GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka MIDOWGA YURUB IYO FAO OO SOO KORMEERAY WADO DHEER OOLAGA DHISAYO MAGAALADA BOORAME

MIDOWGA YURUB IYO FAO OO SOO KORMEERAY WADO DHEER OOLAGA DHISAYO MAGAALADA BOORAME

 Wafdi ka socda maamulka Somaliland, Midowga Yurub iyo hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan beeraha iyo cuntada ee FAO ayaa kormeeray dhismaha wado laga hirgelinayo inta u dhexeysa magaalada Boorama iyo deegaanka beeraleyda ah ee Xeego ee gobolka Awdal.

Ujeedada booqashada wafdiga ayaa lagu sheegay inay tahay xubnaha Midowga Yurub iyo FAO ay soo eegaan sida ay u socota dhismaha jidka iyo sida loo hirgeliyay mashruuca dhismaha waddada oo ay iyagu maalgeliyeen.

Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedooleoo wafdiga hoggaaminayay ayaa sheegay in howsha dhismaha ay meel gabagabo ah mareyso, wuxuuna ammaanay kaalinta ay dhismaha ka qaateen deeq bixiyeyaasha caalamiga ah.

Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan waddooyin kala eoo laga dhisayo gobolka si ay u sahlanaanto isu socodka deegaannada Awdal.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash