GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Sheekh Yuusuf Indhacadde “anigoo ku hadlaya codka madaxweynaha waxaan raali

Sheekh Yuusuf Indhacadde “anigoo ku hadlaya codka madaxweynaha waxaan raali

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga dowladda KMG Sheekh Yuusuf Indhacadde ayaa sheegay in isagoo ku hadlaya codka madaxweynaha uu raali gereynayo culumaa’udiink Ahlu Sunna waljamaaca.

 

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacadde ayaa ka hadlay dhaliilaha dowladda KMG ay u soo jeediyeen Culumaa’udiinka Ahlu Sunna waljamaaca kuwaasoo mudo u qabtay dowladda KMG in ay kaga jawaabto hadalkii madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ku sheegay in ay isku mid yihiin xoogaga ka soo horjeeda dowladiisa iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca.

 

Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacadde oo sheegay in uu ku hadlayay codka madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay raali galin ka bixinayaan hadalkii madaxweynaha isagoo xusay in culumaa’udiinka Ahlu Sunna aysan isku mid aheyn dhinacyada ka soo horjeeda dowladda waxaana uu tilmaamay in ay ku habooneyd hadiiba ay tirsanayaan qaladaad iyaga laga galay in aanu soo marsiin dhanka saxaafadda hase ahaatee ay ku habooneyd in ay la soo xariiraan isagoo tilmaamay in hubka ay ku dagaalamayaan uu ka mid yahay  hubkiisa.

 

Dhinaca kale waxaa uu ka hadlay hadal mudane ka tirsan Barlamanka kMG uu siiyay saxaafadda kaasoo ku saabsanaa muranka soo kala dhex galay dowladda KMG iyo culumaa’udiinka Ahlu Sunna,waxaana uu sheegay in xildhibaankaasi uu u hadlay mucaaradnimo ah islamarkaana looga fadhiyo gudiyada anshaxa dowladda KMG in ay ka qaataan go’aan ku aadan hadaladii uu saxaafadda siiyay.

 

Muranka soo kala dhexgalay  culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowladda kMG ayaa soo ifbaxay kadib markii madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu isla bar bar dhigay culumaa’udiinka Ahlu Sunna WAljamaaca iyo xoogaga kale ee ka soo horjeeda taasoo ay ka soo horjeesteen culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca.

 

Arintaani ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili dowladda KMG dagaalo ay kula jirto xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab iyo Ururka Xisbul islaam oo ku sugan inta badan gobolada dalka Soomaaliya iyo qeybo fara badan oo ka mid ah magaalada caasimadda ee Muqdisho halkaasi oo uusan soo gaarin maamulka dowladda KMG ee Soomaaliya.

 


Newsflash