GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Somalia oo safka hore ka gashay musuqmaasuqa caalamka

Somalia oo safka hore ka gashay musuqmaasuqa caalamka

Geesguud:Daraasad la sameeyey ayaa lagu sheegay in dalka Somalia uu kaalinta koowaad ka galay liista wadamada ugu musu-maasuqa badan aduunka

Warbixintan oo ay sanadkiiba mar soo saarto ururka caalamiga ah ee loo yaqaano (Transparency international) ee la dagaalama musuq-maasuqa ayaa waxaa lagu sheeggay in uu musuqmaasuqu uu halis ku hayo sidii uu guud ahaanba dhaqaalaha aduunka uga soo kaban lahaa badeecatal caajiska haattan taaggan,oo aan waxtarkii looga dan lahaa yeelan doonin lacagaha badan ee lagu doonayo in dardar lagu geliyo dhaqaalaha aduunka.

Afgaanistaan ayaa waxaa ay warbixinta sanadkan iyo kii hore ee 2008 ku sheegtay in musuq-maasuqu dishooday. Hogaamiyayaasha wadamada reer Galbeedka ayaa si cad ugu duraya madaxwayne Xamiid Karzia musuq-maasuqa dawladiisa iyo sidii uu u qabtay doorashooyinkii dhawaan ka dhacay wadankaasi.

Dalka Somalia ayaa isaguna marka ay timaado musuq-maasuqa waxaa sida lagu sheeggay warbixintaasi uu yahay ka ugu ba’an ee qaarada Africa,iyada Somalia ay kaalintaasi oo kale ay kaga jirtay iyadoo dagaalada ka socda lagu tilmaamay hanti urursi somaliya nasiib uma yeelan madax ka madax banaan musuqmaasuqa 

 Warbixintii sanadkii hore ee 2008dii.Huwanita Riyana oo ka tirsan ururka Transparency International ayaa waxaa ay sheegtay in ay mar walba warbixinahooda ay ku saleeyaan xoggaha ay ka helaan 13 hay'adood oo caalami ah xiitaa haddii aanay hayadaasi jooginba wadanka ay markaasi ka war bixinayaan.

Dalka Somalia oo kale waxaa ay sheegtay in ay warbixinada ka heleen hayadaha ay ka midka yihiin Bangiga horumarinta Africa iyo Global Inside,oo iyagu leh khubaro uga baaraan dega arrimaha Somalia.Waxaana ay sheegtay in ay eegaan musuq-maasuqa ka jira dhinaca maamulka,laaluushka iyo lacagaha laga qaado dadka si markaasi ay u helaan adeegyada dadwaynaha.
Geesguud.com

 


Newsflash