GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka WEERAR DIYAARADAH KENYA AY KU DUQEEYEEN XALAY DEEGAANKA BUULO-GADUUD EE GOBOLKA JUBADA HOOSE

WEERAR DIYAARADAH KENYA AY KU DUQEEYEEN XALAY DEEGAANKA BUULO-GADUUD EE GOBOLKA JUBADA HOOSE

Diyaaradaha dagalka ee Dowladda Kenya ayaa xalay duqeyn xooggan u geystay fariisimo ay Maleeshiyaadka kooxda Shabaab ay ku leeyihiin degaanka Buulo-gaduud oo qiyaastii 30KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose

Deegaanka la duqeeyay ee Buulo-gaduud waxaa maalmihii la soo dhaafay isku abaabulayay maleeshiyaadka Shabaab kuwaasoo qorsheynayay weerar ay ku soo qaadaan difaacyada Ciidamada huwnata ah ee duleedka magaalada Kismaayo.

Macada ilaa hadda khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi, balse goobjoogayaal ku sugan deeganka Buulo-gaduud ee la duqeeyay ayaa GG u sheegay in ilaa labo diyaaradaha nooca dagaalka ah ay gantaalo la dhaceen fariisimaha ay Shabaab ku leeyihiin Buulo-gaduud.

Sida na loo sheegay ma jiro wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah ee ku nool deegaanka Buulo-gaduud, mana jirto cid ilaa hadda ka hadashay duqeyntaasi xalay ka dhacday deegaankaasi.

Ali Abdi Geesguud News Kismaayo

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash