GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka WIIL DHALINYARO AH OO MEEDKIISA LAGA HELAY BARTAMAHA MAGAALADA KISMAAYO

WIIL DHALINYARO AH OO MEEDKIISA LAGA HELAY BARTAMAHA MAGAALADA KISMAAYO

Sida ay baahisay mid ka mid idaacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho oo soo xiganeysa dad kusugan Kismaayo waxaa saaka lagu arkay halkaasi meydka wiil dhalinyaro ah oo rasaas jirkiisa ay ka muuqanayeen.
Dadka soo arkay Meydkaasi ayaa usheegay saxaafada in wiilka dhalinyaro uu ahaa da’disana lagu qiyaasay 20-25 inta udhaxeysa iyadoona dadka ay ku sheegeen in si bareer ah ula muuqatay in loo dilay.
Qaar ka mid ah dadka kusugan Kismaayo ayaa ka gaabsaday inay faah faahin ka bixiyaan waxa uu ahaa wiilka meydkiisa saaka la helay iyo cida loo maleyn karo inay dilkiisa ka dambeeyaan.


Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxay sheegeen in askarta Raaskambooni dilka wiilkaasi ka dambeeyeen iyagoo ku eedeeyey inuu istaago xilliga oo ahaa habeen islamarkaana markii uu dhago adeegay rasaas lagu furay uu sidaa ku geeriyooday.
Warar kale waxay sheegayaan in al shabaab ay ka dambeeyaan dilka Wiilkaasi dhalinyarada ahaa oo ay ku sheegeen jaajuus ushaqeynayey ciidamada huwanta ee kusugan Kismaayo islamarkaana ay sidaasi iyagu ku khaarajiyeen.
Magaalada Kismaayo ayaa dhawaan waxa lagu dilay sargaal ushaqeynayey Hay’ada Bisha Cas xarunteeda magaalada Kismaayo taasi oo badi dadkana ay aad uga xumaadeen dilkiisa.

Mahad Ali Geesguud News  Muqdisho

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash