Cristiano Ronaldo ayaa la filayaa inuu ciyaaro ciyaarta weekend-ka Real madrid la ciyaari doonto kooxda Santander horyaalka Spain,laakiin aan ciyaarayn ciyaarta xulka qarankiisu ciyaarayaan arbacada si ay ugu soo gudbaan koobka aduunka sanadka 2012 lagu qabanayo Koonfur afrika
Madrid(Geesguud) Ciyaaryahanka aduunka ugu qaalisan xiligaan Cristiano Ronaldo ayaa ilaa 10 oktoobar sanadkaan ka maqnaa garoomada dhaawac jilibka kasoo gaarey awgiis,balse maanta ayuu sheegey inuu diyaar u yahey inuu ciyaaro oo uu ka soo bogsadey dhaawacaas.
Ronaldo wuxuu maanta kooxdiisa Real Madrid la bilaabay tababarkii waxaana lafilayaa inuu ciyaaro weekend-kaa oo ay real la ciyaareyso kooxda Santander horyaalka Spain (LA Liga).
Real madrid waxey sheegtey in lahubo inuu safanaya Champion leageu ee Rael madrid ay seetamaanka soosocda la ciyaarayso kooxda FC Zürich.
Waxaa awal laga shakisanaa in uu dhaawaca ku maqnaado marka ay Real ciyaarayso ciyaarta sanadkan dhan lawada sugayey oo ah marka ay kulmayaan Barcelone oo ah 29 bishan novembar, balse hada waxey u muuqataa inuu Ronaldo diyaar u yahey Barcelone inuu la kulmo iyadoo ay ugu dambeysey ciyaar uu barcelone la ciyaaro bishii may sanadkaan markaas oo uu u ciyaarayey kooxdiisii hore Manchester United,ciyaartuna aheyd Finalkii Champion Leageue . waxaana ciyaartaas 2-0 ku badiyey Barcelone.
Ronaldo wuxuu noqdey ciyaaryahanka ugu qaalisan aduunka sanadkii lasoo dhaafey ka dib markii Real Madrid ay kusoo iibsatey aduun gaaraya 1 milyan oo Euro (!.2 milyan oo dollar qiyaastii) ayna kasoo iibsatey kooxda Manchester united.
Geesguud Sports Stckhm
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































