Gaalkacyo: “ Ciidamadeena Qalabka Sida dagaal ayay udiyaar garoobeen, waana qabanaynaa Daciifiinta amaan darada wada” Gudoomiyaha gobalka Mudug.ee hoostaga :puntlandGaalkacyo(Geesguud)- Axmed Cali Salaad oo ah gudoomiyaha gobalka Mudug ayaa shir Jaraa’id oo uu manta ku qabtay Xaafiiskiisa magaalada Gaalkacyo, wuxuu kala hadlay xaajada amaan daro, isagoo soo qaaday falalkii ugu dambeeyey ee amaan daro, isla markaasna uu sheegay in ay masuuliyadooda qaadi doonaan cidiii ka dambeysay.
Gudoomiyaha gobalka Mudug oo ka hadlay xaalado badan ayaa si gaar ah usoo qaaday amaanka, wuxuuna sheegay in cida ka dambaysa falalka abaabulan ee qaraxyada ah ay yihiin kuwa ay og yihiin laamaha amaanku, wuxuuna cadeeyey in ay ku hayaan dabagalo xoog leh.

Axmed Cali Salaad wuxuu sheegay in ay hayaan xogo buuxa oo muujinaya goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan kooxahaasi iyo cida gacanta siinaysa, isagoo sheegay in ay gacanta ku soo dhigi doonaan oo ay ugu gali doonaan Hotelada iyo guryaha ay degan yihiin.
Shacabka ayuu ugu baaqay in ay is difaacaan oo ay hubkooda iskaga ilaaliyaan kooxaha uu ku sheegay in ay ka shaqeynayaan amaan la’aanta Puntland, gaar ahaana magaalada Gaalkacyo, wuxuuna sidoo kale codsaday in la saacido ciidamada amaanka ee magaalada Gaalkacyo, oo uu sheegay in ay howl adag hada gacanta ku hayaan.
“ Gobaladii Koonfureed ayay soo qaseen amaan daro iyo dil joogto ah ayay ku hayaan, hada waxa ay doonayaan in ay Puntland saas ka dhigaan, siiba Galkacyo, waxaan usheegaynaa in usoo jeesanay oo aan wax badan ka qaban doono, kuwa daciifiinta ah oo diidan nidaamka iyo Soomaalinimada” Ayuu yiri Gudoomiyaha gobalka Mudug oo hadalkiisu umuuqday mid uu ula jeeday in weeraradii dhacay Masuuliyadooda ay leeyihiin dadka uu sheegay in ay soo gubeen gobaladii Koonfureed ee dalka Soomaaliya.
Col. Axmad wuxuu intaasi ku daray in aad uga xun yihiin dad udhashay magaalada Gaalkacyo, ay dadkaasi guryaha iyo Hotelada ka kareysteen, wuxuuna sheegay in ay og yihin dadkaasi, oo ugu baaqay in ay cadowga iska qabtaan.
“ Dad ayaa soo dhaweysanaya oo Hotelada iyo guryaha ka kiraysanaya, ma garan karno ujeedadoodu ma waxayba la wadaan ma garan karno mise wacaal ayaysan uheyn Cadowga cagaha jaraya hadhow” Ayuu si kulul u yiri Gudoomiyaha gobalka Mudug ee Puntland.
Hadalka Axmad Cali Salaad ayaa ku soo beegmaya xili mudooyinkii ugu danbeeyey, gaar ahaana Bishan November ay magaalada Gaalkacyo marti unoqotey amaan la’aan ayadoo qaraxyadii ugu dameeyey oo dhacay lugu weeraray Xaruntii uu ku qabtay Shirkan Jaraa’id.
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































