Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa waxaa la sheegay inay cabasho weyn ka muujiyeen maamul u sameynta gobolada Jubooyinka oo ay sheegeen inay faraha kula jirta dowlada Kenya arintaas oo ay ku tilmaameen mid aan la qaadan karin.
Afhayeenka Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo dhawaantaan ka hadlay arintaas ayaa waxaa uu ku tilmaamay shirar la sheegay inay socdaan oo maamul loogu dhisaayo Jubooyinka kuwo aan la aqbali karin asagoona uga digey dowlada dalka Kenya inay faraha kala baxdo arimaha Soomaaliya gaar ahaana arimaha Jubooyinka oo uu sheegay inay tahay mid u taala dadka iyo dowlada Soomaaliyeed oo uu sheegay inay tahay dowlada cadaalad ah oo ka duwan dowladihii hore ee ay soo martey dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina waxaa uu nabadoon Axmed Diiriye uu fariin adag u direy dadka wada maamulkaas oo uu sheegay inuusan maamul aysan dowlada Soomaaliyeed wadin uusan wax mira ah dhaleynin islamarkaana uu abuuri karo dhibaatooyin hor leh oo ka dhasha magaalada Kismaayo oo uu ku sheegay inay noqotey magaalo nasiib daran oo mar walba u taagan dhib iyo shido, asagoo sidoo kalena sheegay inay maamul u sameynta magaalada Kismaayo ay dhib ku hayaan Axmed Madoobe iyo maleeshiyaadkiisa Raaskambooni asagoona uga digay inay dhibkaas ka waantoobaan oo ayna ogolaadaan in magaaladaas loo dhiso maamul loo wada dhan yahay
Halkaan ka daawo
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|








BBC 04:00 GMT 










































balse waxaan rajeynayaa ka hor in xal loo helo xal hadii la waayana xeryaha ayaa leysla tagayaa