Wararka aan ka heleyno Suuqa Bakaaraha gaar ahaan Qeybta lagu iibniyo Qudaarta ayaa sheegaya in Maanta qarax Bambaano lagu weeraray Askar katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya oo kusugnaa Gudaha Suuqaasi.

Goob joogayaal Suuqa ku sugnaa ayaa Warbaahinta u sheegay in Qarxaaasi uu sababay Geerida ilaa 3-qof oo la sheegay in ee katirsanaayeen Askarta Dowlada Soomaaliya iyo tiro kale oo dhaawac ah ee dad rayid ah kujiraan.
Qaraxa kadib waxaa goobtaasi soo buux dhaafiyay Askar katirsan Ciidanka Dowlada oo halkaasi ganacsigii ka jiray Mudo daqiiqado ah hakad galiyay baaritaanana ka sameeyay inkastoo aan la ogeyn in ee dad kusoo qabteen iyo inn kale.
Qaraxyada loo adeegsado Bambaanooyinka gacanta lagu tuuro ayaa mudooyinkan dambe kusoo badanayay Gudaha Suuqa Bakaaraha iyadoona Todobaadkii aan soo dhaafnay sidan oo kale Qaraxyo Bambaano oo Waxyeelo kasoo gaaray Dad shacab ah uu ka dhacay Gudaha Bakaaraha.
Mahad Ali Geesguud News Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































