GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Dagaal Galabta DhaxmarayCiidamo kawada tirsan Dowlada kmg

Dagaal Galabta DhaxmarayCiidamo kawada tirsan Dowlada kmg

Muqdisho:IGeesguud..ska horimaadkaan oo u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda KMG ayaa waxaa uu ka dhacay galabta iridka hore ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG kadib markii uu soo gaba gabobay kulankii ay ku lahaayeen golaha wasiirada dowladda KMG.

 

Iska horimaadka ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyay ilaalada labo ka mid ah wasiirada dowladda kMG oo iyagu ka qeyb galay kulanka golaha wasiirada,iyadoo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo  lala xariirtay ay ka gabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan iska horimaadkaasi dhexmaray ciidamada dowladda hase ahaatee waxaa ay tilmaameen in iska horimaadkaasi ay ku geeriyoodeen labo askari iyadoo ay ku dhaawacmeen in badan tiradaasi.
 

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in iska horimaadku uu salka ku hayay muran soo kala dhexgalay ciidamada isku dhacay  inkastoo aan wali si dhab ah loo ogeyn,waxaana soo kala dhexgalay oo xaalka qaboojiyay ciidamada AMISOM ee ku sugan xarunta Madaxtooyada gaar ahaan xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

 

Iska horimaadkan maanta ciidamada dowladda ku dhexmaray afaafka hore ee guriga Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa uu qeyb ka yahay iska horimaadyo inta badan dhexmara ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya kuwaasi oo inta badan waxyaabo fudud isku qilaafa. Muqdisho....Geesguud

 


Newsflash