GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka BANAANBAXYO WAAWEEN OO MAANTA KA DHACAY MAGAALADDA HARGEYSA.+DAAWO MASAWIRADA

BANAANBAXYO WAAWEEN OO MAANTA KA DHACAY MAGAALADDA HARGEYSA.+DAAWO MASAWIRADA

Dadwaynaha Magaalada Hargeysa ayaa isugu soo baxay jidadka waaweyn ee Magaalada Hageysa , iyagga oo sitay calanka Maamulka Somaliland iyo weliba boodhadh waaweyn oo ay ku xardhan yihiin weedho lagu taageerayo madax-banaanida iyo xasiloonida ka jirta Somaliland.



Dadwaynahan oo isugu jiray ardayda jaamacadaha, haween, ganacsatada kala duwan ee caasimada iyo weliba dad kale oo aad u fara badan, ayaa waxay subaxdii hore ee saaka isugu yimaadeen albaabka hore ee aqalka baarlamaanka Somaliland oo uu maanta khudbad sanadeedkiisii ka jeedinayey Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Dadwaynaha ayaa dhigay dibad-bax salmi ah oo ay kaga soo horjeedaan dhawaaqii Ingiriisku ku sheegay in nabadgalyada Somaliland liidato, waxayna ku dhawaaqeen weedho ay ku amaanayaan Somaliland iyo jiritaankeeda, sidoo kalena waxay eedaymo u jeediyeen Dawladda Ingiriiska oo ay sheegeen inay ka soo horjeedo Madax-banaanida Somaliland.

Dadwaynaha mudahaaradayey, ayaa sida sawirada ka muuqata sitay boodhadh ay ku qornaayeen weedho ay ka mid yihiin “Somaliland waa Qaran Nabdoon”

Dibad-baxan, ayaa waxa sidoo kale ka qayb-qaadanayey masuuliyiinta dawladda Somaliland, sida Wasiirrada, shir-guddoonka baarlamaanka, iyadda oo markii Madaxwayne Siilaanyo uu khudbad-sanadeedkiisa uu jeediyay uu dadwaynaha kala qayb-galay dibad-baxan, isaga oo Madaxwaynuhu ka lugeeyay aqalka baarlamaanka, isaga oo lug ku gaadhay dhakhtarka weyn ee caasimada oo markii dambe uu ka raacay gaadiidkiisiisa gaarka.

Sidoo kale, dibad-baxan, ayaa waxa korka ka ilaalinayey ciidamada kala duwan ee Somaliland, sida booliska, nabad-sugida iyo ilaalada Madaxtooyadda, kuwaasi oo si gaar ah isha ugu hayey dhaqdhaqaaqyada amaanka lidka ku ah.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash