Shirweynaha maamul u sameynta Jubbooyinka ayaa si rasmi ah uga furmi doona magaalada Kismaayo Sabti, Febraayo 23-keeda, sida uu shaaciyay guddiga farsamada ee u xil saaran dhisidda maamulka Jubbaland.
Guddiga farsamada ayaa sheegay in ergo kor u dhaafeysa 500 oo xubnood oo ka kala socota dowladda Soomaaliya, urur goboleedka IGAD iyo dadka deegaanka lagu wado inay ka qeyb-galaan shirweynaha ka furmaya magaalada Kismaayo.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo lagu qabtay Kismaayo, guddoomiyaha guddiga farsamada Macallin Ibraahim Maxamed ayaa maanta sheegay in shirka uu noqon doono isku daygii ugu dambeeyay ee maamul goboleed loogu sameynayo shacabka ku dhaqan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.
Xubno ka tirsan guddiga ayaa rajo ka muujiyay inuu mira-dhal noqon doono shirka.
Tan iyo markii al-Shabaab laga saaray magaalada Kismaayo dabayaaqadii sanadkii la soo dhaafay, waxaa socday dadaallo maamul goboleed loogu dhisayo dadka ku dhaqan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.
Guddiga farsamada oo ka kooban 25 xubnood ayaa magaalada Kismaayo gaaray Sabtidii la soo dhaafay si uu u fududeeyo howsha qabsoomidda shirweynaha.
Ali Abdi Yare Kismaayo Geesguud News
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|








BBC 04:00 GMT 









































