Dowladda Dalka Britain ayaa u digtay muwaadiniinteeda iyo dadka reer galbeedka inay tagaan Somaliland, kadib markii la sheegay inay ka soo fool leedahay qatar xaga amaanka ah.

War kasoo Baxay Xafiiska Arrimaha dibada Britan ayaa lagu sheegay inay jirto qatar ku wajahan dadka reer galbeedka ee jooga dhulka Somaliland.
Sidoo kale Warbxinta xafiiska arrimaha dibada ayaa lagu sheegay in horay uu ugu taliyay inaan wax socdaan ah lagu tagin Soomaaliya oo idil, oo ay ku jirto Somaliland, waxaana si gaar ah fariintan loogu diray muwaadiniinta British-ka.
Dhanka kale waxaa loogu baaqay muwaadiniinta Britishka ee jooga Somaliland inay isaga baxaan, iyadoo la cadeeyay inay jirto qatar gaar ah oo la ogyahay, kaasoo ku soo wajahan dadka reer galbeedka ee jooga Somaliland Sida War Saxaafadeedka kasoo Baxay Xafiiska Arrimaha dibada Britan ku qornaa
Wixii Warar ah eek u Saabsan arinkaan Kala Soco Wararkayaga danbo Insha allah
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































