax meesha ku jira hadii la dhihi lahaa ninkani waxa uu diin barasho u
soo aaday Gobolka G/gaduud oo ay ka taliyaan wadaadada Ahlu suna-Walljamaaca balse
meesha uu diinta u soo aaday waa Muqdisho xaaska meesha uu geeystayna waa Marko
 
Hadaba marka ay sheekada halkaasi mareeyso aqristoow maxaa kuu cadaaday oo aad
fahamtay? hadalka oday Xasan maxaa kaaga baxay ma yahay hadal loo baahnaa oo
xiligiisa yimid mise waa hadal layska yiri 
 
Inta aan taada la gaarin aqristoow oo aadan madaxa ka shaqeeysiinin aan aniga hadal
kayga  is raacsado oo aan iraahdo hadalka oday Xasan waxa uu ahaa hadal lala soo
daahay balse loo hamuun qabay  
 
Oday Xasan aniga waxaan hadalkiisa kasii oran lahaa wiilkaaga hadii uu dambaabay oo
uu  umada halakeeyay waxaa kula xisaabtamaya maanta maalin aan aheyn rabigii abuuray
xiligaasoo aaysan wax u tari karin kuwii halaajiyay ee sida xun wax u tusay
qiyaamahana waa maalin uu qofka ka cararayo walaalkii,hooyadii,aabihii,xaaskiisa
awlaadisa marka waxaan ku dhihi lahaa ha u dhinac beelin marba hadii uu ku jiray
wiilkaaga arimo diineed denmark na uu uga soo tagay waxaa dhci karta in uu ka mid
yahay dhalinta la qalday ee sida xun wax loogu tafsiiriyay taasina waxa ay
dhibaaysaa asaga iyo kuwa qarkaasi ka riday adiga hadii aad aaminsan tahay hadii
aadan arinka dafirin in denmark lagaa eryayo irsaaqdaada rabi baa qoray oo taas haka
baqin hadii aad is leedahay dadkii la laayey armeey ehelkooda ku u gaarsadaan taana
haka baqin oo cidna dambigeeda cid kale ma qaadeeyso oo dadku waa dad diin leh una
maleeyn mayo in arintaasi ay dhaceyso oo dadkaasi hadii ay taasi ka suuroobeeyso
iyaga ayaa is qarxin lahaa 
 
Waxaa sidoo kale aan rabaa in aan ku xasuusiyo in kuwii qarxiyay wasiirkii amniga
iyo wax garad kale la aqoon saday iyaga iyo eheladoodaba laakiin waxaan dhicin in
sida ay wax u ugaarsadeen loo ugaarsado ehelkooda 
 
Xaaji Xasanoow hadii wiilkaaga uusan wax shaqo ah ku laheyn arintaasi  waxaa u dambi
dhaafaya ALLAHA abuurtay oo adiga difaac kaagama baahno hadii uu ku lug leeyahayna u
cadaabaya 
 
Arinta keentay shakigan ayaa ah dhowr arimood oo isbiirsaday tusaale waxaa la waayey
dhowr beri qof taqaan waxaa la waayey qof cadeeysa in ay marti qaaday oo adiga
ayaaba qiranaya in qofkii casuumay ay isla dhinteen waxaa cadaatay in uu hoteelka uu
sii dagay labno maalin ka hor qaraxa waxaa cadaatay in uu yaraan tiisa denmark tagay
waxa uu ahaa qofkii ugu darnaa ee ku halakoobay qaraxaasi oo labo cad ayuu noqday 
 
Hadaba iyadoo ay arimahaasi oo dhan ay jireen ayaa hadana waxaad sheegtay arin kaloo
la yaab leh oo waxaad tiri waxa uu wiilkayga Muqdisho u tagay in uu diinta iyo
Quraanka kusoo barto ee wax kale uma aadin xaaskiisana waxa ay joogtaa Marka iyadoo
Denmark ka timid waa yaab!!
 
Waxaa kaloo lays weydiin karaa muxuu inanku waa hore diinta u baran waayey oo
quraankiisa ugu soo beegay xiliga qalalaasaha iyo dhibaatado oo cid kastaaba ay
muqdisho kala carartay nafteeda xitaa ay sii kala qaxeen kuwii qaybta wada ahaa 
 
Xitaa hadii Xaaji xasanoow uu warkaagu sax yahay oo uu warkaasi wax ka jiro aan
adigaba ku su’aalee ma meel laga qaxaayaa loo quraan doontaa?
 
Horta wax walba waxaa naga og ALLE subxaanahu watacaalaa laakiin wax baa halkaasi ku
jira oo u baahan in la turxaan bixiyo loona saaro qubaro 
 
Waxaan hadalkayga kusoo gaba gabeeynayaa in aynu isku dardaarano taqwada ALLE
nafteeyda iyo tiinaba taasi oo waajib nagu wada ah dhamaanteen tafaraaruqana ALLE ha
naga saaro iyo kuwa ka soo horjeeda nabada umada Soomaaliyeed 
 
Wixii aan hagaajiyay ALLE ayaa igu hanuuniyay wixii aan haleeyayna waa hagardaamada
shaydaanka ALLE ha inaga najeeyee
 

  This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
 
Last Updated on Friday, 11 December 2009 01:46  


Newsflash