GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka MADAXWEYNE XASSAN SHEEKH OO KHUDBAD QIIMO BADAN KA JEEDIYAY SHIRKII MIDOWGA AFRICA

MADAXWEYNE XASSAN SHEEKH OO KHUDBAD QIIMO BADAN KA JEEDIYAY SHIRKII MIDOWGA AFRICA

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa manta khudbadiisii ugu qiimaha badneyd ka jeediyay shirka ururka midowga Africa oo si rasmi ah uga furmay magaalada Addis-ababa ee xarunta wadanka Ethiopia.Madaxweynaha ayaa ka hadlay qodobo muhiim ah wuxuuna qeexay seddex qodob oo lagama maarmaan u ah horumarka dalka Soomaaliya,

 

koow in safaaradaha aduunka laga furto Muqdisho, in cunaqbateynta hubka laga qaado Soomaaliya iyo in dalka Soomaaliya loo aqoonsado wadan madax bannaan oo ka jira geeska Africa.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu sii laacayo dowrka ciidamada AMISOM, wuxuuna codsaday in la xoojiyo tababarka ciidamamada, isagoo dhanka kale ka hadlay jaaliyadda dalka ku soo laabaneysa iyo arrimaha qaxootida lagu dhibaateeyo wadamada dariska.

 

Madaxweynaha ayaa amaanay dowrka dowladaha caalamka iyo qaramada midoobay, wuxuuna sheegay in dunida oo dhan ay tusaale wanaagsan ka dhigan karaan xukuumadda Washington.

 

Mr. Maxamuud, ayaa xusay in lagama maarmaan ay tahay in la sameeyo guddi shan geesood ah oo ka kooban dowladaha Kenya, Ethiopia, iyo Yemen, UNHCR iyo dowladda Soomaaliya.

 

Gudigaasi ayaa ilaalin doona xuquuqda qaxootida si dalkooda ay ugu soo laabtaan iyagoo aan la qasbin, waxaana madaxweynaha uu ka digay in diriq dadka qaxootida ah loogu soo celiyo.

 

Dhanka kale madaxweynaha iyo wafdigiisuba waxay aadi doonaa magaalada Baraasles ee dalka Biljamka halkaasina, waxaa ay kaga qeyb gali doonaan kulan midowga Yurub uu yeelan doono.

 

Booqashada madaxweynaha iyo kulamadiisa Midowga Africa iyo midowga Yurub, waxay ku soo beegmayaan xilli dhawaan dowladda Soomaaliya ay aqoonsi rasmi ah ka heshay dowladda Mareykanka

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it      This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash