GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka WEERAR ISMIIDAAMIN AH OO GOORDHAW KA DHACAY BAAR WEYN OO KU YAAL XEEBTA LIIDO

WEERAR ISMIIDAAMIN AH OO GOORDHAW KA DHACAY BAAR WEYN OO KU YAAL XEEBTA LIIDO

Waxaa goordhaw Weerar Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay Baar weyn oo kuyaala Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho .

Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Qaraxu ahaa mid ismiidaamnin ah uu ka dhacay gudaha Baar Liido Sea Food halkaasna uu gaariga iyo ninkii watay ee gudaha u galeen gaar ahaan Halka gawaarida lagu baakin gareeyo.

Wali lama oga Qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Wererarka Ismiidaaminta ah.

Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa hada gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay iyadoona gabi ahaan la xiray jidadka gala Halka uu qaraxu ka dhacay iyo kuwa kasoo baxa.

Baarkan la qarxiyay iyo baararka kale ee kuyaala Xeebta Liido ayaa inta badan waxaa taga Masuuliyiin katirsan Dowlada iyo dad u badan Qurbo joogta dalka dib ugu soo laabatay iyo waliba dadka lacagta leh ee kunool Magaalada Muqdisho.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash