Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa lagu soo rogay bandow, kaasoo loogala jeedo in lagu xaqiijiyo ammaanka Magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu qaban doonaa shirweyne ballaaran, oo Maamul loogu sameynaayo Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Shirweynahaan ayaa waxaa leesku haayaa in la furo 23 ilaa 24-ka bishaan Febraayo, waxaana leesku raacay in si rasmi ah looga furo Magaalada Kismaayo.
Maalmahaan ayaa waxaa ka socda qaban qaabo shir qilaaf badan dhaliyay oo sida la sheegay todobaadkii hore loo dilay dad ka soo hor jeeday qaabka shirka loo abaabulaayo
Bandowgaan ayaa wuxuu bilaaban doonaa marka la gaaro 7-da fiidnimo, wuxuuna bilowday habeenkii xalay ahaa oo uu si rasmi ah uu uga dhaqan galay Magaalada Kismaayo.
Ciidamada Dowladda, Raaskambooni iyo Ciidamada Dowladda Kenya, ee qeybta ka ah Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay dadka u sheegeen inaysan socon kareyn, meesha lagu gaaro 7-da fiidnimo
Ali Abdi Yare Geesguud News Kismaayo
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|








BBC 04:00 GMT 









































