Waxa Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho shir balaaran oo looga hadlayay arimaha Maamul u samaynta deeganada Jubbooyinka, waxaana kasoo qayb galay masuuliyiin Siyaasiyiin odayaal dhaqameed iyo Wax garad.
Kulanka ayaa waxaa loogu sheegay in looga hadlay sidii ay dadka ku nool jubooyinka uga wada tashan lahaayeen aayaha goboladaas oo hada si xawli ah ay uga wadaan dadka deegaanka maamul usameyn.
Xildhibaan Xuseen Baantuu oo kamid ah mudanayaasha ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in masuuliyiinta gobolada Jubooyinka aysan ka warqabin maamulka la doonayo in loo sameeyo gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
C/qaadir Luga dheere oo ah Gudoomiyaha Gudiga Nabadeynta iyo xal-uraadinta Jubooyinka kana Midka ah dadka kasoo jeeda gobolada Jubooyinka oo isna si kulul u cambaareeyay kooxaha qaban qaabinaya shirka la shhegay inuu magaalada kismaayo ka furmaayo
Asagoo kulanka hadal ka jeediyey ayaa sheegay inuu ku talinayo in la joojiyo shirka ay qaban qaabadiisu ka socoto magaalada Kismaayo kaasoo lagu wado inuu halkaas ka furmo 23 bishan isagoona tilmaamay iney lagama maarmaan tahay in maamulada dalka loo dhisayo ay isku waafaqaan dadka deegaanka ku wada dhaqan inta aan lagu dhaqaaqin dhisitaankooda.
Kulanka ayaa ka mid noqonaya kulamo fara badan oo ka kala dhacaya meelo kala duwan kuwaas oo dhamaantood looga hadlayo arimaha maamul u samaynta gobolada Jubooyinka
Halkaan ka daawo

Mahad Ali Geesguud News Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































