GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka MADAXWEYNE FAROOLLE OO MIDOWGA YURUB KALA HADLAY HANAANKA DIMUQRAADIGA EE KA JIRTA PUNTLAND

MADAXWEYNE FAROOLLE OO MIDOWGA YURUB KALA HADLAY HANAANKA DIMUQRAADIGA EE KA JIRTA PUNTLAND

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Masuuliyiin ka socotay EUda oo Garoowe Maanta Soo gaaray kana Noqday oo uu hogaaminayay Michele Cervone oo ah Ergeyga Midowga Yurub u Qaabilsan Arimaha Soomaaliya ay ka wada hadleen arimo Quseeya Dimuqraadiyada Puntland iyo Dardar gelinta Doorashooyinka Dowladaha hoose oo May 2013ka la filayo in ay ka dhacaan Deegaanada Puntland kadib Kulan ay maanta ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada Magaalada Garoowe.


“ Wada hadalkeena waxaa ugu muhiimsanaa arimaha Dimuqraadiyada Puntland iyo ka mira dhalinteeda waxaa kaloo isla soo hadal qaadnay Doorashooyinka Dowladaha Hoose ee Dhawaan la filayo in ay Puntland ka qabsoomaan waxayna nagala hadleen Habkii loo sugi lahaa Amniga masuuliyiinta Ururada ka diiwaansan Gudiga doorashooyinka ee u tartamaya in ay kusoo baxaan 3xisbi siyaasadeed ee Puntland hogaamin doona , Aragtida Dadweynaha ee Nidaamka Xisbiyada Badan iyo sidoo kale Xoriyatul Qawlka in la dhawro ayaanu ka wada hadalnay ayuu yiri Madaxweyne faroole.

Dr Cabdiraxmaan wuxuu kaloo xusay in ay qodobo badan isla meel dhigeen wafdiga isagoo sheegay in kulankan uu ahaan doono mid is daba jog ah Midowga Yurubna ay soo dhaweeyeen Arimaha Dimuqraadiyada ee ka socda Puntland taageerona u hayaan.

Michele Cervone oo hogaaminayay Wafdiga ayaa sheegay dhankiisa in Hogaanka Puntland ay ka wada hadleen adkeynta Amniga Deegaanada iyo Arimaha Dimuqraadiyeynta Waxaana sidoo kale uu u mahadceshay Dowlada Puntland iyo gudiga Doorashooyinka kadib markii ay isku taxluujiyeen sidii looga gudbi lahaa marxalada Qabiil wax ku doorashada looguna gudbi lahaa hab Dimuqraadi ah, wuxuuna sheegay in Midowga Yurub uu taageero u hayo Puntland .

6da Urur ee hada ka jira Puntland ayaa ku tartami doona 3da Xisbi ee usoo baxa hogaaminta Puntland Bisha MAY ee Sanadkan 2013ka sida lagu balansan yahay

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash